Suudi Primary and Secondary School

Suudi Primary  and  Secondary School

Share

The home of knowledge and wisdoms.

18/06/2026

Hambalyo iyo Bogaadin: Dhammaysashada Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 8aad
​Maamulka, macallimiinta, iyo dhammaan xubnaha Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Suudi waxay hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u dirayaan ardayda qaaliga ah ee Dufcaddii 2-aad ee fasalka 8-aad, kuwaas oo si guul leh u soo gebagebeeyey Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dawladda ee sannad dugsiyeedka 2025-2026.

"Guushu ma aha meel la gaaro oo kaliya, waa safar dheer oo ku dhisma dhabar-adayg, dadaal, iyo hami sare."

​Waxaan aad ugu hanweynahay dadaalkii, dhabar-adaygii, iyo asluubtii wanaagsanayd ee aad muujiseen intii aad ku jirteen u diyaargarowga imtixaanka. Maanta waxaad gaarteen aad u soo dhabar adeegteyn sannooyinkii la soo dhaafay, waxaanan ku kalsoonahay in guul weyn aad ka keeni doontaan.
​Waxaan idiin rajaynaynaa in natiijada imtixaanku noqoto mid indhihiinna iyo kuwa waalidkiinnaba ku doogsadaan, Tallaabadani waa bilowga safarkiina dugsiga sare, kaas oo ah marxalad muhiim u ah dhisidda mustaqbalkiina aqooneed.
Waxaan sidoo kale u hambalyaynaynaa waalidiintii sharafta lahaa ee hiil iyo hoobba la garab taagnaa ardayda si ay heerkan u soo gaaraan.
​Dugsiga Suudi wuxuu mar walba u taagan yahay inuu idinku hogaamiyo jidka guusha iyo aqoonta. Waxaan idiin rajaynaynaa mustaqbal ifaya iyo guulo waara oo aad diinta iyo dadkaba wax ugu qabtaan.
​Guul iyo Guulaysi Joogto ah, Dufcaddii 2-aad!

07/06/2026

🎉⏳ COMING SOON ⏳🎉
Final-ka Tartanka Aqooneedka Dugsiga Suudi
Sanad dugsiyeedka 2025/2026

Waxaa foodda is dari doona fasallada:
Fasalka 7-aad (A) 🆚 Fasalka 5-aad

Photos from Suudi Primary  and  Secondary School's post 07/06/2026

Dufcaddii 2-aad ee Fasalka 8-aad – Dugsiga Suudi 🎓
Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda qalin-badalanaysa guul, horumar, iyo mustaqbal ifaya. Allaha u fududeeyo imtixaanka qaranka, hana ka yeelo kuwa ku guulaysta dadaalkooda iyo himilooyinkooda. Waxaan u rajaynaynaa inay si qurux leh ugu gudbaan marxaladaha waxbarasho ee xiga.

29/05/2026

Back to School
Isku soo laabasha Wacan

26/05/2026

Maamulka, macallimiinta, iyo dhammaan hawl-wadeennada Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Suudi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, ardayda sharafta leh ee dugsiga iyo waalidiintoodaba, munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Adxaa.

Maalintan weyn ee Ciidda waxay inoo tahay astaan midnimo, is-cafis, iyo u-samafalidda bulshada. Waxaan Alle (SWT) uga baryaynaa inuu acmaasheenna suuban nagala aqbalo, ciiddan ciiddeeda kalena nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad, barwaaqo iyo horumar waara oo dalkeenna u dhasha.

Ardaydeenna qaaliga ah waxaan u rejaynaynaa fasax ciideed oo farxad iyo reyn-reyn leh.

Kullu Caam Wa Antum Bikhayr!
كُلُّ عَامٍ وَأَنْتُمْ بِخَيْرٍ

Ciid Mubaarak!

Photos from Suudi Primary  and  Secondary School's post 20/05/2026

MACSALAMAYNTA DUFCADDA 2AAD EE FASALKA 8AAD
Sanad Dugsiyeedka 2025/2026

Waxaa sharaf noo ah inaan macsalameyno dufcadda 2aad ee fasalka 8aad. Waxaan hambalyo u direynaa dhammaan ardayda dadaalka iyo guusha ay gaareen.

Waxaan idin rajaynaynaa guul iyo natiijo wanaagsan imtixaanka dowladda, iyo mustaqbal ifaya.

20/05/2026

Waxaa si habsami leh maanta oo taariikhdu tahay 20/05/2026 uga dhacay Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Suudi tartanka cilmiyeedka sanad dugsiyeedka 2025–2026.

Tartanka maanta oo ahaa mid aad u xiiso badan isla markaana ay ku tartamayeen Fasalka 6aad (A) iyo Fasalka 5aad, ayaa ugu dambeyn fasalka 5aad waxay si rasmi ah isaga xaadiriyeen Final-ka tartanka aqooneedka.

Fasalka 5aad ayaa muujiyay dadaal iyo tartan heer sare ah, iyagoo helay 14 dhibcood, halka Fasalka 6aad (A) ay heleen 12 dhibcood.

kulanka finalka tartanka waxaa wada tartami doonaan fasalada kala ah fasalka 7aad(A) iyo fasalka 5aad insha allah

Waxaan bogaadinaynaa dhammaan ardayda ka qeybgashay tartanka sida wanaagsan, anshaxa iyo dadaalka ay muujiyeen. Sidoo kale waxaan u rajeyneynaa guul iyo horumar labada fasal ee isu soo baxay Final-ka tartanka aqooneedka.

19/05/2026

Qaar Ka mid ah Ardayda Dugsiga Suudi

13/05/2026

Waxaa si habsami leh maanta oo taariikhdu tahay 13/05/2026 uga dhacay dugsiga tartan cilmiyeedka ee u dhexeeyey fasalada dugsiga hoose/dhexe iyo sare ee Suudi (Sanad Dugsiyeedka 2025–2026).

Tartanka maanta oo ahaa Semi Final aad u xiiso badan, isla markaana ay ku tartameen Fasalka 7aad (A) iyo Fasalka 6aad (B), ayaa waxa ay guushu raacday geesiyaasha Fasalka 7aad (A) oo ku guuleystay 18 dhibcood, halka Fasalka 6aad (B) ay heleen 16 dhibcood.

Waxaan bogaadinaynaa labada fasalba dadaalkii, tartankii wanaagsanaa iyo akhlaaqdii heerka sare ahayd ee ay muujiyeen intii uu tartanku socday. Guusha Fasalka 7aad (A) waa mid farxad iyo sharaf u soo hoyisay guud ahaan bahda dugsiga Suudi.

13/05/2026

Waxaa si habsami leh maanta xarunta dugsiga Suudi uga socda diyaar garowga tartan cilmiyeedka kulanka Semi Final-ka ee u dhexeeya fasalada dugsiga hoose/dhexe iyo sare, kaas oo qayb ka ah tartamada sanad dugsiyeedka 2025–2026.
Tartanka maanta oo la filayo inuu noqdo mid aad u xiiso badan ayaa waxa foodda isku dari doona Fasalka 7aad (A) iyo Fasalka 6aad (B), iyadoo labada fasalba ay muujinayaan diyaar garow iyo kalsooni sare.
Bahda dugsiga Suudi waxay dhammaan ardayda u rajaynayaan guul, tartan hufan iyo is ixtiraam wanaagsan.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Daaru Nicma
Mogadishu
252