21/01/2026
War-saxaafadeed ka soo baxay
Maka Al-Mukarrama:
Rabta Caalamka Islaamka ayaa si xooggan u cambaareysay burburinta ay ciidamada Israa’iil ka geysteen dhismayaasha ay leedahay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka iyo Shaqada Qaxootiga Falastiin (UNRWA) ee magaalada Qudus ee la haysto. Tallaabadan ayaa qayb ka ah olole abaabulan oo ka dhan ah hay’adda, taasoo ah tiir muhiim u ah gargaarka bini’aadantinimo ee dadka Falastiin.
Sheekh Dr. Maxamed bin Cabdulkarim Al-Ciise, Xoghayaha Guud ee Rabta iyo Guddoomiyaha Golaha Culumada Muslimiinta, ayaa xaqiijiyay taageerada Rabta ee UNRWA iyo hawsha ay u hayso dadka Falastiin. Waxa kale oo uu ugu baaqay beesha caalamka inay gutaan waajibaadkooda sharci iyo mid akhlaaqeed si loo dhowro sharciga caalamiga ah loona ilaaliyo hay’adaha caalamiga ah iyo shaqaalahooda dhulka Falastiin ee la ha
17/01/2026
Haddii qof gadhkiisa daayo oo surwaalkiisa kor u qaado, dadku waxay u haystaan inuu yahay qof diinta ku xeel dheer;
Quraanka wada xafiday, kutubta fiqigana wada akhriyey.
Haddii markaas wax la waydiiyo oo uusan jawaabta garan, waxay yiraahdaan hadalkooda caanka ah:
“Sheekh iska dhigaya!”
Haddii ay arkaan isagoo gafay ama dembi galay, taasina waa masiibada ugu weyn!
Gadhka iyo surwaalka gaaban waa labis ku caawinaya cabsida Alle,
ma aha labis lagu bixiyo fatwo.
Qofku gadh iyo surwaal ha yeeshee, taas kuma noqonayo caalim ka mid ah culimada,
balse waa addoon daciif ah oo isku dayaya inuu raaco jidkii salafka saalixiinta;
isagoo u hoggaansamaya amarka Alle marka h**e, kana cabsanaya cadhadiisa marka labaad.
Gadhka iyo surwaalku waa tallaabo ka mid ah tallaabooyinka loo maro jidka Alle,
mana ka dhigayso qofka malaa’ig aan dembi gelin,
ee waa bini’aadam khalda oo saxa, naftiisana la dagaallama.
Ilaahay ka cabsada, addoommada Alleow, walaalihiinna.
02/04/2025
Kusoo dhawoow madrasada al RAXMA
Fadlan nagala soco xiriir whatsappka ;
wa.me/+252638218002