Gallayr Students Union

Gallayr Students Union

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Gallayr Students Union, Education, Mogadishu.

This is the official page of the Gallayr Students Union | Bogga rasmiga ah ee Midowga ardeyda dugsiga Gallayr | Waa Matalayaasha Ardeyda Gallayr Primary And Secondary School.

Photos from Gallayr Primary & Secondary School's post 20/06/2026

Hambalyo grade 3

Photos from Gallayr Primary & Secondary School's post 13/06/2026

Midowga Ardeyda Dugsiga Gallayr waxay hambalyo iyo bogaadin diirran u direyaan Guuleystayaasha Tartan-Aqooneedka Dugsiga Gallayr ee Sannad-dugsiyeedka 2025–2026.

Sidoo kale, waxaan bogaadinaynaa dhammaan fasalladii ka qaybgalay tartanka, kuwaas oo soo bandhigay tartan hufan, anshax wanaagsan, iyo ruux iskaashi oo mudan in lagu daydo.

Tartan-Aqooneedku ma aha oo keliya koob la qaado, balse waa madal lagu kobciyo aqoonta, kalsoonida, iyo tartanka wanaagsan ee ardayda.
Waxaan mahadnaq gaar ah u jeedinaynaa maamulka dugsiga, macallimiinta, guddiyada qabanqaabada, iyo dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta iyo guusha tartankan qiimaha badan.

Photos from Gallayr Primary & Secondary School's post 03/06/2026

Tartanku waxaa saldhig u ah xoojinta midnimada ardeyda, kobcinta aqoontooda iyo dhiirrigelinta tartan waxbarasho oo tayo leh.

30/05/2026

Midowga Ardayda Dugsiga Gallayr Primary & Secondary School wuxuu guul, horumar iyo natiijooyin sare u rajeynayaa dhammaan ardayda Fasalka 8-aad ee Dugsiga Gallayr.

Waxaan idiin rajeynaynaa inaad ku guuleysataan dadaalkiinna, kuna gaartaan heerar sare oo aqooneed. Alle ha idiin fududeeyo imtixaanka, hana idinka dhigo kuwii natiijooyin wanaagsan la yimaada.

𝗦𝗵𝗮𝗮𝗰𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗝𝗮𝗱𝘄𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗜𝗺𝘁𝗶𝘅𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗦𝗵𝗮𝗵𝗮𝗮𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗲𝗲 𝗙𝗮𝘀𝗮𝗹𝗸𝗮 𝟴-𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 𝗦𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱-𝗱𝘂𝗴𝘀𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 𝟮𝟬𝟮𝟱/𝟮𝟬𝟮𝟲

Dhammaan Ardeyda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda Dugsiga Gallayr Primary & Secondary School, waxaa u rajeynaynaa guul, horumar iyo natiijooyin wanaagsan. Dadaalkii, diyaar-garowgii iyo juhdigii ay muujiyeen ardaydu waxaan rajeyneynaa inuu miro dhalo, kuna gaaraan himilooyinkooda waxbarasho

29/05/2026

Isku soo laabasho wanaagsan

Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan ardayda, macallimiinta iyo waalidiinta in dib loo bilaabi doono waxbarashada iskuulka Gallayr Primary & Secondary School Maalinta Axadda ah, 31-da May 2026.

Sidaas darteed, waxaa laga codsanayaa ardayda inay waqtigooda ilaashadaan islamarkaana si buuxda ugu diyaar garoobaan casharrada iyo imtixaannada soo socda.

26/05/2026

Ardeydeenna dadaalka, juhdiga iyo hamiga waxbarasho ku jira waxaan u rajeyneynaa guul iyo mustaqbal ifaya. Alle ha u fududeeyo waxbarashadooda, hana ka dhigo kuwo dalkooda, dadkooda, iyo diintooda anfaca.

🎉 Ciid Mubaarak
كل عام وأنتم بخير ✨

Ummadda Muslimiinta ah iyo Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, waxaan u direynaa hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxaa.

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu naga aqbalo acmaasha suuban, dalkeenna iyo dhammaan dunida Muslimka ahna ku manneysto nabad, barwaaqo, midnimo, iyo horumar.

Si gaar ah, ardeydeenna Gallayr Primary & Secondary School dadaalka, juhdiga iyo hamiga waxbarasho ku jira waxaan u rajeyneynaa guul iyo mustaqbal ifaya. Alle ha u fududeeyo waxbarashadooda, hana ka dhigo kuwo dalkooda, dadkooda, iyo diintooda anfaca.

🎉 Ciid Mubaarak
كل عام وأنتم بخير ✨

22/05/2026

Fasax maalmaha Ciidul-Adhxaa.

Gallayr Primary & Secondary School

Photos from Gallayr Primary & Secondary School's post 21/05/2026

Waxaa Farxadda iyo Hamblyada la wadaageynaa Fasallada 7-aad iyo 8-aad oo soo gaaray Semi-Final Tartanka, waxaana si gaar ah Hamblyo ugu direynaa ardayda Fasalka 8-aad oo iska xaadiriyey Final-ka Tartan Aqooneedka.

Photos from Gallayr Primary & Secondary School's post 21/05/2026

Guul ayaan u rajeynaynaa dhammaan ardeydeena Fasalka 8-aad oo diyaar-garow ugu jira Imtixaanka Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir Sannad-dugsiyeedka 2025/26.

21/05/2026

Waxaa dhammaan Ardeydeena Gallayr Primary & Secondary School Fasalka Form-4 ee Dugsiga Sare u rajeynaynaa guul iyo natiijo sare

Wasaaradda Waxbarashada, waxa ay halkan ku shaacineysaa Jadwalka rasmiga ah ee lagu gali doono Imtixaanka Qaranka 2026

Wixii faahfaahin kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta
Abdiaziz Wali
[email protected]

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Mogadishu