Tartan aqooneedkii u dhexeeyey fasalada kala duwan ee dugsiga Anfac Schools, Borama waxa ku guulaystay fasalka 4 aad. Waa kuwan iyaga iyo macalin Cabdilahi farah oo ku dabaal degaya guusha ay gaadheen. Guushu waa abaal marinta halgamaaga.
Waxa xusid Mudan in tartan aqooneedkan sannad dugsiyeedkan laba jeer la qabtay kalkii 1 aad iyo kalkii 2 aad waxa labada jeer ba ku guulaystay fasalka 4 aad.
Waa arday dhisan oo dadaal iyo juhdi dheeraada ku bixiyey si ugu guulaystaan tartan aqooneedkan.
Hambalyo Hambalyo Hambalyo
Hambalyo dhammaantiin fasal karti iyo dadaal badan.
Anfac Schools, Borama
Best guide for your kids
Bandhigyadii cajiibkii ee ay fasalka 4 aad soo bandhigeen ayay ku jirtay
-Mumtas Maxamed Xuseen oo ku luuqaynaysa heesta calanka cajiib!.
Gudoomiyaha wasaarada waxbarashada iyo sayniska ee gobolka Awdal Mudane Xuseen Cateeye iyo Maamule ku xigeenka dugsiga Anfac Xamse Maxamed. Qaban qaabada sannad guurada Jsl.🫡
13/05/2026
Tartan aqooneedkii sannad dugsiyeedka 2025/2026 oo si habsami leh kusoo gaba-gaboobay xiiso iyo xamaasad na lahaa.Tartankan waxaa ka qeyb galay fasallo kala duwan, waxaana final-ka isku yimid laba fasal oo hogaamiyeyaal ah: Fasalka 4aad, oo ah hogaamiyaha dugsiga hoose, iyo Fasalka 7aad, oo ah hogaamiyaha dugsiga dhexe. Fasalladan labaduba waxay soo bandhigeen dedaal, karti, iyo aqoon sare, taas oo muujisay sida ay ugu han weyn yihiin guusha tartan aqooneedkan. Ugu dambeyn, fasalka 4aad ayaa ku guulaystay tartan aqooneedkan sannad dugsiyeedkan, waxaana uu noqday guul sharaf leh oo ay Taariikh geliyeen. Waxaa xusid mudan in tartankan ujeedkiisu yahay in uu kor u qaado wax akhriska, isla markaana uu xoojiyo tayada waxbarashada. Ugu danbeyn, hambalyo fasalka 4aad ee dugsiga—waxaad samayseen Taariikh!
Ardayda Fasalka 4 aad ee dugsiga iyo barrahooda oo suaalo kadis ay dhex mareen.
Arday walba Wuxuu ku fiican yahay bay sheegeen. Arday walbana sirta guushiisa ayuu Ardayda la wadaagay.
Ardayada fasalka ugu hadalka yar ayay Ruwayda Axmed Suldan u aqoonsadeen ardaydu. Sirta aamus naanteeda ayay ku sheegtay. Af daboolan Waa dahab. Cajiib!!
Ardayada ugu saraysay fasalka ayay ku sheegeen Deeqa Asad Abdiraxman. Deeqa sirteeda waxay ku sheegtay dadaal. Cajiib!
Ardayada/ ardayga ugu aftahansan ayay ku sheegeen Aragsan Geele Dugsiye. Sirteeda waxay ku sheegtay inay jeceshahay inay ardayda wacyi galiso oy suugaanta la wadaagto ardayda.
Ardayga/ Ardayada ugu masuulsan fasalka ee marwalba waaniya ayay u aqoonsadeen Maxamuud Axmed Cabdi waxa uu Sirtiisa ku sheegay in uu jecel yahay in la ixtiraamo barrayaasha akhlaakh wanaagsana lagu fadhiyo fasalka.
Halkan ka daawo ubaxa Anfac Schools, Borama
Ubixii dugsiga Anfac Schools, Borama
⚽️ xiisad ardayda xiiso badan u leh
24/04/2026
Dugsiga Anfac waxa ka socda tartano aqooneed lagu xoojinayo wax akhriska iyo fahamka cashirada sida maalin laha uga baxa dugsiga.
Arbacadii waxa barxada dugsiga kuwada hirdamayey labada fasal ee kala ah 3A iyo 4A, iyaga oo soo bandhigay awoodooda iyo fahamkooda aqooneed. Waxa xusid mudan in fasalka 4A ay guushu raacday.
Dugsigu xeeladaha uu rabo Inuu tayada ardayda kor ugu qaado waxa ka mida ah in ardayda dhexdooda la tartansiiyo lana dhiirigaliyo cida guulaysata.
Gunaanad, Dugsiga Anfac iyo barayaashiisu waxay tacab badan galinayaan tayaynta iyo toosinta barbaarta maanta si ay, u noqdaan haldoorka bulshada ee barito.
Safar kaagi wax barasho ma xasuusataa tartan aqooneed ama mid Ciyaareed ood u gashay una halgan tay fasalkaagiii? Wakhtigaa fasal keed ahayd?
Anfac Schools, Borama
Ubixii dugsiga oo tartan ugu jira sidiii ay uga qayb qaadan lahaayeen suaalaha dhextaalka ah ee barnaamijyada dugsiga.
Gabadh wax baratay waa bulsho waxbaratay!
Gabdho wax bartayna maxay noqononayaan?
Ruwayda Ahmed Suldan
Aragsan Geele Dugsiye
Ubixii dugsiga Anfac Schools, Borama
Aragsan Geele dugsiiye iyo maansadii
Abwaan khaliif farah Xayir
Dharaar ba war bay sidaa.
Dhambaal weeyi wakhtigu.
Rajadu guushay dhashaa.
Caqligu waa dhaamiyaa.
Dhaqaaluhu waa cilmiga.
Markaan dhanka wacan ka dayo.
Dhaliisu waxbay saxdaa.
Eray na waxa loo dhigtaa.
Dhankiisa wanaaga lehe
Hadaad tahay ruux dhibsada
Wuxuu dhahay ruux dhahay
Dhegtiyo afku ha is maqlaan
Adkaydi hadaanad u dhalan
Afeefta lagu dhaqmaa
Waxaan furay fasalo cusub oo lagu baranayo fagaare ka hadalka
Ardayda oo kooban iyo maalmaha oo kooban oo ah khamiista iyo jimcaha
Macluumaad dheeriya iyo diwaan galintaba numberada page ka saaran Kala xidhiidh
Anfac College
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Opening Hours
| Monday | 07:00 - 17:00 |
| Tuesday | 07:00 - 17:00 |
| Wednesday | 07:00 - 17:00 |
| Saturday | 07:00 - 17:00 |
| Sunday | 07:00 - 17:00 |