Biciid

Biciid

Share

Xarunta uruurinta, keydinta iyo faafinta xogaha Soomaalida. Dhul & Dhaqan. Waxaa leh Soomaali, waxa uu na u adeegayaa ayaga.

Faa'iido doon ma ahan, waa keydiyeha, u adeegaha keydinta xogaha Soomaalida ee ku saabsan: deegaanka, duurjoogta, duunyada, sawraca, suugaanta, sooyaalka iyo dhirta, dhaqanka, hiddaha iyo afka.

18/06/2026

Afartaan bahal waa isku bah(family), waxaana cilmi-ahaan la isku dhahaa Hyaenidae.

Dhurwaa/waraabe
Weer/dhidar
Weercalaan/weercaalle
Brown hyena.

Saddex waa Afrikeed oo Afrika kaliyay caalamka kaga noolyihiin, midna waa Afra-aasiyeed. Sida ka muuqata jaantuska midkasta iyo dagaannada laga helaa lagu muujiyay.

Dhurwaagu wuxuu ku noolyahay dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, weercalaanku Bariga iyo Koofurta Afrika, brown hyena Koofurta Afrika kaliya, halka weerku Afrika iyo Aasiya ku noolyahay.

Brown hyena maaddaama uusan bahal dhulkeenna laga hela ahayn, afkeena magac kuma laha, sidaa daraaddeed baan ka guud(afka qalaad) u adeegsaday.
Waxayse kuwa kala isaga dhow yihiin weerka, oo waa isku sinji( genus), markaa haddii magac loo samaynayo, 'weer-hebel' baa la dhihi karaa. Weerbood inaan dhahaa aniga ila qummanaatay.

Carabtu waxay dhaqan u lahayd ilaa haddana u leedahay, inay weerka/dhidarka qalato, oo sida ugaadha u cunto, waxaana Suubbanaha laga wariyay inuu xalaaleeyay cunistiisa.

Ayadoo ay sidaa tahay, bay akhyaar badan oo wadaaddadu inay nabiya kale oo nabi Muxammad ka dambeeya u yihiin aad mooddaa qaab indhalla'aan kugu la doodayaan 'nabigaa dhurwaa in la cuno banneeyay'.

Sida brown hyena uusan afkeenna magac ugu lahayn, baan dhurwaaga, weercalaanka iyo brown hyena midkoodna Afcarbeedka magac ugu lahayn.

Bulshadu waxay magac ula baxdaa hadba noolaha dagaanka kula noole ay taqaan, waxaysan aqoonna magac ulama baxdo, say maba taqaane.

Weerka Afcarbeed waxaa lagu dhahaa 'dabcu(ضبع), waxaase si kafiitsilla'aan ah dhurwaa ugu sheegay wadaadda Soomaaliyeed.

WQ: Maxamed Looto

18/06/2026

Sawirkan hoose waa magaalada Qardho, waxaa la qaadey waqti ku siman 1920-kii, xilligaas oo loo yaqaaney 'Ceel la qodey' sida ku cad qoraalka hoose ee sawirka, Sayidkii ayaa qalcaddaas ka dhisey magalada, inkastoo dhismahaas hadda meeshu ka dhisnaa, loo beddelay oo laga dhisay masjidka u weyn magalada ee Masjid Cumar bin Khaddaab, 1933-diina Qardho degmo ayey qaadatey, waana mid ka mida degmooyinka ugu faca weyn dalka.

WQs Cabdullaahi Baaruud

17/06/2026

Sixid: baaris ka dib, markii aan ku baraarugnay faallooyinka bahdeenna waxa aan ogaannay in meeraha ugu hooseeya uu yahay — Dusaa, Hurjub, Cuddaar, ama Dhaylgaduudc afka qalaadna ku ah MERCURY. Xiddigta midigta ka muuqata waxaa lagu sheegay in ay tahay AFAGAAL., walow ay hubin nooga baahan tahay.

Caawa dayaxa waxa ku gedaaman saddex meere oo aan si sax ah u arki karno.

Kor: Waxaraxir, Suhra, Waaberiis, Sukhra. Waa xiddig caan ah oo 6 bilood ka muuqda galbeedka halka inta kale ma laga arko subaxii jihada bari. Afka qalaadna waxaa lagu dhahaa VENUS.

Hoos: waxaa ka muuqda labo meere, kan kore waxa ay Soomaalidu u taqaannaa magacyo badan oo ay ka mid yihiin; Cirjeex, Madho, Mushtar, Saxalcadde, iyo Dhoolmarre. Magaciisa qalaadna waxaa la dhahaa JUBITER.

Kan kasii hooseya, waa meere Soomaalida dhexdeeda caan ka ah aadna loo yaqaanno, meelo badan oo saadinta iyo saadaashuba ku jiraan kaalingal uga ah waxa ay u yaqaannaan; Mariikh ama Saxalguduud. Afkiisa qalaadna waxaa la dhahaa MARS.

Xiddig midigta ah baa la rabaa, meeye ciryaqaannadii Soomaalidu.

17/06/2026

Caawa dayaxa waxa ku gedaaman saddex meere oo aan si sax ah u arki karno.

Kor: Waxaraxir, Suhra, Waaberiis, Sukhra. Waa xiddig caan ah oo 6 bilood ka muuqda galbeedka halka inta kale ma laga arko subaxii jihada bari. Afka qalaadna waxaa lagu dhahaa VENUS.

Hoos: waxaa ka muuqda labo meere, kan kore waxa ay Soomaalidu u taqaannaa magacyo badan oo ay ka mid yihiin; Cirjeex, Madho, Mushtar, Saxalcadde, iyo Dhoolmarre. Magaciisa qalaadna waxaa la dhahaa JUBITER.

Kan kasii hooseya, waa meere Soomaalida dhexdeeda caan ka ah aadna loo yaqaanno, meelo badan oo saadinta iyo saadaashuba ku jiraan kaalingal uga ah waxa ay u yaqaannaan; Mariikh ama Saxalguduud. Afkiisa qalaadna waxaa la dhahaa MARS.

Xiddig midigta ah baa la rabaa, meeye ciryaqaannadii Soomaalidu.

Photos from Biciid's post 14/06/2026

Waa markii koowaad ee aan ku arko Xidigta Dauud (Star of David ) Dhagaxda xardhan ee degalada aasaarta Somaliland! Awal qaab dhismiidka Xabaalaha ayaan ku arki jirey!

Documentary baan Idinka sidnaa Ceelal, gobolka Saraar!

WQ: Huda Cali Banfas

13/06/2026

HESHIISKII ILIG
(Pestalozza Agreement/Ilig Agreement), 1904-1905
Waxa uu ahaa heshiis afar geesood ah oo dhex maray Daraawiish, Xabashi, Ingiriis iyo Talyaani. Bilowgii iyo dhiraandhirintii heshiiska Daraawiish waxa u qaabbilsanaa afar nin oo kala ahaa;

1. Cabdalle Maxamed Shixiri, Habarjeclo, Aadan Madoobe.
2. Macallin Maxamed Nuur, Dhulbahante, Qayaad.
3. Diiriye Carraale, Habarjeclo, Aadan Madoobe.
4. Aadan Cigaal, Majeerteen, Cumar Maxamuud, reer Cigalle.

Suldaan Nuur Axmed Ammaan waxa uu hoggaaminayay shaqsiyaadkii Daraawiish ku metalay heshiiskii nabadda ee u dhexeeyay Daraawiish, Xabashi, Ingiriis iyo Talyaani. Heshiiskaas waxa loo yaqaannaay Heshiiskii Ilig, ama Heshiiskii Pestalozza. Suldaanka waxa heshiiska ku wehelinayay walaalkii Geelle Axmed Ammaan Suldaan. Waxa kale oo saxeexayaasha heshiiska ee dhanka Daraawiish ka mid ahaa Ugaas Diiriye Carab iy Ugaas Ciise Faareeq.

Heshiiskaaskani waxa uu ku burburay muddo sannad ah, ka dib markii hoggaankii Daraawiish oo Sayidku u gu horreeyay qawadeen, ka dib markii gaaladu ka soo bixi wayday shuruudihii dhankeeda la jiray ee ahaa in ay waxa la gu heshiiyay fuliso. Waxa na halkeedii ka sii socotay colaaddii u dhaxaysay Daraawiish iyo gaalada midabada badan leh.

WQ: Maxamed Faras’eri

13/06/2026

Soomaalidu abaaraha dheer, waayaha si gaara ah, xaaladaha sirgaxanta ah, saxalkiyo dhibka uu jiro dhuguca iyo dhuuncasta mirood bay uga bixi jireen. Maanta waxaa lagaa rabaa; 5 mirood oo ay Soomaalida deegaankaagu adeegsan jireen si ay uga baxaan xilliyada qaar. Sida oo kale, keliya abaaraha loogama bixi jirine waxa ay ahaayeen xarragoruug iyo taxaash (luxury).

Photos from Biciid's post 07/06/2026

MUNAASABADDA XIRITAANKA TODDOBAADKA DHAQANKA PUNTLAND OO LAGU SOO XIRAY XARUNTA DHAQANKA BICIID, GAROOWE

Xarunta Dhaqanka ee Biciid waxa ay ku faraxsan tahay martigelinta munaasabadda xiritaanka TODDOBAADKA DHAQANKA PUNTLAND oo fulinasay wasaaradda Warfaafinta Hiddaha & Dhaqanka Puntland. Xuska dhaqanku ma ahan oo keli goob lagu sheekaysto, lagu soo bandhigo dhaqan kooban balse waxa uu xambaarsan yahay ahaanshaha, sawraca, sooyaalka iyo dhaqanka ummadeed.

Munaasabaddan oo ah mid sannadle ah waxaa lagu gorfeeyaa, faaqidaa, xalna loogu raadiyaa dhibka ku gedaaman jiritaanka dhaqankeenna & hiddaheenna. Annaga oo taas ka duulayna waxaa aan martigelinnay sannadkaan xiritaanka munaasabaddaan oo kasoo qeybgaleen qunsuliyado, bahda dhaqanka, bahda siyaasadda, odey-dhaqameedyo, aqoonyahan iyo wasaaradaha ay la xiriirto.

Xoghayaha Xarunta Biciid Xoosh Jaamac oo hadal ka jeediyey munaasabadda xiritaanka ayaa sheegay; “Int dhaqankeenna uu san dhimanna doonin inta uu nool yahay qof Soomaali ah. Keydka dhaqankeenna oo ah afka ayaa uu ku sheegay xaruntu awoodda saaraso si loo keydiyo erayo afeed. Sidaas si la mid ah waxaa uu wasaaradda ku dhiirrigeliyey sii wadista qorshahaan ummadeed iyo in laga sii horumariyo munaasabaddaan lana gaarsiiyo goobo, gobollo iyo bulshooyin kala duwan”.

Mahadsanidiin,

Photos from Biciid's post 06/06/2026

Bahda Biciid waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan HOYGA DHAQANKA hargeisagallery oo in kusoo kordhisay caasimadda Soomaaliland ee Hargeysa.

In la helo xarun u okobban iibinta agabka dhaqanka Soomaalidu waa wax weyn. Sidaas si la mid ah waxa aan u mahdcelinaynaa maammulka iyo aasaasaha Xarunta Albunnada hargeisagallery.

05/06/2026

Bisha Ururta/Laxo/Lixo!
Barri oo Sabti ah, dabshidkuna marayo 328,waxaa soo idlaanaysa bishii 1aad ee dabaysha xagaaga, oo ka mid ah dabaysha Kooska loo yaqaan ee ka soo dhacda koonfur-galbeed.

Xiddigaha Ururta ayaa astaan u ah dabayshaan, oo ah heerka koowaad ee dabaysha xagaaga, waxayna soo idlaataa marka ay dibadda timaaddo Ururtu.

Dabayshaani waxay soo bilaabatay marka ay urtu jeensatay, oo ku aadanayd marka uu soo baxay godka Listan, oo ka tirsan rugta Wanka.

Waxaa Axadda wixii loo gaaro bilaabanaya, in shaa Allaah, bishii 2aad, oo ka xoog badan bishii tagtay ee Ururta.

ma dareentay in ay dabayshii xagaagu bilaabatay?

WQ: Cirday

Want your school to be the top-listed School/college in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Soomaali
Garowe
090