Taaj Primary And Secondary School

Taaj Primary And Secondary School

Share

Taaj Waa sidaha Taajka Tacliinta Our mission is to provide a safe haven where everyone is valued and respected.

The School's vision is: provides a positive, vibrant and inspiring environment where students are valued and encouraged to succeed in becoming life-long learners. We strive to prepare all students to become lifelong learners and responsible citizens ready to meet the challenges of the future. In partnership with families and community,
our goal is to create relevant learning opportunities for stu

Photos from Taaj Primary And Secondary School's post 18/06/2026

Waxaa si rasmi ah maanta usoo idlaaday imtixaanka fasalka 8aad dhamaan ardeydeen iskuulka Taaj waxaan uwada rajeyneynaa natiijo farxad leh.

15/06/2026

"Waxaan guul urajeynayaa dhamaan ardeyda Soomaaliyeed ee saakay uu ubilowday iimtixaanka shahaadiga fasalka 8aad gaar ahaan Ardeydeeda iskuulka Taaj Primary And Secondary School guud labada Xarun ee kaawo godey iyo Suuqliif alle ha idiin fududeeyo imtixaanka".
Maamulaha Guud ee Xarumaha Taaj Ust Mohamed Abdinor Mohamed

12/06/2026

Mudnaan macalin baa leh

Photos from Taaj Primary And Secondary School's post 11/06/2026

Xafladda Abaal marinta Guuleystayaasha Tartan Aqooneed iskuulka Xarunta Kaawo Godey ee Sanad dugsiyeedkaan 2025-2026.

Photos from Taaj Primary And Secondary School's post 05/06/2026

Tababar loo qabtay Ardeyda Fasalka 8aad ee Xarunta Kaawo Godey ee Iskuulka Taaj Primary And Secondary School Sanad dugsiyeedka 2025-2026.


Photos from Taaj Primary And Secondary School's post 03/06/2026

HAMBALYO Cabdimaajid Saciid Cali

Waxaan hambalyo u direynaa farxaddana la Qaybsaneynaa Ardeygeeni Cabdimaajid Saciid Cali oo soo Gaba-gabeyey Darajadda heerka 1-aad Ee Jaamacadda.
Cabdimaajid waxa uu ka mid yahay miraha uu soo saaray iskuulka Taaj Primary And Secondary School gaar ahaan Dufcaddii 10-aad ee Dugsiga ka Baxda.
Waxaan kuu rajeyneynaa guulo kale oo badan iyo Mustaqbal ifiya idamka Alle halkaasna kasii wad Dedaalkaaga.


30/05/2026

๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—๐—ฎ๐—ฑ๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—œ๐—บ๐˜๐—ถ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—™๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐Ÿด-๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ฑ-๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐˜€๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ/๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ

Dhammaan ardayda Gobolka Banaadir waxaan u rajaynaynaa guul, horumar, iyo natiijooyin wanaagsan oo ay ku farxaan.

25/05/2026

Bahda Taaj Primary And Secondary School waxay idin ku wargelinayaan in loo qabanayo Kulan Duco iyo Quraan Aqris marxuumad Siihaam Cumar Xasan.

Waxaan dhammaan ehelka, asxaabta, macallimiinta iyo ardayda ka codsaneynaa inay ka soo qeyb galaan ducada iyo quraan aqriska loo sameynayo marxuumadda, si wadajir ah loogu duceeyo.

ุงู„ู„ู‡ู… ุงุบูุฑ ู„ู‡ุง ูˆุงุฑุญู…ู‡ุง ูˆุฃุณูƒู†ู‡ุง ูุณูŠุญ ุฌู†ุงุชูƒ ๐Ÿคฒ

Taariikh: 22-5-2026
Goobta: Taaj School Suuqliif
Waqtiga: 15:00 galabnimo

22/05/2026

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Maamulka, macallimiinta iyo dhammaan ardayda Iskuulka Taaj waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, ehelkii iyo asxaabtii ay ka baxday ardayaddeenii qaaliga ahayd ee ka tirsaneyd Fasalka 12aad SIHAAM CUMAR XASAN

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu janatul fardowsa ka waraabiyo, dambigeedana dhaafo, samir iyo iimaanna allaha ka siiyo qoyskeeda iyo dhammaan dadka ay ka geeriyootay iyo ardeydii ku fasalka aheyd

Geeridu waa xaq, qalbiyadeennuna aad bay uga murugaysan yihiin geeridan naxdinta leh.

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun

Sidaas darteed maalinta beri iskuulka waa fasax si aan uga wada qeyb qaadano tacsida iyo duugta Gabadheena

20/05/2026

Wasaaradda Waxbarashada, waxa ay halkan ku shaacineysaa Jadwalka rasmiga ah ee lagu gali doono Imtixaanka Qaranka 2026

Wixii faahfaahin kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta
Abdiaziz Wali
[email protected]

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Xarunta 1aad Haanta Madow, Kaawo Godey Dharkeynley Xarunta 2aad Suuqliif Dharkeynley
Mogadishu