Samo-wadaag primary and secondary school

Samo-wadaag primary and secondary school

Share

"SAMO-WADAAG P.S.S is a learning center aims to improve the quality of education for somali children". Contact Us 0617111258

18/06/2026

HAMBALYO ARDAYDA FASALKA 8AAD

Maamulka iyo Macallimiinta Iskuulka SAMO-WADAAG waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ardayda Fasalka 8aad ee si guul leh u soo dhammaystay Imtixaanka Qaranka ee Sanad Dugsiyeedka 2025–2026.

Waxaan idiin rajaynaynaa natiijo wanaagsan iyo mustaqbal ifaya.

Photos from Samo-wadaag primary and secondary school's post 10/06/2026

WARBIXIN KU SAABSAN DHAMMAADKA IMTIXAANKA FASALKA 8-AAD

Dugsiga SAMO-WADAAG
Sanad Dugsiyeedka 2025–2026

Maamulka Dugsiga SAMO-WADAAG waxa uu si rasmi ah u soo gudbinayaa warbixinta dhammaadka imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2025–2026.

Alxamdulillaah, imtixaankii dhammaadka sanadkan ee fasalka 8-aad waxa uu ku soo dhammaaday jawi wanaagsan, nidaam iyo anshax sare. Ardaydu waxay muujiyeen dadaal, karti iyo diyaar-garow wanaagsan intii uu socday imtixaanku.

Mudadii imtixaanku socday, maamulka dugsiga, macallimiinta iyo kormeerayaashu waxay si dhow ula socdeen habsami u socodka imtixaanka si loo xaqiijiyo hufnaan, caddaalad iyo daahfurnaan.

Maamulka dugsigu waxa uu uga mahadcelinayaa:

- Ardayda dadaalka iyo anshaxa wanaagsan ee ay muujiyeen.
- Macallimiinta kaalinta weyn ee ay ka qaateen diyaarinta iyo hagidda ardayda.
- Waalidiinta taageerada joogtada ah ee ay siiyeen carruurtooda.
- Dhammaan shaqaalaha dugsiga ee ka shaqeeyey hirgelinta iyo ilaalinta nidaamka imtixaanka.

Natiijooyinka imtixaanka ayaa la shaacin doonaa marka la dhammaystiro saxitaanka iyo hubinta dhammaan waraaqaha imtixaanka.

Ugu dambayn, maamulka Dugsiga SAMO-WADAAG waxa uu u rajaynayaa dhammaan ardayda fasalka 8-aad guul iyo horumar joogto ah, isaga oo ku dhiirrigelinaya inay sii wadaan dadaalka iyo waxbarashada wanaagsan.

Mahadsanidiin.

Maamulka Dugsiga SAMO-WADAAG

Abdifatah Abubakar Sheik Amin {Ahlu sharaf}

05/06/2026
31/05/2026

Jadwalka fasalka shahaadiga ah ee 8aad sanad-dugaiyeedka
#𝑮𝒖𝒖𝒍 𝒘𝒂𝒄𝒂𝒏
𝓜𝓾𝓼𝓽𝓪𝓺𝓫𝓪𝓵 𝓲𝓯𝓪𝔂𝓸 𝓪𝔂𝓪𝓪𝓷 𝓲𝓭𝓲𝓷 𝓻𝓪𝓳𝓮𝔂𝓷𝓮𝔂𝓷𝓪𝓪 𝓲.𝓪

29/05/2026

Waxbarashadu waa furaha horumarka qofka iyo bulshada. Qofka aqoontiisa kobciya waxa uu dhisanayaa mustaqbal ifaya, isla markaana wuxuu awood u yeeshaa inuu wax badan ku soo kordhiyo bulshada. Maalgashiga ugu qiimaha badan waa in maskaxda lagu beero cilmi, akhlaaq, iyo xirfad waxtar leh.

26/05/2026

Maamulka, macallimiinta, shaqaalaha iyo ardayda Dugsiga Hoose & Dhexe ee Samo-Wadaag waxay idinla wadaagayaan farxad iyo hambalyo ku aaddan maalinta weyn ee EID-AL-ADHA MUBARAK.

25/05/2026

OGEYSIIS! OGEYSIIS! OGEYSIIS!

IMTIXAAN FASALKA 8AAD

Ardeyda shahaadiga ah ee fasalka 8aad

waxa uu bilaaban doonaa imtixaanka 01 JUNE 2026

waxa uuna ku egyahay 10 JUNE 2026

Waqtiga Bilaabashada 10:00 Am.

Alle ha u sahlo ardeyda oo dhan.

23/05/2026

Xaflada abaal-marinta Sanad-dugsiyeedka 2025-2026 Ee Dugsiga Samo-wadaag primary and secondary school

Kalmada: Barraha Dugsiga

Ustaad = Falastiin axmed maxamed


Photos from Samo-wadaag primary and secondary school's post 23/05/2026

Maamulka iyo macallimiinta Dugsiga Samo-wadaag waxay si sharaf iyo farxad leh u qabteen xafladda abaal-marinta sanad dugsiyeedka 2025–2026, taas oo lagu dhiirrigelinayey ardayda dadaalka, akhlaaqda wanaagsan, iyo horumarka waxbarasho ee ay muujiyeen sanadkan.

22/05/2026

Xaflada abaal-marinta Sanad-dugsiyeedka 2025-2026 Ee Dugsiga Samo-wadaag primary and secondary school

Kalmada:furitaanka xaflada

Ustaad Cali aamin muuse


Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Suuqa Xoolaha
Mogadishu
274149