15/06/2026
Sannadka cusub ee islaamka ( Hijri) waxaan idiin rajaynaynaa guul , horumar, barwaaqo, nabad , badhaadhe, farxad iyo inuu inoo ahaado sannad lagu gaadho wadajir iyo horumar.
Happy new year 1448 .
Islamic year.
14/06/2026
Waad mahadsantihiin saaxiibayaal meel walba oo aad joogtaan sida wanaagsan ee aad noogu xidhan tihiin .
Dugsigu waxa uu u qalmaa intaa in ka badan .
Naasa Hablood primary school
13/06/2026
Macallin Rooda Aadan Cilmi oo ka mid ah macallimiinta ugu wanaagsan dugsigeenna ayaa maanta waxa ay fasalka 4A ku maamuustay Abaalmarino , ka dib natiijadii imtixaanka kalka labaad oo maanta la yeedhiyay markii ay dhammaantood ka gudbeen fasalka 4aad Una gudbeen fasalka 5aad .
Waa macallimad la dareen ah ardaydeeda qiimaha badan sidoo kale waxa ay aad uga shaqaysaa isku xidhnaanta ardayda iyo waalidkooda marka la joogo goobta waxbarashada.
Waxa kale oo ay maanta shahaado sharaf ku maamuustay mid ka mid ah waalidiintii sharafta badnaa ee mudadii sannad dugsiyeedku socday aad uga warhaysay ubadkeeda oo ku daba joogtay imaatinka dugsiga , akhriska iyo qoraalka.
Abaal weyn ayay kuu hayaan dhammaan ardaydii aad wax soo bartay meel walba oo ay joogaan.
M A H A D S A N I D M A C A L L I N R O O D A
Naasa Hablood primary school.
12/06/2026
Jadwalka imtixaanka ee fasallada siddeedaad “ Grade 8 “ sannadkan 2026.
Alle ha u fududeeyo dhammaan arday walba oo galaya imtixaanka sannad dugsiyeedkan 2025/2026 oo la qaadi doono 27 bishan aynu ku jirno.
Gaar ahaan , alle ha u fududeeyo ardayda dugsigeenna .
Naasa Hablood primary school
11/06/2026
Dhammaan bahda dugsiga Naasa Hablood primary school Maamulka , Macallimiinta , ardayda iyo shaqaalaha kaleba waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Maamo Cibaado Maxamed Cali oo inanteedii Huda Cumar Maxamuud ku geeriyootay Badweynta Mediterranean-ka, ka dib markii la xaqiijiyay inay ka mid ahayd dadkii doontu kula Xumaatay badda dhexdeeda maalinkii Axadda ee la soo dhaafay .
Waxaan illaahay uga baryaynaa inuu jannaddiisa ku casuumo kana yeelo kuwii nebi muxammed SCW u shafeeco qaado Maalinka qiyaame .
Hooyo cibaado waxaan alle uga baryaynaa inuu illaahay qalbiga u qaboojiyo kuna sugo hadalka xaqqa ah.
Sannadkii h**e xilligan xagaaga ah oo kale waxa magaalada Berber ay liqday wiilkeedii kaliya ee ay haysatay, Maantana waxay baddu liqday inanteedii , waa hooyo alle marsiiyay imtixaan adag .
Innaga dhammaanteen alle ayaa inna leh , dhankiisana waynu u laabanaynaa dhammaanteen.
8/7/2025 inankeedii ayay baddu liqday🥲
8/6/2026 inanteedii ayay baddu liqday.🥲
Dhammaanteen aynu u ducayno Hooyo Cibaado.
26/05/2026
Hambalyo Ciid Mubaarak
Maamulka, Macallimiinta iyo Hawl-wadeennada dhammaantood waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan guud ahaan Ummadda Islaamka meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan Ardayda, Waalidiinta iyo Bahda Waxbarashada munaasabadda barakaysan ee Ciidda.
Waxaan Eebbe uga baryeynaa inuu ciidan ciideeda nagu gaadhsiiyo nabad, caafimaad, barwaaqo iyo bashbash, kana yeelo mid kheyr iyo farxad ku soo kordhisa dalkeenna iyo dadkeenna.
Ciid Mubaarak.
كل عام وأنتم بخير