Mohamed Salad

Mohamed Salad

Share

Welcome to positive vibes! Living, laughing, and loving! 💘
Learning, growing, and evolving!

Be good to others as ALLAH has been good to you.🙏 Al Qasas | Verse 77

26/12/2025

Well Said Mudane Madaxweyne!

International law requires Israel to comply and respect the territorial integrity and sovereignty of Somalia. Recognizing a part of Somalia is a complete breach of this. Somaliland is an integral part of Somalia. Our people are firmly united in the defence of their sovereignty.

01/01/2025

Inta Hartay bal halaga gaaro.!

01/01/2025

Maxaa ka hirgalay ballantaan?

Su'aal haddii laga weydiiyo talow muxuu ku jawaabi karaa Madaxweynuhu? Weli ballan qaadyadii miyuu sii wadaa ayadoo 1/1/2025 la joogo!

Haddii uusan Hogaamiyuhu runta sheegin Ummaddaas waa go'day!

25/12/2024

Maxaa ka khaldan Madaxda Soomaalida?

Jawaabta waxaa laga dhex heli karaa marka la tixgeliyo doodaha siyaasadeed ee bulshada, iyo in laga wada hadlo danta guud ee Soomaalida u baahan yihiin in si fiican u fahmaan.

Marka laga hadlayo dhibaayooyinka Siyaasadeed iyo Amniga: Madaxda Soomaalida waxaa lagu eedeeyaa inay taageero ka raadiyaan Itoobiya si ay ugu xasiliyaan xaalada gudaha Soomaaliya. Tani waxaa looga faa'iidaystaa heshiisyo siyaasadeed oo ay la galaan Itoobiya, taasoo keentay in qaar ka mid ah dadka Soomaalida ay u arkaan in madaxda Soomaalida ay yihiin kuwo dantooda gaarka ah raadinaya, halkii ay ku dadaali lahaayeen sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada iyo colaadaha ka jira dalka loona baadi goobi lahaa Danta guud.

Ugu dambeyn, madaxu markuu arko in ay kasii idlaanayso waqtiga ayuu ku baraarugaa dhabta iyo xaqiiqada jirta asigoo awal ka door biday Dal shisheeye inuu dadkiisa la heshiisiiyo, kana qaybgeliyo, lana wadaago ajandayaasha Dalkiisa taaso marwalba caqabad iyo dib udhac ukeenta hanaanka Dawlad dhiska Soomaaliya.

Wax walba oo lasoo qabtay waxaa lagu saleeyay aasaas khaldan oo qabyaaladeysan kuna dhisan dan gaar ah in la baadi goobo sababta aan uleeyahayna waxa weeye, marnaba ma saaraysid dhaayaha Madax kala dambaysay oo isku raaca hal Ajanda qaran ah oo dhiraan dhiriya ilaa laga gaaro guul dan guud ah marba kii dambeeya wuxuu baabi'iyaa kan h**e raadkiisa oo awalba qaloocnaa asigana waa uga sii daraa oo xariiqin kale oo kaba yaabisa bulshada ayuu sii dilaaciyaa!

Gunaanadka waxa weeye bulshadu waa inay la yimaadaan isku duubni laga dheehan karo bulsho is dhashay aanan ku dhisnayn Dan dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid fekerba - marka h**e aan ogaano inaynu hal dad oo is dhalay isla dhashay waxna wada leh nahay kadibna aanu daryeelno dalkeena.

--------Rabbow hagaaji Dadka iyo Dalkaba-----------

12/09/2024

Waxyaabaha ubaahan odoroso waxaa kamid ah, Sidee bay Soomaalidu ku aqbaleen Dalal Dhul ka haysta inay u ogolaadaan Nabad ilaalin? Taasi soo k**a dhigna inaad aqbashay Dhulkii kaa maqnaa inay ayagu leeyihiin, diyaarna unoqoto kuwo kale in laguugu qabsado sida ay Ethiopia iyo Kenya sameeyeen dhawaanahaan oo ah Badihii laga celcelinayo!

YAA EEDDA LEH MA SOOMAALIDAA MISE SHISHEEYUHU?

In laga baxo Soomaalinimadu hadda may bilaaban kuwii ogolaaday keenay Dalalkaan Shisheeye ayaa gundhig u ah in Dadku is bedelaan, maantana la helo kuwo aaminsan Kenya iyo Ethiopia haddii ay baxdo in ay Haawiye ayagoo gala lamid tahay.

Cadow sharciyaysanaya Dhulkii h**e mid cusubna bislaysanaya ayaa gunta lasoo gishtay, welina lagama gaarin go'aan oo Dawladdu ayadaaba baqaysaa lamana yaqaan waxa ay sugayso, keliya waxey diraysaa fariimo warbaahineed, waxaan is weydiiyaa ayagu ma warbaahin baa mise waa kuwii loo igmaday shaqada inay ka qabtaan oo awoodda ay leeyihiin maba oga miyaa?!

Waxaan eedsanayaa Ciidamada Safka h**e kuwii Dalkaan keenay kana dhigay Nabad ilaalin inay yihiin kuwo Khayaano Qaran ka galay Waddankaan.

Waxaa gunnima ahayd in Madaxtooyada Soomaaliya Ethiopia cagta soo saarto, Kenyana Dhul Soomaaliyeed aan kuwii ay h**e u haystay ahayn iskeento.

Haddii la doonayo in la isa saxo, dhabbaha hadda waa in laga leexdaa, Ethiopia iyo Kenya waa in laga saaraa si degdeg Waddanka Ciidamadooda laguna wareejiyaa Ciidan Soomaali ah, la joojiyaa keenista Shisheeyaha.

Madaxweynaha ma yahay mid Ciidan dhisaya?

Hadaladiisi h**e iyo ficiladiisa dambe markaan isu geeyay waxaa ii soo baxay inuusanba ku baraarugsaneyn dhismaha Ciidanka Qaranka muhiimadda uu uleeyhaay Dawladnimada uuna ka doorbidayo Ciidamo beeleedyo la abaabulo iyo kuwo muddo kooban bilo ah la tababaro si gaar ahna loo adeegsado, taasoo keeni karin inay buuxiyaan shuruudaha sinnaanta iyo kuwo qaadi kara masuuliyadda dhexdhexaadnimada ah buuxin karana goobaha amni laga sugo.

Waxaad ka ogaan kartaa Dawlad doonaysa inay ismaamusho inay miisaaniyadda koror sanadla ah u dajiso Ciidamada iyo qalabkooda si ay u horumaraan taasi iskaba daaye waxaa arkaysaa ayagoo laga jarayo gunnadiiba, waxeyna kuu sii ifinaysaa halka loo socdo aan ahayn Dawladnimo caga dhigata balse nagu suj durkinaysa in Shisheeye nasii ilaaliyo, kuwaasoo keenaya Dhibta aan ka cabanayno oo ah in nalagu qabsado Dhulkeenii iyo Baddeenii.

Haddaan xalku gunta loo dhigin kuwa is qarinayana la faagin, kuwa hagal daacinayana la sheegin, indhahana la isaga dhufan xal ma dhawa.


09/07/2024

Milicsi:

Maska Kobraha ah wuxuu qaniinay Maska jabisada ah, sidoo kale Jabisada ayaa isku labanlaabtay Kobraha.

Kobraha ayaa u dhintay neef qabadkii labanlaabka Jabisada, sidoo klae Jabisadii ayaa u dhimatay suntii Kobraha.
Midna ma guulaysan!!!

Kuwan aad arkayso waa hal bah, hal guri kasoo baxa, cirqi wadaagna ah.
Goorta ay murmaan/is colaadiyaan midkoodna ma guulaysto ... gebigoodba waa ay guuldarreystaan ...

Gacalka, Walaalaha, Qaraabada, Asxaabta, Deriska iyo Ummadda Islaamkuba waa sidoo kale, Haddii ay diriri soo kala dhexgasho cid guulaysanaysaayi ma jirto.
Gebigoodba waa guuldarreystaan !!!

Ka digtoonaada Colaadaha iyo Fitanka!


11/06/2024

Dhulkii Ciidanka Badda ee Marinaayo halkii laga abbaari lahaa waxaa fududaatay Qabuurihii in la faago.

Mashruucaan waxaa lagu leeyahay Hal qabri haddaad faagayso waa lacag dhan $25, si looga dhuuman lacagtaasina Darbi ayayba horay ugu seebaabeen, Subxaanallaah oo hadane b**b ku xoog badnaa.

Haddaan anigu aqoon waayo Qabrigii qofkayga maxaa xal ah?

Waxaan ogaa oon usoo joogay Dadkii Daganaa Guryaha Danta guud ee masaakiinta ahaa in la yiri guura oo idinku is dabara, hadase waa Maytadii oo la yiri guura! Cajiib

Wuxu waa hal Mashruuce Kuwa nool iyo kuwa dhintayba Dalkaan ayagu maba lahan miyaa oo lama qadariyo mise beeso hadday gaadho hawshu sariig magasho!

ALLOW UMUURAHA SAHAL!

21/05/2024

Chelsea madaxdooda saddexdaan macalin haddii aysan soo wadin midkood Falaadka ha joojiyaano?

Sanad kale iyo kala guur.

14/05/2024

Dilalku xad maleh, xishoodka iyo Xaq-dhawrku door maleh. Dalka iyo Dadkuba ilaalin maleh.

Qof walba marka qofkiisa la xanuunjiyo buu calaacalayaa, barooranayaa, ka hor kii uusan aqoon ee dhibanaa buu ku diganayaa!, Adduunku waa labada har, maalinna adigay kaa qoslisaa maalin kalana isla adigii bay kaa oohisaa!

Mala heli karaa in Diinta iyo Dhaqankaba la ilaaliyo Akhlaaqdana lagu daro si Adduunku inoogu wanaagsanaado, Nabad iyo Nololna loo helo.

ALLOW kuwaan adiga inooga kaa cabsaneyn inoona naxeyn ha'inagu salidin.

12/05/2024

Aan ku dilee, Ashahaado, laba rakaca Duko waxaan la anfariiray weeye.
Bahaladaas Dumar ma masalaan ee hala soo qabto. Tiirkana hala geeyo.

ALLOW bari baan ka nahay kuwa xun waxey falaan

22/04/2024

Baarlamaanka Maraykanku waxa uu meel mariyey sharci ka mamnuucaya TikTok gudaha Maraykanka haddii mulkiiluhu aanu iibin saamigiisa sanad gudihiis.

Su'aashaydu waa:

Maxay dalalka Muslimka ah u mamnuuci la'yihiin barnaamijyada aan ku dhaqmin ama aan kor u qaadin diintooda, isirkooda, ama qiyamkooda !?

Ujeedadu waa caddahay!
Inagama shaqayn doono, haddii isbahaysigu aanu lahayn Barnaamij walba.

Maxaan ka qaadan karnaa oo cashar ah arrinka Mareykanku sameeyey?

Want your school to be the top-listed School/college in London?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

London