Al-Fatxi primary and secondary school

Al-Fatxi primary and secondary school

Share

Alfatxi waa furaha aqoonta

18/06/2026

Ardayda fasalka 8aad oo uu maanta usoo geba geboobay imtixaanki shahaadiga ahaa ee Gobalka Banaadir ayaa ka hadlay imtixaanki usoo idlaaday iyo waxa ay rajeynayaan.

Sidoo kale qaar ka mid ah ardayda kale ee dugsiga ayaa ardayda farxadda la qeybsaday iyagoo u rajeeyey natiijo ay ku farxaan.

Dhammaanteen guul ayaan idiin rajeyneynaa.

Photos from Al-Fatxi primary and secondary school's post 18/06/2026

Waxaan halkaan hambalyo uga direynaa dhammaan ardayda fasalka 8aad gaar ahaan ardaydaydeenna oo maanta uu usoo idlaaday imtixaanki shahaadiga ahaa ee dugsiga dhexe ee uu qaadayey Maamulka Gobalka Banaadir.

Kadib muddo 10 bilood ah, oo ay ku jireen soo jeed, fikir iyo dadaal faro badan, ugu danbeyn maanta ayuu soo dhammaaday dadaalki iyo juhdigi ku aadanaa imtixaanka, balse markaan waxaa soo haray fikirki oo ku aaddan natiijada imtixaanka, waxaan Eebbe weyne uga baryeynaa ardayda in uu ku guuleeyo dadaalkoodi iyo juhdigi ay soo bixinayeen muddadaa, farxadda inta ka dhimanna ay u dhameystiranto.

Guul aad ku faraxdaan ayaan idiin rajeyneynaa dhammaan ardayda ka qeyb gashay imtixaanka.

Photos from Al-Fatxi primary and secondary school's post 14/06/2026

SAWIRRO QEYBTA 2aad: munaasabaddi sagootinta form four iyo class8.

Photos from Al-Fatxi primary and secondary school's post 13/06/2026

SAWIRRO qeybta 1aad: xafladda sagootinta fasallada form four iyo 8aad.

10/06/2026

Muuqaal soo koobaya munaasabaddi gebagebada tartan aqooneedka dugsiga 2025-2026 oo ay ku guuleysteen fasalka form three 🏆🥇.

Photos from Al-Fatxi primary and secondary school's post 10/06/2026

Waxaa maalinnimadii shalay aheyd oo taariikhdu ku asteysneed 09-06-2026 si rasmi ah loosoo gebagebeeyey tartan aqooneedki sanadlaha ahaa ee dugsiga.

Waxaa k**a danbeysta tartanka isku arkay fasalka form three oo metelayey qeybta subaxleyda iyo fasalka 6aad oo ka socday dhanka galableyda, tartanka oo ay usoo daawasho tageen ardayda qeybaha kala duwan ee dugsiga iyo asxaabtooda oo si xiiso iyo xamaasad leh ku bilowday ayey labda fasalka soo bandhigeen aqoon iyo dadaal dheeri ah, iyadoo qeybti h**e ee tartanka la is mari waayey laguna kala nastay bareejo 12-12 ah, iyadoo fasalladu min hal su'aal qaldeen, min 6 su'aalna saxeen, laakiin qeybtii danbe ee tartanka ayey fasalka form three u suura gashay in ay ka faa'iideystaan su'aal kasoo fakatay fasalka 5aad taas oo dhaxalsiiyey in ay noqdaan horyaalka aqoonta ee sanad dusgiyeedka 2025-2026.

Fasalka form three ayaa sanadkaan wacdaro ka dhigay dhammaanba tartamadi dugsiga oo ay ku wada guuleysteen sida; tartan aqooneedka dugsiga, tartanki kubadda cagta, tartanka guddiga ardayda dugsiga, oo ay kusoo wada baxeen gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa.

Hambalyo fasalka form three oo muujiyey karti, dadaal, aqoon iyo isku xirnaan dheeri ah taas oo gaarsiisay guulahaan isku sidkan.

Congratulations, champions of Alfatxi 2025-2026🎉👏

Photos from Al-Fatxi primary and secondary school's post 05/06/2026

WAXAA LASOO GEBAGEBEEYEY TARTAN AQOONEEDKA DUGSIGA QEYBTA SUBAXLEYDA, 2025-2026.

waxaa k**a danbeysta tartan aqooneedka dugsiga qeybta subaxleyda ku kulmay labada fasal ee form three iyo dhiggooda form one iyadoo labada fasal ay soo bandhigeen aqoon iyo dadaal dheeri ah, labada fasal oo midba mar hoggaanka u qabanayey tartanka ayaa ugu danbeyn fasalka form three waxaa u suurta gashay in ay ku guuleystaan loollanka, ugu danbeyna waxay guushu dhankooda ku raacday natiijo 4-0 ah (14-18).

Fasalka form three iyo dhiggooda fasalka 6aad ee qeybta galableyda ayaa isku fara saari doona k**a danbeysta guud ee tartan aqooneedka dugsiga Alfatxi 2025-2026. Fasalka ku guuleysta tartanka wuxuu heli doono abaal marinno qaali ah.

Labada fasalba waxaan kula dardaarmeynaa diyaar garow iyo dadaal dheeri ah, waxaana u rajeyneynaa nasiib wacan.

27/05/2026

Waxaan halkaan hambalyo ku aaddan maalmaha farxadeed ee Ciidul Adxaa uga direynaa dhammaan ummadda muslimiinta ah, gaar ahaanna ummadda soomaaliyeed oo aan leenahay ku ciid farxad, nabad iyo xasilooni. Allaha naga dhigo kuwi sanadkaan kiisa kale ku gaara nabad nabad iyo caafimaad.

تقبل الله منا و منكم، علينا وعليكم.


Photos from Al-Fatxi primary and secondary school's post 23/05/2026

---K**A DANBEYSTA TARTAN AQOONEEDKA DUGSIGA, QEYBTA GALABLEYDA---

Waxaa lasoo gebagebeeyey tartan aqooneedka dugsiga qeybta galableyda oo ay k**a dambeystiisa isku arkeen fasallada 6aad iyo 5aad(B).

Fasalka 6aad ayaan dhiggiisa 5aad(B) uga badiyey farqi 1-0 ahaa, iyadoona fasalka 6aad ay iska xaadidiyeen k**a danbeysta tartan aqooneedka qeybaha guud ee dugsiga iyagoo sugi doona fasalka kasoo baxa qeybta subaxleyda oo ay wada ciyaari doonaan finalka tartan aqooneedka dugsiga.

Hambalyo fasalka 6aad.



19/05/2026

Waxaa heer gebgebo ah soo gaaray tartan aqooneedki dugsiga ee sanad dugsiyeedkaan 2025/2026 ee qeybta subaxleyda, waxaana afar dhammaadka (semi-final) tartanka iskugusoo haray 4 fasal oo kala ah form three, form two, form one iyo fasalka 7aad ee dugsiga dhexe.

Waxaa maalinta berrito ah oo taariikhdu ku beegan tahay 20ka bishaan May wada ciyaari doona fasallada form three iyo 7aad, iyadoo sidoo kale fasallada form two iyo form one ay wada ciyaari doonaan kulanka ugu danbeeya afar dhammaadka, 25ka bishaan oo ku beegan maalinnimo isniin ah. Waxaana k**a danbeysta tartanka qeybta subaxdi isku arki doona labadi fasalka ee kasoo gudba wareeggaan alle idamkiis.

Waxaan dhammaan fasallada isusoo haray u rajeyneynaa nasiib wacan iyo tartan qurux badan.




Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Jacfar Street
Mogadishu
DEYNIILE