10/11/2025
OGEYSIIS MUHIIM AH
Jaamacadda Al-Huda โ Waxay Soo kordhisay Barnaamijka Postgraduate Diploma in Education
Jaamacadda Al-Huda, iyada oo ka warqabta muhiimadda ay leedahay in la helo maamul iyo macalimiin xirfad leh, ayey si rasmi ah u soo kordhisay Barnaamijka Postgraduate Diploma in Education.
Barnaamijkan waxaa loogu talagalay in lagu horumariyo aqoonta iyo xirfadaha macalimiinta iyo maamulayaasha, si loo hubiyo, korna loogu qaado tayada waxbarashada iyo horumarinta hoggaaminta waxbarashada
26/10/2025
๐ข ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐
Barnaamija daabuurka waxa marti noogu ah ๐๐ก๐๐๐ค๐ก Maxamed Ismaaciil (Bukhaari), oo ardayda u jeedin doona muxaadaro ciwaankeedu yahay "Ahmiyada Wakhtigaโ.
๐ 28/10/2025
๐ Salaasada
๐Barxadda Dugsiga
12/10/2025
๐๐ซ๐จ๐จ๐ซ๐ฒ๐จ ๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐๐๐ง,
Maanta oo ay taariikhdu tahay 12/10/2025, waxa si habsami leh noogu soo dhammaaday tartankii daabuurka (safka) oo muddooyinkii u dambeeyey ka socday dugsiga. Tartankan ayaa qayb muhiim ah ka ahaa barnaamijka horumarinta anshaxa, isdhexgalka iyo wada-shaqaynta ardayda.
Intii uu tartanku socday, ardaydu waxay muujiyeen dadaal, adkaysi, iyo niyadsami, taas oo caddeysay in waxbarashadu aysan ku koobnayn fasalka oo keliya, balse ay tahay mid dhisaysa shakhsiyadda iyo kartida guud ee ardayga.
Ugu dambayn, ardaydii ku guuleysatay tartanka ayaa lagu guddoonsiiyay abaalmarinno ay ku muteysteen dadaalkooda iyo habdhaqankooda wanaagsan.
01/10/2025
Maanta waxaa Jaamacadda Al-Huda soo booqday Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, Mudane Daโud Ahmed Farah, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiiska Imtixaanaadka, Mudane Hassan Qalinle.
Booqashadani waxay qayb ka tahay wada-shaqeynta ka dhaxaysa Jaamacadda iyo Xafiiska Imtixaanaadka, iyadoo kulanka lagu falanqeeyey arrimo la xidhiidha horumarinta tayada waxbarashada iyo nidaamka imtixaanaadka
06/09/2025
DUGSIGA DARU-NAWAAF
Xaflada Abaal-marinta ardayda kaalmaha h**e ka galay imtixaanka sannad dugsiyeedka 2024-2025.
01/08/2025
WARGALIN MUHIIM AH.
Waxaan ku wargalinaynaa dhamaan Ardayda sharafta leh iyo hawlwadeenada dugsiga in maalinta jimcaha oo ku beegan 01/08/2025 la gali doono dugsiga waxbarashaduna si toosa u bilaabmi doonto.
21/07/2025
Hambalyo professor yusuf guuled oo mar kale dib loogu magacaabay dugsiga sare ee Al-Huda Secondary Schools hargeysa branch.
Alle hakugu asturo xilkaa lagu igmaday hana kuu fududeeyo.
17/07/2025
Sawiro: Xafladda soo xidhitaanka iyo abaalmarinta dawarrada Amal Al-Uma.