23/06/2026
🎤 𝗣𝗨𝗕𝗟𝗜𝗖 𝗦𝗣𝗘𝗔𝗞𝗜𝗡𝗚 𝗦𝗛𝗢𝗪𝗖𝗔𝗦𝗘 – 𝗕𝗔𝗧𝗖𝗛 𝟮 🎤
Berri oo ku beegan 𝟮𝟰 𝗝𝘂𝗻𝗲 𝟮𝟬𝟮𝟲, ardayda 𝗣𝘂𝗯𝗹𝗶𝗰 𝗦𝗽𝗲𝗮𝗸𝗶𝗻𝗴 𝗕𝗮𝘁𝗰𝗵 𝟮 waxay soo bandhigi doonaan qudbadahoodii ugu dambeeyay taas oo Muujin doonta siday wax ubarteen intii uu socday tababarka.
Bandhiggan wuxuu qayb ka yahay Final Assessment-ka koorsada, waxaana ardayda lagu qiimeyn doonaa xirfadaha ay barteen sida:
✅ Qaab-dhismeedka Qudbadda
✅ Kalsoonida Hadalka
✅ Body Language
✅ Voice Control
✅ Eye Contact
✅ Q&A Skills
Qiimeyntan waxaa sameyn doona Macalinka Maadada iyo Guddi Qiimeyn oo gaar ah.
Waxaan rajaynaynaa in ardaydu soo bandhigaan heerka aqoon, kalsooni iyo xirfadaha ay kasbadeen muddadii tababarka.
📅 𝗗𝗮𝘁𝗲: 24 June 2026
🕓 𝗧𝗶𝗺𝗲: 04:00 PM
📍 𝗩𝗲𝗻𝘂𝗲: SSI Main Hall
23/06/2026
𝗠𝗮𝗰𝗵𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗧𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗫𝗶𝗿𝗳𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗦𝗜 wuxuu si guul leh ugu qabtay howlwadeennada isbitaalka Jazeera Specialist Hospital seminar xirfadeed oo muhiim ah, kaas oo ku saabsanaa:“𝗘𝗻𝗵𝗮𝗻𝗰𝗶𝗻𝗴 𝗣𝗮𝘁𝗶𝗲𝗻𝘁 𝗦𝗮𝘁𝗶𝘀𝗳𝗮𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻 𝗧𝗵𝗿𝗼𝘂𝗴𝗵 𝗘𝗳𝗳𝗲𝗰𝘁𝗶𝘃𝗲 𝗖𝗼𝗺𝗺𝘂𝗻𝗶𝗰𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻 𝗮𝗻𝗱 𝗧𝗶𝗺𝗲𝗹𝘆 𝗙𝗮𝗺𝗶𝗹𝘆 𝗥𝗲𝗽𝗼𝗿𝘁𝗶𝗻𝗴”
Tababarkan wuxuu si gaar ah diiradda u saaray muhiimadda isgaarsiinta hufan, kor u qaadidda qanacsanaanta bukaanka, iyo in xogta bukaanka lala wadaago qoysaska waqtigeeda ku habboon.
Waxaan aaminsanahay in adeeg caafimaad oo tayo leh uu ku dhisan yahay xirfad, wada-xiriir wanaagsan, iyo daryeel bukaan oo heer sare ah.
Tababarkan waxaa soo jeedinayey Dr. Mohamed Nor Warsame, oo la wadaagay ka-qaybgalayaasha aqoon iyo khibrad ku saabsan isgaarsiinta hufan iyo tayeynta adeegyada caafimaadka.
Mahadsanid dhammaan ka qaybgalayaashii iyo maamulka Jazeera Specialist Hospital ee taageeray hirgelinta tababarkan muhiimka ah.
17/06/2026
🎤𝗠𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗞𝗮𝗹𝘀𝗼𝗼𝗻𝗶𝗱𝘂 𝗕𝗶𝗹𝗮𝗮𝗯𝗮𝘁𝗼, 𝗖𝗮𝗯𝘀𝗶𝗱𝘂 𝗪𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮𝗺𝗺𝗮𝗮𝘁𝗮𝗮!
Shalay galab, Ardayda barata Koorsada 𝗣𝘂𝗯𝗹𝗶𝗰 𝗦𝗽𝗲𝗮𝗸𝗶𝗻𝗴 𝗦𝗸𝗶𝗹𝗹𝘀 ee Machadka Tababarada iyo Xirfadaha SSI waxaa loo qabtay Seminar muhiim ah oo cinwaankiisu ahaa:
"𝗛𝗼𝘄 𝘁𝗼 𝗢𝘃𝗲𝗿𝗰𝗼𝗺𝗲 𝗙𝗲𝗮𝗿 𝗼𝗳 𝗣𝘂𝗯𝗹𝗶𝗰 𝗦𝗽𝗲𝗮𝗸𝗶𝗻𝗴"
Seminarka ayaa diiradda lagu saaray sidii looga gudbi lahaa cabsida fagaare ka hadalka, iyadoo ardayda lagu baray farsamooyin wax ku ool ah oo kor u qaadaya kalsoonida, diyaarinta hadalka, iyo sida loo maareeyo walbahaarka marka la hor istaago dadweyne.
Sawirradan waxay ka tarjumayaan jawi waxbarasho, ka qeybgal firfircoon, iyo arday ku tallaabsanaya horumar cusub oo dhinaca Fagaare ka hadalka ah.
Waxaan uga mahadcelineynaa 𝗨𝘀𝘁𝗮𝗮𝗱 𝗡𝗼𝗵 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗹𝗶 aqoonta iyo waayo-aragnimada qiimaha badan ee uu la wadaagay ardayda.
📚𝗦𝗦𝗜 – 𝗛𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗱𝗵𝗶𝘀𝗼 𝗞𝗮𝗹𝘀𝗼𝗼𝗻𝗶, 𝗫𝗶𝗿𝗳𝗮𝗱 𝗶𝘆𝗼 𝗛𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻.
16/06/2026
🌙𝐒𝐚𝐧𝐚𝐝 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐨𝐨 𝐁𝐚𝐫𝐚𝐤𝐞𝐲𝐬𝐚𝐧 𝟏𝟒𝟒𝟖 𝐇𝐢𝐣𝐫𝐢𝐲𝐚
𝐌𝐚𝐜𝐡𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐮𝐜𝐜𝐞𝐬𝐬 𝐒𝐤𝐢𝐥𝐥𝐬 𝐈𝐧𝐬𝐭𝐢𝐭𝐮𝐭𝐞 (𝐒𝐒𝐈) wuxuu dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka u rajaynayaa sanad cusub oo Hijri ah oo kheyr, barako, caafimaad, nabad iyo guulo badan leh.
اللهم اجعله عاماً مليئاً بالخيرات والبركات
14/06/2026
🎤 𝗞𝗮 𝗚𝘂𝗱𝘂𝗯 𝗖𝗮𝗯𝘀𝗶𝗱𝗮 𝗙𝗮𝗴𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗸𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮!
📢 Success Skills Institute (SSI) wuxuu kugu martiqaadayaa Seminar gaar ah oo cinwaankiisu yahay:
"𝗛𝗼𝘄 𝘁𝗼 𝗢𝘃𝗲𝗿𝗰𝗼𝗺𝗲 𝘁𝗵𝗲 𝗙𝗲𝗮𝗿 𝗼𝗳 𝗣𝘂𝗯𝗹𝗶𝗰 𝗦𝗽𝗲𝗮𝗸𝗶𝗻𝗴?"
Seminarkan waxaad ka baran doontaa:
✅ Sida loo yareeyo cabsida hadalka dadweynaha
✅ Farsamooyinka kor loogu qaado kalsoonida nafta
✅ Sida loo diyaariyo khudbad ama presentation saameyn leh
✅ Talooyin iyo waayo-aragnimo uu la wadaagayo marti sharafeedka seminar-ka
🎙 𝗚𝘂𝗲𝘀𝘁 𝗦𝗽𝗲𝗮𝗸𝗲𝗿: 𝗠𝗿. 𝗡𝘂𝗵 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗹𝗶
📅 Taariikh: 16 June 2026
⏰ Waqti: 04:00 PM
📍 Goobta: SSI Main Hall
Ha seegin fursaddan qiimaha badan ee kaa caawin karta inaad noqoto qof si kalsooni leh uga hadla fagaarayaasha kala duwan.
📝𝗜𝘀𝗱𝗶𝗶𝘄𝗮𝗮𝗻𝗴𝗲𝗹𝗶 𝗵𝗮𝗱𝗱𝗮:
https://forms.gle/A2kHryCCvbCCg7pWA
Fadlan buuxi foomka diiwaangelinta si aad u xaqiijiso ka qaybgalkaaga.
📞 Wixii faahfaahin dheeraad ah: +252 615942611
🌐 www.ssi.so
13/06/2026
𝟱- 𝗦𝗮𝗯𝗮𝗯𝗼𝗼𝗱 𝗼𝗼 𝗮𝘆 𝘅𝗶𝗿𝗳𝗮𝗱𝘂𝗵𝘂 𝗠𝘂𝗵𝗶𝗶𝗺 𝘂 𝘆𝗶𝗵𝗶𝗶𝗻.
Haddii aad diyaar u tahay inaad barato xirfado cusub oo kaa caawinaya horumarkaaga, booqo: www.ssi.so
Ma kula tahay in xirfaddu ka muhiimsan tahay shahaadada? Noogu reeb fikradaada comments-ka. 👇
13/06/2026
Ardayda sanadkan u fariisanaysa Imtixaanka Shahaadiga Dowladda waxay u baahan yihiin dhiirrigelin iyo talooyin waxtar leh.
Adiguna ka qayb qaado, Comment-ka noogu reeb hal talo oo aad siin lahayd ardayda imtixaanka u fariisanaysa.
12/06/2026
🌿 Jimco Wanaagsan 🌿
Xuska Alle waa iftiinka qalbiga, degganaanshaha nafta, iyo furaha kheyrka. Jimcahan barakaysan, ku badi dikriga, istighfaarka, akhrinta Suuratul Kahf, iyo saliga Nabiga ﷺ.
Ilaahay ha inaga dhigo kuwa carrabkoodu qoyan yahay xuskiisa.🤲
🌿📖✨
10/06/2026
📚 𝗪𝗮𝘅𝗯𝗮𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼 𝗧𝗮𝘆𝗼 𝗟𝗲𝗵, 𝗠𝗲𝗲𝗹 𝗞𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗢𝗼 𝗔𝗮𝗱 𝗝𝗼𝗼𝗴𝘁𝗼!
Waxaan kuu diyaarinay koorsooyin iyo Xirfado tayo sare leh oo aad baran karto meel kasta oo aad dunida ka joogto.
🌐 𝗕𝗼𝗼𝗾𝗼 𝗣𝗹𝗮𝘁𝗳𝗼𝗿𝗺-𝗸𝗲𝗲𝗻𝗻𝗮 Waxbarashada ssi.so si aad u aragto dhammaan koorsooyinka iyo xirfadaha aan bixino, una doorato koorsada ku habboon himilooyinkaaga waxbarasho iyo horumarinta xirfadahaaga.
📲 𝗔𝗺𝗮 𝘀𝗶 𝘁𝗼𝗼𝘀 𝗮𝗵 𝗻𝗮𝗴𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿 𝗪𝗵𝗮𝘁𝘀𝗔𝗽𝗽:
https://wa.me/252615942611
📞 𝗙𝗮𝗮𝗵𝗳𝗮𝗮𝗵𝗶𝗻 𝗗𝗵𝗲𝗲𝗿𝗮𝗮𝗱 𝗮𝗵: 𝟬𝟲𝟭𝟱𝟵𝟰𝟮𝟲𝟭𝟭 / 𝟬𝟲𝟭𝟮𝟵𝟵𝟮𝟮𝟴𝟵
10/06/2026
Machadka Tababarada iyo Xirfadaha SSI wuxuu si weyn u garab taagan yahay uguna faanayaa Garsoore Omar Abdulkadir Artan, oo ah garsoore Soomaaliyeed kuna suntan karti, hufnaan, iyo dadaal joogto ah. Waxa uu muujiyey hawlkarnimo iyo adkaysi ku suntan qof himilo sare leh, taasoo gaarsiisay heerar waawayn.
Waxaan ku bogaadinaynaa guulaha uu gaaray, waxaana ku dhiirrigelinaynaa inuu sii wado dadaalka iyo horumarka uu ku tallaabsanayo.
Machadka SSI wuxuu u rajaynayaa mustaqbal ifaya iyo guulo ka sii waaweyn oo uu ku gaadho himilooyinkiisa, kana sii ahaado tusaale wanaagsan oo dhiirrigeliya jiilka Soomaaliyeed.