Alamtara

Alamtara

Share

Empowering Somali youth with digital skills & entrepreneurship. Join us at Alamtara Institute to unlock your potential and shape the future.

Alamtara Institute is dedicated to transforming the future of Somalia's youth by addressing the critical challenges of high unemployment and entrepreneurial hurdles. With a focus on digital empowerment and fostering an entrepreneurial spirit, we aim to equip young Somalis with the skills needed for the digital age. Our mission is to nurture job creators, not just job seekers, by providing them wit

Photos from Alamtara's post 22/06/2026

Galabta waxaa noo bilowday Xiisaddeennii Mobile Journalism ka taasoo uu bixinayey Ustaad Ayub Kahil .

Xiisaadan waxaa lagu qaadan doonaa sida muuqaallo loogu sameeyo moobayllada casriga ah ee gacanta waxayna ardayda ka caawin doontaa inay si degdeg ah oo sahlan u sameeyaan muuqaallo xiiso badan.

Photos from Alamtara's post 20/06/2026

Galabta waxaan si guul ah noogu soo dhaamaaday kulan ay Ustaad Caato, Xabiiba, Xamaraawi & Shaafici ay khibradooda Film Sameynta kula wadaagayeen arydayda Barnaamijka Alam Fellowship.

Martidu waxay la wadaageen ardayda aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin sheeko-qorista, soo saarista filimada, iyo sida fikrad hal-abuur leh loogu beddelo filim saameyn leh oo daawadayaasha xiiso geliya.

Waxaan uga mahadcelinaynaa martida waqtigooda iyo ka qaybqaadashadooda qiimaha badan.

20/06/2026

Waxaa galabta marti inoo ah khubaro iyo hal-abuurayaal ku xeel dheer film sameynta si ay ula wadaagaan content creators-ka aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda ku saabsan soo saarista filimada, qorista sheekooyinka iyo hal-abuurka warbaahinta.

Martida maanta waxay ka hadli doonaan sida fikrad looga dhigo filim, muhiimadda sheeko-qorista iyo doorka ay filimadu ku leeyihiin kobcinta dhaqanka, wacyigelinta bulshada iyo horumarinta hal-abuurka Soomaaliyeed.

19/06/2026

Muuqaal guud oo soo koobaya xiisadihii toddobaadkan ee la xiriiray qaabka loo curiyo sheekooyinka aflaamta laga sameeyo, uuna bixinayay Ustaad Cabdulqaadir Shiiq Maxamed

Photos from Alamtara's post 18/06/2026

Maanta waxaa noo soo dhammaaday casharo la xiriira qaabka loo curiyo sheekooyinka aflaamta laga sameeyo waxaana bixinayey Ustaad Caato.

Ardaydu waxay barteen sida sheeko iyo qoraal ahaanba loogu muujiyo dareenka jilaaga si loo tusiyo daawadaha waxa ka dhex socda jilaayaasha.

Photos from Skill up's post 10/06/2026

Waxaan u mahadcelinaynaa bahda Skill up oo noo sameeyey Alam System oo ah mid shaqooyin badan noo fudaydinaya nagana taageeraya hawlaha maalinlaha ah ee Barnaamijka Alam Fellowship.

09/06/2026

79 maalmood ka hor ayay ahayd markii aan soo baahinnay barnaamijka Digital Creator in Somalia. Kadib, waxay ardaydu qaateen aasaasiyaad sheeko curinta ilaa iyo sida loo sameeyo Podcasting ka.

Wacay sidookale sameeyeen 53 muuqaal iyo 145 sheeko kuwaas oo gaaray 5 Milyan oo qof oo isugu bulshada qaybaheeda kala duwan.

Photos from Alamtara's post 08/06/2026

Kaliya ma qaadanno xiisado, ee waxaan wadaagnaa talooyin, tijaabooyin, talo-bixinno, su’aalo, jawaabo, soo-jeedino iyo fikrado asbuuc walba.

08/06/2026

La kulan Content Creators-kii xirfaddooda u beddelay lacag bishii May.

Muscab Abdirashid, Sumaya Abokar, Farhia Mohamud Ali, Hikma Abdi Mohamed iyo Alijabir Abdulkadir oo ah Content Creators ka mid ah Barnaamijka Alam Fellowship ee Building Digital Creators in Somalia, ayaa fursad u helay inay sameeyaan contents, curiyaan scripts, isla markaana duubaan muuqaallo. Taa oo barbiloow u aheyd billowgii ka sameynta lacag safarkooda Content Creation-ka.

Sidoo kale, waxaan u mahadcelineynaa Shirkadda Guluub oo fursaddaas u abuurtay Content Creators-ka.

08/06/2026

La kulan, Amina Omar Adam oo platform-ka Farsamo u noqotay Content Creator.

Aamina waa Content Creator kamid ah Barnaamijka Alam Fellowship ee Building Digital Creators in Somalia, waxayna kamid noqotay hawlwadeennada platform-ka Farsamo. Doorka Aamino ee Farsamo waa inay qorto, oo curiso scripts ka sidookalena ay duubto muuqaallada si adeegga shirkadda Farsamo bulshada u gaaro, iibkeeduna kor ugu kaco.

Hambalyo Aamina, mahadsanidin Farsamo doorashada aad doorateen Libaaxad Aamina.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Soobe
Mogadishu