26/05/2026
Hambalyada Ciidul Adxaa
Maamulka, Macalimiinta, Hawlwadeenada iyo Ardayda Jiil Al-Jadiid Schools waxa ay si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaan dhammaan Ummadda Islaamka meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.
Waxaan Alle uga baryeynaa in uu inaga aqbalo acmaasha wanaagsan, caafimaad iyo farxadna inagu gaadhsiiyo ciidan ciideeda.
Eid Mubarak!
25/05/2026
Mahadnaq iyo Bogaadin
Maamulka iyo macallimiinta Dugsiga Sare ee Jiil Al-Jadiid waxay mahadcelin ballaaran u dirayaan hablaha fasalka 4B, kuwaas oo wacdaro iyo bandhig heersare ah ka muujiyey munaasabaddii weynayd ee xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May.
Habluhu waxay muujiyeen anshax wanaagsan, deganaan, iyo dareen wadaninimo oo qoto dheer, iyagoo tusaale u noqday ardayda kale. Sidoo kale, waxaan u mahadcelinaynaa guddidii qabanqaabada iyo dhammaan intii gacan ka gaysatay guusha munaasabaddaas oo ku dhisnayd iskaashi, karti iyo hufnaan.
Waxay ahayd munaasabad xusuus mudan oo ka turjumaysay midnimada iyo kor u qaadista dareenka wadaninimo.
24/05/2026
20-05-2026 waxa maamulka iyo macallimiinta dugsiga JIIL AL-JADIID primary 2 Shiraaqle xaflad meeqaamkeedu sarreeyo taas oo daarranayd dardaaran, talo iyo dhiirri-gelin isugu jirta loogu sameeyay ardayda sannadkan geli doonta imtixaanka dawlada ee sannad dugsiyeedka 2025-2026.
Waxay ay ahaayeen arday ay ka muuqato dedaal iyo diyaar garaw ay maaleen maamul, macallimiin iyo waalidba.
Ugu dambayn waxaan u rajaynaynaa dhammaantood inay guulaystaan, Allena imtixaanka ufududeeyo
16/05/2026
Hambalyo 18-ka May! ✨
Maamulka, macallimiinta, iyo ardayda Dugsiga Sare ee Jiil Al-Jadiid (Jiil Al-Jadiid Secondary School) waxay hambalyo diiran u dirayaan dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan, munaasibadda weyn ee sanad-guurada 35-aad ee dib-u-la soo noqoshada madax-bannaanida.
Halkan ka daawo sawirrada bilicda iyo wadaniyadda leh ee ay ardayda dugsigu ku xuseen maalintan qaran ee qaaliga ah.