05/06/2026
Waxaa Beri oo Sabti ah Tr: 6 - jun, 2026 inoo bilaawanaya imtixaanka dhamaadka sanad dugsiyeedka 2025/2026 gaar ahaan fasalka Shahaadiga ah ee 8aad.
Waxaan u rajeeneynaa dhammaan ardaydeena guul wacan iyo mustaqbal ifaya waxaan ku boorineynaa in ay casharadooda akhriyaan waayo akhrintu waa wadada cilmiga iyo guusha.
GUUL WACAN AYAAN IDIN LEENAHAY
26/05/2026
"تهنئ مؤسسة شافي للتنمية والتعليم بحلول عيد الاضحي المبارك وتقبل الله منا ومنكم صالح الاعمال وكل عام وانتم بخير."
Mu'asasada shaafi waxay farxada ciidul adxaa laqeyb sanaysaa dhammaan ummadda muslimiinta gaar ahaan ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida kajoogaan ciidaan ciideeda Allah ha'inagu gaarsiiyo cibaado suuban amni iyo barare
06/04/2026
U Diyaar Garaw Wacan Dhammaan bahda iskuulka Shaafi.
Guul ayaan idin rajeynayaa dhammaan Ardeyda Dugsiga Shaafi
27/03/2026
📢 OGEYSIIS MUHIIM AH.
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda, waalidiinta iyo macalimiinta in dugsigu dib u bilaaban doono Maalinta Berito Tarikhduna ay ku beegan tahay, 28/03/2026 kadib fasaxii 10-ka dambe ee bisha soonka iyo fasaxa ciiddul Fidriga.
Dhammaan Ardayda waxaan fareynaa in ay soo xaadiraan waqti fiican, ayna soo qaataan dhammaan qalabkooda waxbarasho.
Mahadsanidiin.
Shaafi Hoyga Aqoonta iyo Akhlaaqda wanaagsan
19/03/2026
Mu'asasada Hormarinta waxbarashada iyo Barbaarinta Ee Shaafi waxaa Halkaan Dhammaan Ummadda Muslimiinta Gaar ahaan Soomaalida meelkasta oo ay Dunida ka joogaan la Qeybasanaysaa Munaasabada Farxada Ciidul Fidriga.
CIID MUBAARAK.
Waxaan allaah ka baryeynaa in uu Naga aqbalo acmaashii wanaagsaneed ee bisha ramadaan sanada badana nagu gaarsiiyo cumri caafimaad iyo cibaado suuban .
عيدكم مبارك وتقبل الله منا ومنكم صالح الاعمال.
Ciid mubaarak
10/03/2026
Ogeysiis Fasax
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan waalidiinta iyo Ardayda in Iskuulka Shaafi maanta laga bilaabo uu Fasax Yahay 10 Dambe Bisha Ramadaan awgeed.
Aan Cibaado ugu faa'ideysano 10 kaan Dambe.