25/05/2026
Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Boorama tababar muhiim ah oo ku saabsan Xuquuqaha Haweenka ee uu dammaanad qaaday Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฒโ๐๐๐๐ ๐๐ฅ๐๐ง ๐๐ง๐ญ๐๐ซ๐ง๐๐ญ๐ข๐จ๐ง๐๐ฅ.
Tababarkan ayaa Waxaa Jamaacada Ku Matalayay Ardayda Kala Duwan oo ka socday Kulliyadaha Sharciga, Social Work iyo Cafiimadka Waxa ujeeddadiisu ahayd kor u qaadista wacyiga bulshada, gaar ahaan fahamka xuquuqaha haweenka ee ku cad Dastuurka JSL, iyada oo la xoojinayo doorka haweenka ee ka qaybgalka arrimaha bulshada, siyaasadda iyo horumarka dalka.
25/05/2026
Gudoomiyaha Guddida Tacliinta Sare JSL Ayaa Magaalada Boorama ka daahfurtay tababarka Jaamacadaha ee Barnaamijka โSomaliland Higher Education Management Information System (SLHEMIS) Jaamacadda Alpha University Borama oo Qayb Ka Ahayd Tobobarka Ayaa Waxa ku Matalayay Madaxa Xafiiska Academic-ka iyo Madaxa Xafiiska Registrar-ka jaamacadda. Tabobarkan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta maamulka xogta waxbarashada iyo tayeynta adeegyada jaamacadaha.
Jaamacadda Alpha waxaa mar walba ka goโan kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaheeda si loo xoojiyo hufnaanta iyo tayada adeegyada waxbarasho.
18/05/2026
๐ Hambalyo 18-ka May โ Maalinta Qarannimada Jamuuriyada Somaliland.
Jaamacadda Alpha University โ Borama waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan shacabka Somaliland munaasibadda qiimaha badan ee 18-ka May, maalintii dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland.
18-ka May waa maalin astaan u ah Aqoonsi iyo Adkaysi, kuna suntan halgan, midnimo, iyo dadaalkii shacabka Somaliland ay ku gaadheen nabad, dimuqraadiyad, iyo horumar.
Waxaan Alle uga baryaynaa in uu Somaliland ku asturo nabad, barwaaqo, iyo horumar waara.
Guul Somaliland!
18 May Mubaarak! โจ
17/05/2026
๐ข Waxa Si Guul Leh Kusoo Dhammaaday
Tababarkii OTP & SC ee Alpha University Borama
Muddo labo maalmood ah waxaa si heer sare ah uga socday Jaamacada Alpha tababar ku saabsan OTP (Outpatient Therapeutic Program) iyo SC (Stabilization Center), kaas oo diiradda lagu saaray Case Management in Clinical Nutrition iyo maaraynta carruurta qaba nafaqo-xumada daran.
๐จโโ๏ธ Tababarka waxaa bixinayay:Dr. Abdikadir S. Tukale
๐ Intii uu socday tababarku waxaa lagu bartay:
โ
Hababka saxda ah ee loo maareeyo Severe Acute Malnutrition (SAM)
โ
OTP protocols iyo adeegyada outpatient-ka
โ
SC protocols iyo daryeelka xaaladaha daran
โ
Qiimaynta xaaladda bukaanka iyo nutrition assessment
โ
Case management iyo diyaarinta treatment plans
โ
Isticmaalka dawooyinka iyo nafaqada loogu talagalay carruurta nafaqo-xumadu hayso
โ
Practical sessions iyo falanqayn kiisaska dhabta ah
๐Faaโiidooyinka ay ka heleen ka qaybgalayaashu:
๐Korodhka aqoonta caafimaadka iyo nafaqada
๐Xirfado practical ah oo shaqada lagu isticmaali karo
๐Faham qoto dheer oo ku saabsan maamulka OTP & SC
๐Khibrad ku saabsan la tacaalidda xaaladaha nafaqo-xumada carruurta
๐Isdhaafsi aqoon iyo waayo-aragnimo caafimaad
๐ Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan ka qaybgalayaashii iyo maamulka Alpha University ee suurageliyay tababarkan muhiimka ah.
12/05/2026
๐ Alpha University Borama
waxay qabanaysaa
๐ Comprehensive Training on OTP & SC Case Management in Clinical Nutrition
๐น Maalinta 1aad:
โ
OTP โ Outpatient Therapeutic Program
๐ฉบ Management of Severe Acute Malnutrition
๐น Maalinta 2aad:
โ
SC โ Stabilization Center Protocols
๐จโ๐ซ Tababarka waxaa bixin doona:
Dr. Abdikadir S. Tukale, MBBS, MOTMID.
๐
Taariikhda: 14โ15 May 2026
โฐ Waqtiga: 4:00 PM โ 8:30 PM
๐ Goobta: Alpha University Borama, agagaarka MASJID HUDA/SAAWEER
๐ซ Habka Tababarka: Fool-ka-fool (Offline)
๐ฏ Tababarkani waxa uu muhiim u yahay: โข Ardayda Caafimaadka
โข Kalkaaliyayaasha
โข Nutritionists
โข Dhaqaatiirta
โข Shaqaalaha caafimaadka iyo hayโadaha samafalka
๐ Wixii faahfaahin iyo isdiiwaangelin ah kala xidhiidh:
โ๏ธ 0638880847
09/05/2026
Phase Two: Gudida Ardayda qaar ka mid ah Dugsiyada Sare ee Borama ayaa si guul leh uga qayb galay wajiga labaad (Phase Two) ee tababarrada ay qabanayso Alpha University Borama.
Tababarkan oo si heer sare ah loo diyaariyey ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xirfadaha hoggaaminta, wada shaqaynta kooxeed, maamulka waqtiga, iyo diyaar garowga imtixaannada, iyadoo ardayda la siiyey hagitaan iyo dhiirrigelin wax ku ool ah.
Ka qaybgalayaashu waxay muujiyeen firfircooni, faham wanaagsan iyo dadaal muuqda intii uu socday tababarku, iyagoo ka faaโiidaystay aqoon iyo waayo-aragnimo muhiim u ah mustaqbalkooda waxbarasho iyo hoggaamineed.
Alpha University Borama waxay sii waddaa dadaalladeeda ku aaddan horumarinta dhalinyarada iyo kobcinta tayada waxbarashada bulshada.
๏ผก๏ฝ๏ฝ๏ฝ๏ฝ ๏ผต๏ฝ๏ฝ๏ฝ๏ฝ
๏ฝ๏ฝ๏ฝ๏ฝ๏ฝ
"๐ธ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ `๐ ๐ฟ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐"
06/05/2026
Sawiro:- Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay tababarkii โCyber Security Bootcampโ ee ay si wadajir ah u qabteen Jaamacadda Alpha University Borama iyo Raadsan Consulting Firm, kaas oo ka socday hoolka jaamacadda muddo laba maalmood ah.
Tababarkan oo ahaa mid bilaash ah ayaa waxa ka qayb qatay ardayda jaamacadaha iyo dhammaan dadka daneeya barashada amniga internetka (cybersecurity). Intii uu socday, ka qaybgalayaashu waxay heleen aqoon muhiim ah iyo xirfado wax ku ool ah oo ku saabsan sida ay naftooda iyo xogtooda uga ilaalin karaan khataraha dijitaalka ah.
Tababarka waxaa bixinayay Mr. Warsame Abokor Sh Abdi oo ah khabiir ku takhasusay IT-ga iyo amniga, lehna waayo-aragnimo ka badan 10 sano.
Ugu dambayn, maamulka Jaamacadda Alpha University Borama iyo Raadsan Consulting Firm ayaa uga mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha iyo cid kasta oo ka shaqeysay hirgelinta tababarkan, iyagoo xusay in ay sii wadi doonaan qabanqaabinta barnaamijyo noocan oo kale ah oo kor u qaadaya aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada.
05/05/2026
๐ Hambalyo Maalinta Umulisooyinka Adduunka โ 5 May ๐
Maanta waa maalin aan ku maamuusayno halyeeyada aamusan ee badbaadiya nolosha hooyooyinka iyo dhallaanka โ umulisooyinka.
๐ฉโโ๏ธ Iyagu waa gacanta ugu horreysa ee soo dhawaysa nolosha cusub.
๐คฑ Iyagu waa taageerada ugu dhow ee hooyada marka ay u baahan tahay.
๐ฑ Iyagu waa tiirka caafimaadka bulshada.
Dalkeenna Soomaaliya, umulisooyinku waxay ka shaqeeyaan xaalado adag, haddana waxay muujiyaan dulqaad, xirfad, iyo naxariis aan la qiyaasi karin.
๐ Maanta aynu nidhaahno:
Mahadsanidiin dadaalkiinna, naf-hurnimadiinna, iyo jacaylka aad bulshada u haysaan.
โจ Caafimaadka wanaagsan wuxuu ka bilaabmaa hooyo badbaado leh iyo ilmo caafimaad qaba โ taasna umulisooyinku waa laf-dhabar.
๐
04/05/2026
Sawiro:- Gudida Ardayda Qaar ka mid ah Dugsiyada Sare ee Borama ayaa ka qayb galay tababar muhiim ah oo loo qabtay . Tababarka oo si habsami leh loo agaasimay ayaa diiradda saaray hoggaaminta, wada shaqaynta iyo iskaashiga, maaraynta waqtiga, iyo diyaarinta imtixaanka.
Ardaydu waxay heleen casharro iyo wacyigelin ku saabsan masuuliyadda hoggaanka iyo xalinta caqabadaha dugsiyada, iyagoo muujiyay xiise iyo ka goโnaan sare.
Jaamacadda Alpha University Borama ayaa wada tababaro kor loogu qadayo dadaalladeeda horumarinta dhalinyarada. Ka qaybgalayaashuna waxay muujiyeen farxad iyo mahadnaq ay u hayaan fursaddan qiimaha leh.
๏ผก๏ฝ๏ฝ๏ฝ๏ฝ ๏ผต๏ฝ๏ฝ๏ฝ๏ฝ
๏ฝ๏ฝ๏ฝ๏ฝ๏ฝ
"๐ธ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ `๐ ๐ฟ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐"