Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL iyo Wasaarada Waxbarashada oo maanta Dugsiga kala qayb gashay Dabaal dega Xuska 18 May
Masuliyiinka halkaa kala Hadlay ardayda waxaa ka mid ahaa.
1.Agaasimaha Qorashayda Wasarada dastuurka imohamed amiin.
2.Agaasimaha waxbarashada Aasaasiga ah ahmed ismail abdi.
Waran-Cade Secondary school
Halkani waa page ka Rasmiga ah ee dugsiga sare warancade secondary school.
16/05/2026
Ubaxii Wadanka oo Calankoodii ku Dabaal degaya
Waran-Cade Secondary school
Abdirashid Adan Ahmed Oo si wayn ugq Qayb Qaatay xuska 18 may ee ka Dhacay Dugsiga.
Xuska Dabaal Dega,18 May.
16-05-2026.
Waran-Cade Secondary school
14/05/2026
Xuska Maalinta qaranimda Jamuuriyada Somaliland
Happy 18 May💚🤍❤️
Saturday 16/May/2026.
Waran-Cade Secondary school
09/05/2026
05-09-2026
🎓 𝐗𝐚𝐟𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐥𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐢𝐢 𝐊𝐚 𝐐𝐚𝐲𝐛 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐚𝐚𝐫𝐮𝐠.
Xaflad si heer sare ah oo ballaadhan lagu maamuusayey laguna abaalmarinayey ardaydii kaalmaha h**e ka gashay tababarkii iyo tartankii Barashada Dastuurka ee Barnaamijka Baraarug, kaas oo loo qabtay dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa.
Tartankan ayaa ujeeddadiisu ahayd kor u qaadista aqoonta ardayda ee dhinaca dastuurka, wacyigelinta bulshada iyo kobcinta fahamka dhalinyarada ee xuquuqda iyo waajibaadka muwaadinnimada.
Xafladdan qiimaha badan waxaa kasoo qayb galay madax ka socotay Wasaaradda Dastuurka Somaliland, maamulka dugsiyada sare ee Hargeysa, macallimiin, marti sharaf iyo arday tiro badan.
Ardaydii ku guulaysatay tartanka ayaa lagu guddoonsiiyey:
🏅 Bilad sharaf
🏆 Abaalmarino kala duwan
📜 Shahaadooyin dhiirrigelin ah
Masuuliyiintii munaasibadda ka hadashay ayaa hambalyo u diray dhammaan ardayda guusha gaadhay, iyagoo ku ammaanay dadaalkooda, kartidooda iyo sida ay uga qayb qaateen barashada dastuurka iyo horumarinta aqoontooda.
Sidoo kale waxay ku bogaadiyeen Barnaamijka Baraarug doorka muhiimka ah ee uu ka qaadanayo kobcinta aqoonta iyo wacyiga dhalinyarada Somaliland.
👏 Hambalyo dhammaan ardaydii ku guulaysatay tartanka iyo abaalmarinnada.
📚 Guushu waxay ku timaaddaa dadaal, karti iyo adkaysi.
.
Waran-Cade Secondary school
07/05/2026
#𝙏𝘼𝘾𝙎𝙄
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
Maamulka, Macallimiinta, Shaqaalaha iyo dhammaan Ardayda
Dugsiga Warancadde Secondary School waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan
Macalin Ibrahim Yuusuf Qaalib geerida naxdinta leh ee ku timi
Aabbihii oo maanta ku geeriyooday magaalada
Burco
taariikhdu tahay 07-05-2026.
Waxaan Alle uga baryaynaa Marxuumka inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo,
qabrigiisana u waasiciyo.
Sidoo kale waxaan samir iyo iimaan leenahay alle ha ka siiyo
Macalin Ibrahim Yuusuf Qaalib, qoyskiisa, ehelkiisa iyo dhammaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay.
🤲
اللهم اغفر له وارحمه وعافه واعف عنه
وأسكنه فسيح جناتك
Aamiin Aamiin.
01/05/2026
Ogeysiis muhiim ah
dugsigu maalinta sabtida ah ee taariikhduna tahay 02/05/2026 waa fasax maalinta shaqaalaha aduunka awgeed.
.
Waran-Cade Secondary school
22/03/2026
Waran-Cade Secondary school
Back to school
Soo noqosho wacan 24/03/25-26 salaasa
Waxaa lagu adkaynayaa ardayda u leh shiftiga Examka oo ah Three and Two maalinta Salaasada inay Soo Diyaar garoobaan.
Soo kale Arabacada waa imanaaya One.
21/03/2026
Geeri Naxdinle
إنا لله وإنا إليه راجعون.
Maamulka, Macalimiinta iyo dhammaan hawlwadeenada Dugsiga Waran-Cade Secondary school waxa ay tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Waalidka iyo Eheladii uu ka geeriyooday Yasin Eid Omar Kaahin Oo maanta ku Geeriyooday Magaalada Barbara ee Gobolka saaxil oo ahaa Arday ka tirsan bahda Dugsiga gaar ahaan fasalka 4aad , Gaar ahaan Fasalka 4B
waxaanu Alle u weeydiineynaa in uu Janatul Firdowsa geeyo, dhamaan qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka geeriyoodayna Samir iyo Iimaan Alle haka siiyo.
Ma dhinte waa alle
19/03/2026
𝗖𝗜𝗜𝗗 𝗠𝗨𝗕𝗔𝗥𝗔𝗞 ......
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال
Munaasibada ciidal Fitriga awgeed waxaanu hambalyada iyo faraxada la wadaagaynaa dhamaan maamulka, macalimiinta, ardayda, hawl wadeenada dugsigga sare ee Waran-Cade Secondary school iyo guud ahaan umadda muslimka ah ee ku nool daafaha dunidda.
ALLE ha inaga aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee bishii RAMADAN aynu soo samaynay, sanadkaas sanadkiisana RABBI ha inagu gaadhsiiyo bashbash, barwaaqo, cimri dheer ,Cibaado Suuban iyo Caafimaad.
HAMBALYO , NABAD KU CIIDA 🎊
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Telephone
Website
Address
Hargesa
Opening Hours
| Monday | 07:00 - 12:00 |
| Tuesday | 07:00 - 12:00 |
| Wednesday | 07:00 - 12:00 |
| Saturday | 07:00 - 12:00 |
| Sunday | 07:00 - 12:00 |