31/05/2026
SAWIRRO📸 MAALINTA 2AAD
Waxaa maalintiii 2aad sitoos uga daahfuray Dugsiga Mindigale imtixaanka shahaadiga ah ee dawladda puntland sanad-dugsiyeedka 2025-2026. Kusimaha agaasimaha guud Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta Sare ee dawladda puntland, Mudane Mohamed Abdiaziz Qaalib iyo Gudoonka waxbarashada Degmada Badhan.
Maamulka dugsiga iyo madaxda wasaaradda waxbarashada ayaa ardayda kula dardaarmay inay si fiican uga faa'iideystaan maalmaha uharay iyo maaddooyinka uharayba.
30/05/2026
SAWIRRO📸 QAYBTA 1AAD
IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE FASALLADA 8AAD EE DUGSIGA DHEXE IYO 4AAD EE DUGSIGA SARE EE PUNTLAND.
30ka Maajo 2026 waxaa si rasmi ah uga bilawday dugsiga Mindigale imtixaanka shahaadiga ah Fasalka 8aad dugsiga dhexe iyo 4aad ee Dugsiga Sare. Dhammaan ardayda puntland, gaar ardayda Dugsiga Mindigale waxaan urajaynayaa in alle u sahlo imtixaanka, ugana dhigo mid ay ka helaan natiijo sarraysa oo ay ku farxaan iyaga iyo waalidiintooduba.
Maamulku dugsigu wuxuu kula dardaarmayaa ardayda qodobadan;
1. Inay xilli h**e soo xaadiraan dugsiga.
2. In aanu ardaygu soo ilaawin ID card kiisa.
3. In aanu kasoo tegin dharka dugsiga.
4. Inuu soo qaato agabka imtixaanka sida; Qalmaanta, Tirtiraha iwm.
5. In ay iska hubiyaan hanaanka iyo xogta lagu qorayo warqadda sida; magaca, Rool lambarka, Iskuulka iwm.
F.G: xarunta dugsiga Mindigale waxaa imtixaanka kuwada gelaya;
Mindigale F4✅️
Cawsane 8aad✅️
Mindigale 8aad✅️
19/05/2026
📸SAWIRO📸
IMTIXAANKA KALKA 2AAD EE SANAD-DUGSIYEEDKA 2025-2026.
............. ..................... ..................
waxaa maalintii 4aad si Rasmi ah uga socda Dugsiga Mindigale Imtixaanka kalka labaad ee sanad-dugsiyeedka 2025-2026. Gaar ahaan Qaybta dugsiga Dhexe iyo Sare kaas oo soo bilaabmay 16/May/2026.
Dhammaan ardayda imtixaanka kujirta waxaan urajaynaynaa Derajo sarraysa iyo Natiijo qurux badan oo farxad gelisa dhammaantood.
Xafiiska warfaafinta dugsiga MPSS ✏️✏️📸
📸Mr koronto.
12/05/2026
📣📣JADWALKA IMTIXAANKA NAQLIGA AH EE DUGSIGA. 📣📣
FIIRO GAAR: JADWALKU WAA DUGSIGA DHEXE IYO SARE OO KELIYA.
Xafiiska warfaafinta dugsiga H.DH.S.M ✏️✏️
10/05/2026
📸SAWIRRO DUGSIGA HOOSE📸 QAYBTA 1AAD:
BILAABASHADA IMTIXAANKA KALKA 2AAD EE SANAD-DUGSIYEEDKA 2025-2026.
............... ................... ................
Sabti; 9th May, 2026 waxaa si rasmi ubilaabmay imtixaanka Naqliga ah ee sanad-dugsiyeedka 2025-2026 ee dugsiga Mindigale gaar ahaan qaybta Dugsiga Hoose.
23/04/2026
😭TACSI😭 😭TACSI😭 😭TACSI😭
inaalilaahi wa inaa ilahi raajicuun😭
Maamulka dugsiga hoose/dhexe iyo Sare Ee Mindigale Wuxuu tacsi tiiraanyo leh udirayaa Macallin: Cabdixakiim Maxamed Muuse oo uu Aabbihii MAXAMED MUUSE saaka ku geeriyoodey magaalada Boorama.
Waxaan leenahay guud ahaan qoyska gaar ahaan macalin Cabdixakiim ilaahy swt samir iyo iimaan ha idinka siiyo marxuum isagana rabi janooyinkiisa haku isaaqo🤲🤲🤲🤲.
Aammiiin aaamiiin aaaamiiin😭
15/03/2026
📢📢OGAYSIIS DHAMMAAN ARDAYDA;
Maamulka dugsigu wuxuu ku wargelinayaa dhammaan ardayda qaybaheeda kala duwan in imtixaan bileedkii 1aad ee kalka 2aad sanad-dugsiyeedka 2025-2026 uu rasmi ah bilowday saaka; 15 Maarso 2026.
Sidaa darteed arday walba waxaa lagula dardaarmayaa inuu labo-jibbaaro dedaalkiisa maalmaha imtixaanka.