DARUL NAJAH School

DARUL NAJAH School

Share

Darul Najah Waa Xalka Baahidaada Waxbarasho

18/06/2026

Hambalyo Gabadheena Zamzam Haldhaaโ™ฅ๏ธ๐ŸŽ‰๐Ÿ‘

Waa gabar yar oo ku suntan firfircooni iyo farriidnimo. Waxay muujisaa kalsooni iyo codkarnimo marka ay joogto fagaraayaasha ardayda ku kulmaan.

Waxay kamid tahay ardayda dugsiga DARUL NAJAH ee sanadkaan u farriistay Imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8-aad.

Natiijo farxad gelisa ayaan u rajeyneynaa Zamzam Abdirahman Mohamed iyo saaxiibadeeda

Photos from DARUL NAJAH School's post 18/06/2026

๐——๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—™๐—ฎ๐—ฟ๐˜…๐—ฎ๐—ฑ ๐—Ÿ๐—ฒ๐—ต๐ŸŽ‰๐Ÿ˜น

Waxaa Mahad ballaaran iska leh Allah SWT oo maanta inoo fududeeyey in uu si qurux badan leh inoogu soo dhammaado imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalka 8-aad ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir sanad dugsiyeedka 2025/2026.

Waxaan hambalyo weyn u diraynaa dhammaan ubadka Soomaaliyeed ee dadaalka joogtada ah ku bixin jiray in ay soo gaaraan maalintaan oo kale, si gaar ah waxaan u hambalyeyneynaa ardayda dugsiga DARUL NAJAH ee aqoon iyo akhlaaq kusoo bandhigay goobihii kala duwanaa ee Imtixaanka ku galeen.

Waxaan sidoo kale u mahadceliyeynaa dhammaan macallimiinta, kormeerayaasha iyo howlwadeenada Imtixaanka oo daruufaha ardayda markasta si xilkasnimo leh inala qaadan jirey.

Ugu dambeyn waxaan Eebbe ka rajeyneynaa in dhammaan ardayda helaan dhibco ay ku farxaan iyo natiijo farxad gelisa waalidiinta iyo macallimiinta waqtiga iyo dadaalka badan ku bixiyey.

Hambalyo Hambalyo Ubixii Dalkoow๐ŸŒน๐ŸŒน๐Ÿ‘

16/06/2026

WARGELIN MUHIIM Ah.

Waxaan dhammaan ardayda fasalka 12-aad ee dugsiga DARUL NAJAH iyo waalidiintooda ogeysiineynaa in ay soo baxeen kaararkii Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee sanad dugsiyeedka 2025/2026.

Sanadkaan waxay ardaydeena ku geli doonaan ilaa afar xarumood oo kala ah:

๐Ÿซ Dugsiga Cabdicasiiis ee degmada Cabdicasiis.
๐Ÿซ Dugsiga Shiikh Yuusuf Al-Kownayn (Jaamacada City) ee degmada Boondheere.
๐Ÿซ Dugsiga Agoonta Gabdhaha Boondheere ee degmada Boondheere.
๐Ÿซ Dugsiga Maxamuud Axmed Cali ee degmada Kaaraan.

Waxaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed u rajeyneynaa in uu Eebbe u fududeeyo Imtixaanka, Sanadkaana waa sanadkii Daarul-Najax Eebbe idamkiisa.




15/06/2026

Saakay ayey dhammaantood u dareereen si ay uga mira dhaliyaan hadafkooda ah ka gudbida Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad oo in ka badan afar sano ay usoo diyaar garoobayeen.

Wejiyadooda waxaa ka muuqato rajo aad fog, indhahooda waxay muujinayaan kalsooni, carabkooduna wuxuu ku hadaaqayaa talo saarasho Rabbi iyo duruustii loogu dhigay fasallada.

Waxaan rajeyneynaa in dhammaan ardayda fasalka 8-aad ee Gobalka Benaadir iyo guud ahaan gobollada dalka ay guuleystaan isla markaan helaan darajooyin sare.

Ardayaheey waxaan idinka rajeyneynaa in aad si kalsooni leh u wajahdaan Imtixaanka, naftiina aadan u ogolaan in ay u hogaansanto cabsida iyo kalsooni daro.

Imtixaanka waa qiimeyn ee ma ahan ciqaab una fahma in kaliya ujeedada tahay in la qiimeeyo heerka fahankiina ee cashirada aad kusoo qaadateen fasalladiina.

Waxaan markale idinkugu duceyneynaa in uu Eebbe idin fududeeyo Imtixaanka guul weyna usoo hoysaan dugsigiina insha-Allah.




DARUL NAJAH School

15/06/2026

Bismillaah.

Maanta oo Isniin ah, taariikhduna tahay 15 Juun 2026, waxaa si rasmi ah u bilaabanaya Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe ee uu qaado Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir.

Waxaan dhammaan ardayda u fadhiisanaysa imtixaankan u rajaynaynaa guul, nasiib wanaagsan iyo natiijooyin farxad leh.

Sidoo kale, waxaan si gaar ah ugu ducaynaynaa ardayda DARUL NAJAH School inay ku guulaystaan imtixaanka, kana soo hooyaan natiijooyin wanaagsan oo ay ku faanaan iyaga, waalidkood iyo macallimiintooduba.

Alle ha u fududeeyo imtixaanka, hana siiyo guul iyo horumar.

Aamiin. ๐Ÿคฒ๐Ÿ“šโœ๏ธ




.

Photos from DARUL NAJAH School's post 31/05/2026

AXAD, 31- May-2026, Waxaa inoo bilowday Imtixaanka FINAL-KA ee sanad dugsiyeedka 2025/2026.

Imtixaankaan ayaa ah tijaabadii ugu dambeysay ee laga qaado ardayda shahaadiga ee fasallada 12-aad iyo 8-aad kahor Imtixaanka dowlada.

Sanadkaan waxaa Imtixaanka fasalka 12-aad u farriistay 20 Arday halka fasalka 8-aad ay u farriisteen 86-arday.

Waxaan u rajeyneynaa guul iyo dhibco sare.

27/05/2026

Ciid Wanaagsan.

Waxaan dhammaan Ummada muslimiinta ah ugu hambalyeyneynaa farxada maalinta ciida.

Ilaahey ha naga aqbalo acmaashii wanaagsaneyd ee aan sameynay 9-kii maalmood ee lasoo dhaafay.

Photos from DARUL NAJAH School's post 14/05/2026

Ardayda fasalka 12-aad ee dugsiga DARUL NAJAH School oo shalay ka qaybgalay tababbar ku saabsan sidda loogu diyaar garoobo Imtixaanka qaranka oo ay eoo qabanqaabiyeen ururka dhallinyarada ee SEN Somali Youth.

Tababbarka ayaa ardayda lagula wadaagay farsamooyin iyo qaababka loo wajaho Imtixaanka sidoo kale waxaa arday loo sharxay sidda loo maareeyo walaaca xilliga Imtixaanka.

Maamulka dugsiga ayaa ugu mahadceliyey ururka SEN Somali Youth oo soo qabanqaabiyey tababbarkaan.

Guuleysta ARDAYEEY.

16/04/2026

MONTHLY EXAM II TIME TABLE

20/03/2026

Iid Wanaagsan

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Mogadishu

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:00
Tuesday 07:00 - 17:00
Wednesday 07:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 11:00
Saturday 07:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00