Hargeisa Technical Institute

Hargeisa Technical Institute

Share

The Official Page of Hargeisa Technical Institute
Bogga Rasmiga ah ee Dugsiga Farsamada Gacanta Hargeysa The institution was founded in 1952.

Hargeisa Technical Secondary School is a public secondary school located in Hargeisa, the capital of Somaliland.

22/06/2026

๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐˜‚๐˜‚ ๐—›๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—ž๐˜‚-๐˜…๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—๐—ฎ๐—ฟ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—›๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—œ๐—ญ ๐—ผ๐—ผ ๐—•๐—ผ๐—ผ๐—พ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ฌ๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐— ๐—ฎ๐—ฐ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—™๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—›๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ

Photos from Hargeisa Technical Institute's post 22/06/2026

๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐˜‚๐˜‚ ๐—›๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—ž๐˜‚-๐˜…๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—๐—ฎ๐—ฟ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—›๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—œ๐—ญ ๐—ผ๐—ผ ๐—•๐—ผ๐—ผ๐—พ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ฌ๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐— ๐—ฎ๐—ฐ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—™๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—›๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ

Maanta waxaa Machadka Farsamada Gacanta ee Hargeysa booqasho rasmi ah ku yimid wafti sare oo uu hoggaaminayey Safiir Ku-xigeenka Jarmalka, iyo Hayadda GIZ, kuwaas oo u yimid inay u kuurgalaan hawlaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed ee ka socda machadka.

Waftiga waxaa si diirran u soo dhaweeyey Maamulaha Machadka, Mr. Xasan Xuseen Nuux, iyo Agaasimaha Waaxda Farsamada Gacanta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mr. Maxamed Cumar (Gaas).

Intii ay booqashadu socotay, waftigu waxay kormeer ku mareen qaybaha kala duwan iyo hoolalka ay ardaydu ku qaataan waxbarashada iyo tababarrada farsamada gacanta. Sidoo kale, waxay xog-waraysi la yeesheen masuuliyiinta machadka, iyagoo warbixin ka dhagaystay horumarka, fursadaha iyo caqabadaha ka jira waxbarashada farsamada gacanta.

Waftigu waxay ammaan u jeediyeen maamulka, macallimiinta iyo ardayda machadka dadaalka ay ugu jiraan horumarinta xirfadaha dhalinyarada iyo tayeynta waxbarashada farsamada gacanta.

Ugu dambayn, booqashadu waxay ku soo dhammaatay jawi wanaagsan, iyadoo la adkeeyey muhiimadda iskaashiga iyo taageerada lagu horumarinayo waxbarashada farsamada gacanta, si loo kobciyo xirfadaha dhalinyarada loona abuuro fursado shaqo oo waara.

Photos from Hargeisa Technical Institute's post 09/06/2026

๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐Œ๐š๐œ๐ก๐š๐๐ค๐š ๐…๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐†๐š๐œ๐š๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐‡๐š๐ซ๐ ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐ก๐š๐š๐ง ๐๐š๐ฒ๐›๐ญ๐š ๐ƒ๐ž๐œ๐จ๐ซ๐š๐ซ๐ข๐จ๐ง-๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ช๐š๐š๐๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐ค๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ก ๐ฑ๐ข๐ข๐ฌ๐š๐๐š๐ก๐š ๐๐ซ๐š๐œ๐ญ๐ข๐œ๐š๐ฅ ๐ค๐š ๐ž๐ž ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐š๐ก.

Photos from Hargeisa Technical Institute's post 01/06/2026

๐—”๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐—ฏ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—™๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐Ÿฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ค๐—ฎ๐˜†๐—ฏ๐˜๐—ฎ ๐—•๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ซ๐—ฎ๐—ณ๐—น๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ด๐—ผ๐—ผ๐˜๐—ถ๐—ป ๐—ฎ๐—ต ๐˜‚ ๐—ค๐—ฎ๐—ฏ๐˜๐—ฎ๐˜† ๐— ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ

Maanta waxaa Machadka Farsamada Gacanta ee Hargeysa ka qabsoontay xaflad sagootin ah oo ay soo agaasimeen hablaha ardayda fasalka 4aad ee ka qalinjabinaya sanadkan Kuliyada Beeraha.

Xafladdan ayaa ahayd mid ay ardaydu ku muujinayeen mahadnaq iyo sagootin ay u sameynayeen Machadka iyo Macallimiintoodii mudada dheer soo garab istaagay waxbarashadooda. Intii ay xafladdu socotay, waxaa loo jeedaiyay hadallo iyo dardaaranno ku wajahan ardayda ka baxaysa Machadka.

Waxaa halkaas dardaaran iyo talooyin qiimo leh ka jeediyay Madaxa Kuliyadda Beeraha, Abdiqasim Xaashi Wacays, kaas oo ardayda kula dardaarmay inay ka faaโ€™iidaystaan aqoonta ay heleen, isla markaana ay door muuqda ka qaataan horumarinta beeraha iyo bulshada.

Sidoo kale, xubno ka tirsan maamulka Machadka ayaa hadallo dhiirrigelin iyo hambalyo isugu jira u jeediyay ardayda, iyagoo u rajeeyay mustaqbal wanaagsan iyo guulo waxbarasho iyo shaqo.

Machadka Farsamada Gacanta ee Hargeysa wuxuu hambalyo iyo duco u dirayaa dhammaan ardayda sanadkan ka qalinjabinaysa, wuxuuna u rajaynayaa guul iyo horumar mustaqbalka ah.

Photos from Hargeisa Technical Institute's post 30/05/2026

๐—”๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฐ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—™๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—›๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ค๐—ฎ๐˜†๐—ฏ๐˜๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ฎ ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ธ๐—ฎ ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ฎ๐—ต ๐˜…๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฃ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฐ๐˜๐—ถ๐—ฐ๐—ฎ๐—น ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต.

17/05/2026

๐—›๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ผ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—•๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ.

17/05/2026

๐— ๐˜‚๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—น-๐—ฑ๐—ฒ๐—ด๐—ด๐—ฎ ๐Ÿญ๐Ÿด ๐— ๐—ฎ๐˜† ๐—ฒ๐—ฒ ๐— ๐—ฎ๐—ฐ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—™๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ

Maanta waxaa Machadka Farsamada Gacanta ka qabsoontay munaasibad si heer sare ah loogu dabaal-degayey Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May.

Munaasibadda waxaa ka soo qayb-galay Agaasimeyaal kala duwan oo ka socday Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Waaxda Farsamada Gacanta ee Wasaaradda Waxbarashada, Mudane Maxamed Cali Cumar (Gaas), iyo Agaasimaha Waaxda ICT-ga ee Wasaaradda Waxbarashada, Mudane Maxamed Faarax.

Masuuliyiintan waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Machadka Maamulaha Machadka Farsamada Gacanta, Mudane Xassan Xusseen Nuux.

Munaasibaddu waxay ahayd mid lagu muujinayey qiimaha, taariikhda iyo muhiimadda ay maalintani u leedahay shacabka Somaliland.
#

Photos from Hargeisa Technical Institute's post 04/05/2026

๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐Œ๐š๐œ๐ก๐š๐๐ค๐š ๐…๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐†๐š๐œ๐š๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐‡๐š๐ซ๐ ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐ก๐š๐š๐ง ๐š๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐๐š๐ฒ๐›๐ญ๐š ๐ˆ๐ง๐ญ๐ž๐ซ๐ข๐จ๐ซ ๐ƒ๐ž๐ฌ๐ข๐ ๐ง-๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ช๐š๐š๐๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐ค๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ก ๐ฑ๐ข๐ข๐ฌ๐š๐๐š๐ก๐š ๐๐ซ๐š๐œ๐ญ๐ข๐œ๐š๐ฅ-๐ค๐š.

Photos from Hargeisa Technical Institute's post 29/04/2026

๐—›๐—ฎ๐˜†โ€™๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—จ๐—ท๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ ๐—”๐—ณ๐—ฟ๐—ถ๐—ฐ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—•๐—ผ๐—ผ๐—พ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ง๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐— ๐—ฎ๐—ฐ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—™๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—›๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ

Machadka Farsamada Gacanta ee Hargeysa waxa booqasho ku yimid wafti ka socda Hayโ€™adda Ujamaa Africa, hayโ€™addaas oo soo agaasintay tababar ku saabsan Xirfadaha Nolosha (Life Skills) oo la siinayey ardayda machadka.

Booqashadan ayaa qayb ka ahayd xoojinta iskaashiga iyo taageerada horumarinta xirfadaha ardayda, gaar ahaan dhinacyada nolosha iyo shaqo-u-diyaargarowga.

Waftigu waxa ay sidoo kale indho-indhayn ku sameeyeen Hoosooyinka kala duwan ee ardaydu ku qaataan Gacan ka qabashada Farsamada Gacanta.

Photos from Hargeisa Technical Institute's post 27/04/2026

๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐œ๐ก๐š๐๐ค๐š ๐…๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐†๐š๐œ๐š๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐‡๐š๐ซ๐ ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐–๐š๐๐š๐š๐ ๐š๐ก๐š ๐€๐š๐ ๐š ๐“๐š๐ฆ๐š๐ซ๐ญ๐š ๐‰๐’๐‹.

Maanta, Maamulaha Machadka Farsamada Gacanta ee Hargeysa Mr Xasan Xuseen Nuux ayaa ka qayb galay Kulanka Wadaagaha Aaga Tamarta JSL.
Kulankan waxa ku wehelinayey Madaxa Qaybta Renewable Energy ee Machadka Farsamada Gacanta Hargeysa.
Kulankan oo ay soo agaasimtay Wasaarada Tamarta iyo Macdanta JSL.

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Located Opposite To The Pepsi Coca-Cola Industry In Hargeisa
Hargeisa

Opening Hours

Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00