College of Geosciences & Environment

College of Geosciences & Environment

Share

Kuliyadda Culuumta Dhulka (Geology) oo kamid ah kuliyadaha Jaamacadda Almaas, waxaa ladhigtaa 4 sano

13/06/2026
08/06/2026

Munaasabadda 𝗔𝗹𝗺𝗮𝗮𝘀 𝗚𝗲𝗼 𝗗𝗮𝘆 𝟮𝟬𝟮𝟲 waxaa lagu soo bandhigi doonaa mowduucyo kala duwan oo la xiriira cilmiga Dhulka, Deegaanka, Macdanta iyo Biyaha.

𝗘𝗻𝗴. 𝗔𝗯𝗱𝗶𝗮𝘇𝗶𝘇 𝗚𝘂𝗹𝗲𝗱, 𝗦𝗲𝗻𝗶𝗼𝗿 𝗔𝗱𝘃𝗶𝘀𝗼𝗿, 𝗨𝗽𝘀𝘁𝗿𝗲𝗮𝗺 𝗔𝗰𝘁𝗶𝘃𝗶𝘁𝗶𝗲𝘀, 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶 𝗣𝗲𝘁𝗿𝗼𝗹𝗲𝘂𝗺 𝗔𝘂𝘁𝗵𝗼𝗿𝗶𝘁𝘆 ayaa soo jeedin doona mowduuca:
“𝗜𝗻𝘁𝗿𝗼𝗱𝘂𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻 𝘁𝗼 𝗣𝗲𝘁𝗿𝗼𝗹𝗲𝘂𝗺 𝗘𝗻𝗴𝗶𝗻𝗲𝗲𝗿𝗶𝗻𝗴”

Khudbaddan waxay diiradda ku saari doontaa aasaaska Injineernimada Batroolka (Petroleum Engineering), iyadoo la sharxi doono doorka ay ka qaadato sahminta, qiimeynta, soo saarista, iyo maareynta khayraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah, iyo muhiimadda ay u leedahay horumarinta waaxda tamarta.

Ha moogaanin madashaan muhiimka ah.

08/06/2026

Munaasabadda 𝗔𝗹𝗺𝗮𝗮𝘀 𝗚𝗲𝗼 𝗗𝗮𝘆 𝟮𝟬𝟮𝟲 waxaa lagu soo bandhigi doonaa mowduucyo kala duwan oo la xiriira cilmiga Dhulka, Deegaanka, Macdanta iyo Biyaha.

𝗘𝗻𝗴. 𝗠𝗮𝘆𝗺𝘂𝘂𝗻 𝗔𝗯𝗱𝗶 𝗔𝗹𝗿𝗮𝗹𝗲, 𝗦𝗡𝗕𝗦 𝗚𝗜𝗦 𝗢𝗳𝗳𝗶𝗰𝗲𝗿 ayaa soo jeedin doonta mowduuca:
“𝗧𝗵𝗲 𝗥𝗼𝗹𝗲 𝗼𝗳 𝗚𝗜𝗦 𝗶𝗻 𝗚𝗲𝗼𝗹𝗼𝗴𝗶𝗰𝗮𝗹 𝗦𝘁𝘂𝗱𝗶𝗲𝘀 𝗮𝗻𝗱 𝗔𝗻𝗮𝗹𝘆𝘀𝗶𝘀”

Khudbaddan waxay diiradda ku saari doontaa doorka ay Nidaamyada Macluumaadka Juqraafiyeed (GIS) ka ciyaaraan daraasaadka iyo falanqaynta cilmiga dhulka.
Ha moogaanin madashaan muhiimka ah.

08/06/2026

Munaasabadda 𝗔𝗹𝗺𝗮𝗮𝘀 𝗚𝗲𝗼 𝗗𝗮𝘆 𝟮𝟬𝟮𝟲 waxaa lagu soo bandhigi doonaa mowduucyo kala duwan oo la xiriira cilmiga Dhulka, Deegaanka, Macdanta iyo Biyaha.

𝗚𝗲𝗼. 𝗛𝘂𝘀𝘀𝗲𝗶𝗻 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗹𝗶 ayaa soo jeedin doona mowduuca:
“𝗙𝗿𝗼𝗺 𝗖𝗿𝗶𝘀𝗶𝘀 𝘁𝗼 𝗥𝗲𝘀𝗶𝗹𝗶𝗲𝗻𝗰𝗲: 𝗖𝗹𝗶𝗺𝗮𝘁𝗲 𝗔𝗱𝗮𝗽𝘁𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻 𝗦𝘁𝗿𝗮𝘁𝗲𝗴𝗶𝗲𝘀 𝗳𝗼𝗿 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗮”

Khudbaddan waxay diiradda saari doontaa saameynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya, caqabadaha deegaanka ee dalka wajahayo, iyo istaraatiijiyadaha lagu xoojin karo la qabsiga cimilada si loo dhiso bulsho adkaysi leh, deegaan waara, iyo mustaqbal u diyaarsan isbeddellada cimilada.

Ha moogaanin madashaan muhiimka ah.

05/06/2026

𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 (𝐖𝐨𝐫𝐥𝐝 𝐄𝐧𝐯𝐢𝐫𝐨𝐧𝐦𝐞𝐧𝐭 𝐃𝐚𝐲) – 𝟓 𝐉𝐮𝐧𝐞

Maanta oo ku beegan 5-ta Juun, Jaamacadda Almaas waxay ku biiraysaa xuska Maalinta Deegaanka Adduunka, iyadoo adkaynaysa muhiimadda ilaalinta deegaanka.

Waxaan dhiirrigelinaynaa kobcinta aqoonta deegaanka iyo masuuliyadda wadajirka ah ee lagu dhisayo bulsho iyo deegaan caafimaad qaba oo waara.


02/06/2026

College of Geosciences & Environment ee Almaas University waxay si rasmi ah u qaban doontaa 𝗔𝗹𝗺𝗮𝗮𝘀 𝗚𝗲𝗼 𝗗𝗮𝘆 𝟮𝟬𝟮𝟲, oo dhici doona: 𝗔𝗿𝗯𝗮𝗰𝗮𝗱𝗮, 𝟭𝟬 𝗝𝘂𝗻𝗲 𝟮𝟬𝟮𝟲.

Munaasabaddan oo ah midii 5aad , waxa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa horumarinta aqoonta Cilmiga Dhulka iyo Deegaanka, iyadoo ardayda, macallimiinta, iyo khubaradu ay isugu imaan doonaan si ay u wadaagaan aqoon, fikrado, iyo waayo-aragnimo cilmiyeed.

Waxyaabaha lagu soo bandhigi doono:
1. Dood cilmiyeedyo
2. Mashruucyo iyo bandhigyo
3. Iskaashi aqooneed

Ujeedada munaasabadda waa in la xoojiyo fahamka Cilmiga Dhulka iyo Deegaanka, lana dhiirrigeliyo xalal waara oo wax ka taraya horumarka bulshada iyo ilaalinta deegaanka.

Dhammaan ardayda, macallimiinta, iyo daneeyayaasha waa si diirran loogu martiqaadayaa inay ka soo qayb galaan.

26/05/2026

Ciidul Adxaa Mubaarak

Jaamacadda Almaas waxay hambalyo u diraysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ardayda, waalidiinta, macallimiinta, iyo guud ahaan ummadda Muslimiinta munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa.

Allaha naga aqbalo acmaasha suuban, ducada, iyo cibaadada maalmahan kheyrka badan.

Ciiddaan ciiddeeda Alle ha inooga dhigo mid nabad, barwaaqo, caafimaad iyo farxad ku gaarno.



Photos from Almaas University's post 20/05/2026
Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address

Hargeisa
00252