Borama University

Borama University

Share

Kusoo dhawoow Hoyga Aqoonta Jaamacadda Borama

18/06/2026

πŸŽ“ Maanta waxaa si rasmi ah uga bilaabanaya Xarunta Dhexe ee Jaamacadda Boorama difaacashada Proposal-ka cilmi-baarista ee ardayda sanadkan ka qalinjabin doonta Jaamacadda.

Ardaydu waxay soo bandhigi doonaan qorshayaashooda cilmi-baariseed, iyagoo muujinaya aqoonta, kartida, iyo dadaalka ay ku soo gaadheen heerkan muhiimka ah ee waxbarashadooda.

Jaamacadda Boorama waxay u rajaynaysaa dhammaan ardayda guul iyo natiijooyin wanaagsan inta lagu jiro difaacashada Proposal-ka.

15/06/2026

Ardayda Dugsiga Sare Ee Aayatin Secondary School ayaa Booqasho Dalxiis iyo Dardaaran Maanta ku Yimid Jaamacadda Borama

15/06/2026

Subax wanaagsan 🌿

Neecawda quruxda badan ee saaka waxa ka Muuqda , Maalin cusub, fursado cusub, iyo himilooyin cusub oo na sugaya.

14/06/2026

Ardayda Dugsiga Sarre Ee Sh Omar Good ayaa Maanta Booqasho ku Yimid Campus ka Jaamacadda Boorama

10/06/2026

πŸŽ“ FURSAD DAHABI AH OO MAR LABAAD DIB LOO FURAY!

Master Scholarship Program-ka ay iska kaashanayaan Lincoln University Malaysia iyo Borama University ayaa dib loo furay.

πŸ’» Waxbarashada waxaa lagu bixinayaa habka Online iyo Offline.

⏳ Diiwaangelintu hadda way furan tahay, boosaskuna waa xaddidan yihiin.

πŸ‘‰ Hadda Iska diiwaangeli Linkgan :
https://learning.boramauniversity.com/course/register-scholarship-master-programs

05/06/2026

Aynu Badino Saliga Nabiga
Jumca Mubarak

04/06/2026

πŸŽ“βœ¨ Maanta Jaamacadda Borama University waxay si guul leh u qabatay Barnaamijka La-talinta Ardayda Form 4 ee dugsiyada sare ee magaalada Boorama.

Boqolaal arday ah ayaa ka faa’iidaystay barnaamijkan oo diiradda lagu saaray hagidda waxbarashada sare, doorashada takhasusyada iyo qorshaynta mustaqbalka.

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan ardaydii ka soo qaybgashay iyo Ustaad Abdirahman Sameeco oo bixiyay casharro iyo talooyin qiimo leh.

πŸŽ“ Borama University – Hoyga Aqoonta

03/06/2026

Maalinka Barri 8da subaxnimo iyo Hoolka Jaamacadda Borama , la wadaag Ardayda Sanadkan Fasalka 4aad Ee Dugsiga Sare

02/06/2026

Ma tahay arday sanadkan u diyaar garoobaya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 4-aad?

Miyaad rabtaa inaad barato hababka ugu wanaagsan ee maamulka waqtiga, diyaarinta imtixaanka, iyo sidii aad guul uga gaadhi lahayd yoolalkaaga waxbarasho?

Jaamacadda Borama waxay kuu qabanaysaa kulan aqooneed gaar ah oo loogu talagalay ardayda dugsiyada sare ee magaalada Boorama.

🎀 Martida Kulanka:
Cabdiraxmaan Sameeco
(Aqoonyahan iyo Bare Sare)

Kulankan waxaad ka faa’iidaysan doontaa:
βœ… Talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan diyaarinta imtixaanka
βœ… Sida loo dhiso kalsooni iyo niyad wanaagsan
βœ… Hababka lagu yareeyo culayska iyo walbahaarka imtixaanka
βœ… Faham qoto dheer oo ku saabsan qorshaynta mustaqbalka waxbarasho
βœ… Dhiirrigelin iyo hagid kaa caawinaysa inaad gaadho guul dhab ah

πŸ“ Goobta: Campus-ka Jaamacadda Borama
πŸ“… Taariikhda: 04 June 2026 (Subaxa Khamiista)
πŸ•— Waqtiga: 8:00 AM

Ha seegin fursaddan qiimaha badan ee kuu horseedi karta guul iyo mustaqbal ifaya.

Ku soo dhawoow Jaamacadda Borama – Hoyga Aqoonta iyo Horumarka.

26/05/2026

πŸŒ™βœ¨ Ciidul Adxaa Mubaarak βœ¨πŸŒ™

Jaamacadda Borama University waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan Ardayda, waalidiinta, macallimiinta iyo guud ahaan bulshada Muslimiinta munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.

Waxaan Alle SWT ka baryaynaa inuu naga aqbalo cibaadadii, camalkii suubbanaa iyo ducadii. Ciiddaan ciiddeeda Alle ha inooga dhigo mid nabad, barwaaqo, caafimaad iyo guulo badan ku soo laabata.

Ciid Wanaagsan dhammaantiin! 🌸🀍

"Eid Mubarak – Taqabbalallahu minna wa minkum."

Want your school to be the top-listed School/college in Borama?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Sh Ali , Faaraxyo
Borama