07/06/2026
Maanta waxaan idinla wadaagayaa qaar ka mid ah website-yada ugu faa'iidada badan ee ay isticmaalaan malaayiin macallimiin ah iyo arday dunida daafaheeda oo dhan kala jooga. Website-yadan waxay kaa caawinayaan diyaarinta casharrada, samaynta imtixaannada, iyo fahamka maaddooyinka
➡️1.Khan Academy
"Website-ka ugu horreeya waa Khan Academy wuxuu bixiyaa casharro bilaash ah oo ku saabsan xisaabta, sayniska, dhaqaalaha iyo maaddooyin kale oo badan.Macallimiintu waxay ka heli karaan casharro diyaar ah, halka ardayduna ay ku daawan karaan muuqaalada sharaxaadda leh ee ka caawinaya fahamka duruusta."
https://www.khanacademy.org/
➡️2. Quizizz "Website-ka labaad waa Quizizz wuxuu kuu oggolaanayaa inaad samaysato imtixaan online ah oo xiiso leh. Ardaydu waxay uga jawaabi karaan su'aalaha iyagoo adeegsanaya telefoon ama kombuyuutar.Waxa kale oo uu macallinka siinayaa warbixin muujinaysa heerka fahamka ardayda."
https://wayground.com/?lng=en
➡️3.Canva for Education"Website-ka saddexaad waa Canva waxay macallimiinta ka caawisaa samaynta slides, posters, worksheets iyo agab waxbarasho oo muuqaal ahaan soo jiidasho leh.Haddii aad rabto in casharradaadu noqdaan kuwo qurux badan oo si fudud loo fahmo, Canva waa qalab aad muhiim u ah.
https://www.canva.com/education/
➡️4. GeoGebra"Website-ka afraad waa .GeoGebra wuxuu si gaar ah faa'iido ugu leeyahay macallimiinta iyo ardayda xisaabta.Waxaad ku samayn kartaa sawirro, jaantusyo, iyo sharaxaad muuqaal ah oo ku saabsan algebra, geometry iyo trigonometry."
https://www.geogebra.org/
➡️5. Google Classroom"Website-ka shanaad waa .Google Classroom wuxuu fududeeyaa maamulka fasalka online-ka ah.Macallinku wuxuu ku diri karaa shaqo-guri, imtixaan, iyo ogeysiisyo, halka ardayduna ay si fudud uga jawaabi karaan.
Google
https://classroom.google.com
Google Classrooms - Classroom Management Tools & Resources
Gunaanad"Saaxiibbayaal, tiknoolajiyaddu maanta waxay beddeshay habkii waxbarashada.
Website-yadan waxay kaa caawin karaan inaad noqoto macallin si wax-ku-ool ah ama arday si wanaagsan wax u barta.
Haddii aad taqaan website kale oo faa'iido leh, noogu reeb faallada hoose si aynu uga faa'iidaysanno dhammaanteen.
Ha iloobin inaad Like saarto, Follow-na ku samayso SHAAC MEDIA si aad u hesho xogo waxbarasho, horumarinta nafta, iyo kor u qaadista garaadka.Mahadsanidiin."
Shaac Media
Cabdirisaaq Ali Macaash