KABE ONLINE ACADEMY

KABE ONLINE ACADEMY

Share

kusoodhawaw machadka KABE ONLINE ACADEMY

20/03/2025

๐‘๐š๐ฆ๐š๐๐š๐š๐ง ๐Œ๐ฎ๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ค.

Dhammaan bahweynt KABE ONLINE ACADEMY Maamulka, hawlwadeennada, macallimiinta iyo ardaydaba waxaa lagu wargelinayaa fasaxa tobanka dambe ee Ramadaan iyo Ciidda (20 March 2025 -5 April 2025 )

F.G: Daraasadu waxay dib u billaaban doontaa 5/04/2025 (Sabti ) haddii Alle idmo.

Mahadsanidiin

14/06/2024

Waxaan ku jirnaa maalamaha dunida ugu fadliga badan. Berri oo Sabti ahna waa maalinka 9แตƒแตƒแตˆ ee bisha Dul-Xijjah, oo ay xujeydu taagan yihiin Banka Carrafo. Nabigeenna ๏ทบ waxa uu noo sheegay in duco tan ugu fadliga badan ay tahay ducada Carrafo.

Nabiga ๏ทบ oo wax laga waydiiyay soonka maalinkan waxa uu yiri โ€œWaxaan Alle ajar uga xisaabsanayaa in uu ii dhaafo dambiga sanadkii ka horreeyay iyo kan ka dambeeya.โ€

Aan uga faaโ€™iideysanno soon, Qurโ€™aan-akhris, duco, xuska Alle, sadaqo, iyo xiriirinta Alle

09/04/2024

Dhammaan umadda Muslimiinta ah gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed waxaan idinkugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidul Fidriga.

Ciid wanaagsan.

29/03/2024

๐‘๐š๐ฆ๐š๐๐š๐š๐ง ๐Œ๐ฎ๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ค.

Dhamaan Ardaydada dhigata machadka barashada quraanka kariimka ee KABE ONLINE ACADEMY : waxaa lagu wargelinayaa fasaxa tobanka dambe ee Ramadaan iyo Ciidda (March 30, 2024 - April 12, 2024).

Maaddaama lasoo gaaray tobankii dambe ee bisha Ramadaan, ayna kusii xigaan maalmaha ciidda, Machadka waa fasax laga billaabo 30/03/2024 illaa 12/04/2024.

F.G: Daraasadu waxay dib u billaaban doontaa 13/04/2024 (Sabti ) haddii Alle idmo.

Mahadsanidiin

ุฑู…ุถุงู† ูƒุฑูŠู…
ุชู‚ุจู„ ุงู„ู„ู‡ ู…ู†ุง ูˆู…ู†ูƒู… ุตุงู„ุญ ุงู„ุงุนู…ุงู„
ูˆ ุจุงุงู„ู„ู‡ ุชูˆู‚ูŠู‚

19/03/2024

DUGSIGA RAMADAAN, NADAAFADDA SOONKA

Maanta waa:
9-ka Ramadaan 1445H

11 maalmood ayaa ka harsan 10-ka dambe ee bishan.

21 maalmood ayaa inaga xigta Ciidul-fidriga.

Dugsiga Ramadaan wuxuu maanta ina barayaa: "NADAAFADDA SOONKA"

Ramadaanku waa wada fursad, fursadihiisana waxaa kamid ah fursadda daahirinta qalbiga.

Soonku wuxuu nadiifin iyo daahirinba u yahay jidhkaaga. Wuxuu ka saarayaa sunta ka dhalata haraadiga cunnada ee ay ka ratibmaan caafimaad darrada. Sidoo kale wuxuu soonku isku dubba-ridayaa waxa ka kala daadsan naftaada. Wuxuu kuusoo dhoweynayaa riyooyinkaaga kaa fog. Wuxuu ku barayaa u degdegga khayrka iyo kororsiga waxa ay dantu kuugu jirto. Wuxuu ku barayaa in aad nafta laylyi kartid da' kastaba ha ahaatee, kana adkaan kartid damaceeda xumaatada ee aan dhammaadka lahayn.

Sida soonku jidhka u dahirayo ayaa la rabaa in qaligaaga iyo ruuxdaadana inuu dahiro. Sidaa darteed xidh xabsiga xiqdiga, xasadka, cadhada ee naftaada. Xabsiga qalbiga ka siidaa, iskana cafi dhammaan dadka aad wax u qabtid, waa haddey jiraan dad aad wax u qabtid. Ka tusaale qaado sida aad u jeceshahay in Alle uu ku cafiyo oo adiguna iska cafi addoomadiisa haba kugu xadgudbaan haddii ay doonaane. Ilaahay dartii u cafi, ruuxdaada nasi, qalbigaagana ka bannayso boosaska ay dadkaasi qalbigaaga ka buuxinayaan muddadaee. Fur albaabada naxariista iyo kalgacalka qalbigaaga. Ka kuu dhow u naxariiso, kan kaa fogna jeclow. Ka samee qalbigaaga masaaxooyin iftiimaya, masaayinka madowna ilays u yeel.
Intaa waxaad ku dartaa adiga laftaadu naftaada la heshii, iska saar dhammaan murugooyinka aad dareemeysid. Bar welwelkaaga inuu u duulo kuuna dhaafo meel aad laaga dheer.

18/03/2024

DUGSIGA RAMADAAN, QAYBAHA LAGA SOOMO

Maanta waa:
7-da Ramadaan 1445H

13 maalmood ayaa ka harsan 10-ka dambe ee bishan.

23 maalmood ayaa inaga xigta Ciidul-fidriga.

Dugsiga Ramadaan wuxuu maanta ina barayaa: "QAYBAHA LAGA SOOMO"

Soonku waa saddex:
1. Soonka ruuxda, waana gaabinta rajada iyo u hanqal-taagga adduunyada.
2. Soonka caqliga, waana in la khilaafo hawada nafta iyo sida uusan Alle jeclayn ee ay naftu jeceshahay.
3. Soonka xubnaha iyo jidhka, waana ka af-haysashada iyo ka soomidda cunnada iyo cabbidda.

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Hargeisa
1122