17/06/2026
Wargalin 🗣
Dhamaan Waalidiinta , Ardayda Dugsiga AL-Furaat Model Primary & Secondary Schools idinku wargalineynaa Lagu galaayo Imtixaanka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare
Xarunta 1aad : Jaamacadda Muqdishu ( Xoosh)
Xarunta 2aad : Jaamacadda Ummadda ( Gaheyr)
Xarunta 3aad : Jaamacadda Benaadir ( Proff Cadow 1 )
Xarunta 4aad : Jaamacadda Benaadir ( Proff Cadow 2 )
Xarunta 5aad : Jaamacadda Hormuud ( Banaadir )
Xarunta 6aad : Jaamacadda Plasma 1 (Banaadir )
Xarunta 7aad : Jaamacadda Jaziira 1 ( Banaadir )
Waxaan idin rajeyneynaa guud ahaan Ardayda Soomaaliyeed gaar ahaan ardayda dugsiga guul Iyo horumar waara
16/06/2026
Jiheyn Iyo Dardaaran Ku Aadan Dufcadda 8aad ee Taxanaha Dufcooyinka Dugsiga ee Ardayda Shahaadiga Fasalka 12aad
20-Juun- 2026 Ardayda gallidoona Imtixaanka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Ayaa Waxaa Soo Qabanqaabiyey Xafiiska Mu'asasadda Dugsiga AL-Furaat Model Primary & Secondary Schools Ayaa dhan walba kala hadlay Ardayda Imtixaanka Galeyso ee Fasalka 12aad
Waxaan idin rajeyneynaa Guul Iyo Reereyn
Midowga Ardayda Dugsiga AL-Furaat Model
16/06/2026
Maamulka sare ee Mu'asasada Dugsiga AL-Furaat Model Waxaan dhammaan ummadda Muslimiinta ah ugu hambalyaynaynaa curashada sannadka cusub ee Hijriyada 1448.
Curashada sannadka Hijriga ahi waa xusuus lama ilaawaan ah oo ku qotonta hijradii Nebi Muxammad (NNKH), safar taariikhi ah oo xambaarsan qiimaha iimaanka, adkaysiga, iyo rajo lagu raadinayo mustaqbal hagaagsan.
Ilaahay ha inooga yeelo sannadkan mid barwaaqo, nabad, iyo guulo waawayn u horseeda dalkeenna iyo guud ahaan ummadda Islaamka.
كل عام وأنتم بخير
14/06/2026
Jiheyn Iyo Dardaaran Ku Aadan Ardayda Shahaadiga Fasalka 8aad ee Berri gallidoona Imtixaanka Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir Ayaa Waxaa Soo Qabanqaabiyey Xafiiska Waxbarashada Dugsiga AL-Furaat Model Primary & Secondary Schools oo Ugu Horeeyo Agaasimaha Xafiiskaa Ayaa dhan walba kala hadlay Ardayda Imtixaanka Galaayo
Waxaan idin rajeyneynaa Guul Iyo Reereyn
Midowga Ardayda Dugsiga AL-Furaat Model
Kala Xiriir Xafiiska Waxbarasha Dugsiga
Agaasime Abdulaahi Hassan
877769 | 615173497 | 61 9536665
14/06/2026
Rasmi
Ogeysiis Muhiim ah Waxaan Si Rasmi ah u Shaacineynaa Imtixaanka Gabagabada (Final-Exam) Ee Fasalada Aan Shahaadiga Eheyn Ama (Naqliga )
Sanad-Dugsiyeedka 2025-2026 Ee Dugsiga AL-Furaat Model Primary & Secondary Schools
Midowga Ardayda Dugsiga AL-Furaat Model
Kala Xiriir Xafiiska Imtixaanka Dugsiga
Agaasime : Hussein Yusuf Mohamed Ibrahim
877769 | 618359250 | 61 9536665
13/06/2026
Muqdishu , 13 - June 2026 , Sabti
Maalinta 3aad Billaabashada Imtixaanka 4aad (Afaraad ) Sanad-Dugsiyeedka 2025 - 2026 Ee Imtixaan Shahaadiga ( Final - Examination ) Ayaa Saakay u Fariisatay Ardayda Fasalada 12aad Iyo 8aad Ayaa Ku Soo Dhamaaday Maalintiisa 2aad Jawi Deggen Waxaan Ardayda Imtixaanka Galeysa U Rajeyneynaa Innuu Alle U Fududeeyo Imtixaanka
AL-Furaat Model Primary & Secondary Schools
Midowga Ardayda Dugsiga AL-Furaat Model
Degmada Garas-baaley
DHAMMAAD
Kala Xiriir Wixii Faafaahin Dheeri Ah :
Hussein Yusuf Mohamed Ibrahim
Xafiiska Imtixaanaadka Dugsiga
0618359250 | 61 9536665 | 613569999
13/06/2026
Muqdishu , Juune 13, 2026 , Sabti
Xaflad heerkeedu sareeyo oo isugu jirto Abaalmarino Iyo Shahaado Sharaf looguna talagalay Ayaa lagu qabtay Xarunta 1aad ee Dugsiga AL-Furaat Model Primary & Secondary Schools .
Ujeedada Xafladda Ayaa Aheyd In Lagu Maamuuso Xulka Isboortiga Dugsiga Iyo Macallinkooda Ayadoo Markii ugu horeysay Tartan Caalami ah aay gaaraan Final
Xafladdaan waxaa soo qabanqaabiyey guddi -ga Isboortiga dugsiga
Ciyaartooyda Xulka Isboortiga dugsiga Iyo Macallinkooda Mahadsanid
Midowga Ardayda Dugsiga AL-Furaat Model
Kala Xiriir Xafiiska Isboortiga Iyo Hal Abuurka Dugsiga
Agaasime : Mohamed Abdullahi Abdi
61 9536665 | 615664246 | 877769
11/06/2026
Muqdishu , 11-June -2026 , Khamiis
Kulan isugu jira Qur'aan saarrid , Duco Iyo Dardaaran Ayaa Lagu Qabtay Xarunta 1aad Ee Dugsiga AL-Furaat Model Primary & Secondary Schools .
Ujeedka Ayuu ahaa in Ardayda Shahaadiga Fasalada 12aad , 8aad ee U fariisanaya Sanad-Dugsiyeedka 2025-2026 ee Imtixaanka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Iyo Kan Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir Innuu Alle u fududeeyo Imtixaanka Ayna ka Gaaraan Guulo Wanaagsan
Waxaan Dhamaan Ardayda Soomaaliyeed u Rajeyneynaa Guul Iyo Natiijo Qurux Badan
Midowga Ardayda Dugsiga AL-Furaat Model
Degmada Garas-baaley