23/06/2026
𝗧𝗔𝗥𝗧𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗔𝗤𝗢𝗢𝗡𝗘𝗘𝗗𝗞𝗔 𝗚𝗔𝗟𝗔𝗕𝗟𝗘𝗬 2025–2026
AL-NAJAH PRIMARY & SECONDARY SCHOOL (3) waxaa maanta oo Talaado ah, taariikhduna tahay 23 Juun 2026, kuna beegan 08 Muxarram 1448H, lagu qabtay Tartankii Aqooneedka Galinka Dambe ee (Galab) Sannad-dugsiyeedka 2025–2026. Tartankan oo ahaa kulan saaxiibtinimo ayaa si heer sare ah u qabsoomay, waxaana ka muuqatay xamaasad, tartan hufan iyo is-dhexgal aqooneed oo wanaagsan.
𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐢𝐬𝐚𝐠𝐚 𝐡𝐨𝐫 𝐲𝐢𝐦𝐢𝐝:
• 𝑭𝒂𝒔𝒂𝒍𝒌𝒂 7-aad (A) 16 Dhibcood
• 𝑭𝒂𝒔𝒂𝒌𝒂 7-aad (B) 14 Dhibcood
Guusha tartanka waxaa ku guuleystay Fasalka 7-aad (A), kaddib markii ay soo bandhigeen dadaal, feejignaan iyo aqoon heer sare ah intii uu socday tartanku.
Maamulka Dugsigu waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa labada fasal ee ka qaybgalay tartanka, gaar ahaan 𝐅𝐚𝐬𝐚𝐥𝐤𝐚 7-aad (A) oo ku guuleystay tartanka. Sidoo kale, waxa uu ku dhiirrigelinayaa dhammaan ardayda inay sii laba-jibbaaraan dadaalkooda waxbarasho, kana qayb qaataan tartamada aqooneed ee kor u qaada garaadkooda, hal-abuurkooda iyo kalsoonidooda.
Ugu dambayn, waxaan dhammaan ardayda u rajaynaynaa guul, horumar iyo mustaqbal ifaya.
22/06/2026
𝐒𝐇𝐀𝐀𝐂𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐉𝐀𝐃𝐖𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐈𝐌𝐓𝐈𝐗𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀
Jadwalka Imtixaanka Nihaa'iga ah ee S.D 2025-2026.
Waxaan ardayda u rajaynaynaa guul iyo heer sare. Alle ha u fududeeyo imtixaankooda.
20/06/2026
𝗞𝗨: 𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗡 𝗔𝗥𝗗𝗔𝗬𝗗𝗔 𝗗𝗨𝗚𝗦𝗜𝗬𝗔𝗗𝗔 𝗔𝗟-𝗡𝗔𝗝𝗔𝗔𝗫
𝗨𝗝: 𝗢𝗚𝗘𝗬𝗦𝗜𝗜𝗦 𝗠𝗨𝗛𝗜𝗜𝗠 𝗔𝗛
Waxaa lagu wargelinayaa Dhammaan Ardayda Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare ee Al-Najaax in Imtixaanka Dhammaadka (Nihaa’iga) ee Sanad-dugsiyeedka 2025–2026 uu bilaaban doono maalinta Sabtida, taariikhdu tahay 27-Juun-2026, kuna beegan 12-Sako-1448H, waxa uu dhammaan doonaa maalinta Sabtida, taariikhdu tahay 04/07/2026, kuna beegan 19-Sako-1448H.
𝐍𝐈𝐃𝐀𝐀𝐌𝐊𝐀 𝐈𝐌𝐓𝐈𝐗𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀:
▪︎ Arday kasta waa in uu ogaadaa in labada maado ee maalintii loo geli doono si wadajir ah.
▪︎ Ardaygii aan soo xiran labiska rasmiga ah ee dugsiga (Uniform) looma oggolaan doono inuu galo imtixaanka.
▪︎ Ardaygii soo qaata telefoonka casriga ah (Smart Phone) looma oggolaan doono inuu galo imtixaanka.
▪︎ Ardaygii lagu qabto wax kasta oo ka hor imanaya shuruucda iyo nidaamka imtixaanka, waxaa lagu qaadayaa tallaabada ku habboon.
𝖣𝖧𝖠𝖬𝖬𝖠𝖠𝖣
Wixii faahfaahin ah, Fadlan kala xiriir:
Email: E.me/[email protected]
Facebook: AL-NAJAH PRIMARY & SECONDARY SCHOOL
Messenger: m.me/Alnajahschool2009
Whats App: wa.me/612266647
Tiktok: Tiktok.me/al.najahschool_2009
Tel: Tel.me/252615930995/615191931/615523209
19/06/2026
𝐀𝐅𝐌𝐄𝐄𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐈𝐌𝐓𝐈𝐗𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐒𝐇𝐀𝐇𝐀𝐀𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐇
AL-NAJAH PRIMARY & SECONDARY SCHOOL waxa uu hambalyo, bogaadin iyo duco u dirayaa Dhammaan Ardayda Fasalka 8-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025–2026, oo si guul leh u soo afmeermay Imtixaanka Shahaadiga ah ee uu qaaday Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir.
Imtixaanka ayaa u bilowday maalintii Isniinta, 15-ka Juun 2026, kuna beegnayd 29-ka Carafo 1447H, waxaana uu soo dhammaaday maalintii Khamiista, 18-ka Juun 2026, kuna beegnayd 3-da Muxarram 1448H.
Mahad iyo Ammaan oo dhan Alle SWT ayay u sugnaadeen, oo ugu soo dhammeeyay si nabad ah, habsami leh, isla markaana ku qabsoomay jawi deggan oo ay ka muuqatay wada-shaqayn, isfaham iyo masuuliyad sare.
Ugu dambayn, waxaan Alle SWT uga baryaynaa inuu ardayda ku abaalmariyo dadaalkoodii, kuna mannaysto guul iyo natiijooyin wanaagsan. Sidoo kale, waxaan Eebbe uga rajaynaynaa inuu u fududeeyo marxaladaha waxbarasho ee u soo socda, kana dhigo kuwo dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba anfaca, kana mid noqda jiilka horseeda horumarka, aqoonta iyo wanaagga bulshada.
Guul iyo Mustaqbal Wanaagsan.
19/06/2026
𝗦 𝗛 𝗔 𝗔 𝗖 𝗜 𝗡 𝗧 𝗔 𝗡 𝗔 𝗧 𝗜 𝗜 𝗝 𝗔 𝗗 𝗔 𝗜 𝗠 𝗧 𝗜 𝗫 𝗔 𝗔 𝗡 𝗞 𝗔
TOBANKA ARDAY EE KU GUULEYSATAY KAALIMAHA UGU HORREEYA IMTIXAANKA BILLEEDKA 2-AAD EE LAAMAHA 2 & 3-AAD, SANAD-DUGSIYEEDKA: 2025-2026.
19/06/2026
𝗔𝗙𝗠𝗘𝗘𝗥𝗜𝗗𝗗𝗔 𝗜𝗠𝗧𝗜𝗫𝗔𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗕𝗔𝗥𝗔𝗧𝗔𝗠𝗔𝗛𝗔, 2025–2026
AL-NAJAH PRIMARY & SECONDARY SCHOOL (3), qaybtiisa Khamiista iyo Jimcaha, waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyey Imtixaanka Baratamaha ee sannad-dugsiyeedka 2025–2026, kaas oo maalintii Khamiista, taariikhduna ahayd 18-Juun-2026, kuna beegnayd 03-Muxaram-1448.
Waxa uu si rasmi ah u soo gabagaboobay maanta oo Jimco ah, taariikhduna tahay 19-Juun-2026, kuna beegan 04-Muxaram-1448.
Imtixaanku waxa uu ku dhammaaday si habsami leh, nidaamsan, isla markaana waafaqsan xeerarka iyo habraacyada imtixaannada.
Ugu dambayn, maamulka qaybtu waxa uu u rajaynayaa dhammaan ardayda guul, horumar wanaagsan iyo natiijo ay ku farxaan.
𝐃𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐝
16/06/2026
𝐇𝐀𝐌𝐁𝐀𝐋𝐘𝐎 𝐒𝐀𝐍𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁 𝐄𝐄 1448 𝐇
AL-NAJAH PRIMARY & SECONDARY SCHOOL Waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dhammaan Muslimiinta caalamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo bahda weyn ee Al-Najaax, munaasabadda curashada Sanadka Cusub ee 1448 Hijriga.
Sannadka Hijriga waxa uu ka bilaabmaa bisha Muxarram, waana taariikhda ay Muslimiintu ku xisaabtamaan jadwalkooda Islaamiga ah. Hijrigu waxa uu xusuusinayaa dhacdadii weynayd ee uu Nebi Muxamed (NNKH) kaga hijrooday magaalada Makka una guuray magaalada Madiina, taas oo ahayd bilowgii dhismaha dawladdii Islaamka iyo fiditaankii diinta Islaamka.
Munaasabaddan qiimaha badan awgeed, waxaan Alle (SWT) ka baryaynaa inuu sannadkan cusub ka dhigo mid kheyr, barwaaqo, nabad, caafimaad iyo horumar u horseeda ummadda Islaamka guud ahaan, gaar ahaanna shacabka Soomaaliyeed.
Sanad Hijriyeed Cusub oo Barakaysan 1448H.
09/06/2026
𝐅𝐀𝐑𝐈𝐈𝐍 𝐖𝐀𝐂𝐘𝐈𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍 𝐀𝐇
AL-NAJAH PRIMARY & SECONDARY SCHOOL Waxa uu ku wargelinayaa Ardayda Fasalka 8-aad in Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir uu soo saaray fariimo wacyigelin ah oo la xiriira imtixaanka shahaadiga ah.
Waxaa la farayaa Ardayda inay si wanaagsan u qaataan wacyigelinta la xiriirta imtixaanka, gaar ahaan waxyaabaha loo oggol yahay inay imtixaanka la yimaadaan iyo kuwa gebi ahaanba ka reeban.
Sidoo kale, waxaa la gudboon ardayda inay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan imtixaanka, isla markaana ilaaliyaan nidaamka iyo anshaxa goobta imtixaanka.
Guul iyo Nasiib wacan Dhammaan Ardayda Fasalka 8-aad.
05/06/2026
𝗪𝗔𝗥𝗚𝗘𝗟𝗜𝗡 𝗠𝗨𝗛𝗜𝗜𝗠 𝗔𝗛
AL-NAJAH PRIMARY & SECONDARY SCHOOL laamihiisa kala duwan waxa uu ku wargelinayaa dhammaan ardayda Fasalka 8-aad ee sanad-dugsiyeedka 2025–2026 in Imtixaanka Shahaadiga ah ee uu qaadayo Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ay ku kala geli doonaan goobaha hoos ku xusan:
🔹 𝐀𝐥-𝐍𝐚𝐣𝐚𝐚𝐱 𝐖𝐚𝐫𝐭𝐚-𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 (1): Jaamacadda Daha
🔹 𝐀𝐥-𝐍𝐚𝐣𝐚𝐚𝐱 𝐆𝐮𝐛𝐭𝐚 (2): Jaamacadda Soomaaliya (Bar Ubax-1)
🔹 𝐀𝐥-𝐍𝐚𝐣𝐚𝐚𝐱 𝐑𝐚𝐚𝐝𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 (3): Dugsiga SYL Digfeer
Waxaan dhammaan ardayda u rajaynaynaa guul, dadaal, iyo nasiib wacan inta ay ku guda jiraan imtixaankooda.
Guul iyo Gobannimo.