29/05/2026
🕌 QARNI ACADEMY 🕌
🌙 JUMCO MUBAARAK 🌙
Maamulka, Macallimiinta iyo Ardayda
Qarni Academy
waxay dhammaan Muslimiinta u rajeynayaan
Jimco barakeysan oo kheyr, caafimaad,
nabad iyo farxad leh. 🤍
📖 اللهم صل وسلم على نبينا محمد ﷺ
✨ Jimco wanaagsan dhammaantiin. ✨
26/05/2026
🌙✨ Ciidul Adxa Mubaarak ✨🌙
Waxaan dhammaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxa.
Alle ha naga aqbalo acmaasha wanaagsan, ducada, iyo cibaadada.
Ciiddaan ciideeda caafimaad, nabad, barwaaqo, iyo farxad ku gaara adiga iyo qoyskaaga. Sanadkaan sanadkiisa kale bashbash iyo kheyr Alle ha nagu gaarsiiyo. 🤍
🎉 Ciid Mubaarak 🎉
20/05/2026
🌍 World Metrology Day
📅 20 May
World Metrology Day waa maalin caalami ah oo lagu xuso muhiimadda cabbirka saxda ah (Metrology) ee nolosha aadanaha. Waxaa la xusaa sanad kasta 20-ka May si loo muujiyo doorka cabbirku ku leeyahay:
⚖️ Ganacsiga
🏥 Caafimaadka
🧪 Sayniska
🏭 Warshadaha
🌐 Teknoolojiyadda
Hal-ku-dheg muhiim ah:
“Measurements for all times, for all people.”
Cabbir sax ah wuxuu horseedaa:
1. Tayada wax soo saarka.
2. Badbaadada caafimaadka.
3. Horumarka cilmi-baarista.
4. Ganacsi cadaalad ah.
Hambalyo Maalinta Caalamiga ah ee Metrology-ga!
15/05/2026
🇸🇴 Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed – 15 May
15-ka May waa maalin muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada. Waa maalin lagu xuso doorka weyn ee dhalinyaradu ku leeyihiin horumarka, nabadda, waxbarashada, iyo mustaqbalka dalka.
✨ Muhiimadda Dhalinyarada
Dhalinyaradu waa laf-dhabarta bulshada. Waxay awood u leeyihiin:
1. Inay hormariyaan dalka.
2. Inay abuuraan hal-abuur iyo shaqooyin cusub
3. Inay ka qeyb qaataan nabadda iyo midnimada
4. Inay noqdaan hoggaamiyeyaasha berri.
📚 Fariin ku socota Dhalinyarada Soomaaliyeed:-
1. Ku dadaala waxbarashada iyo aqoonta.
2. Ka fogow qabyaaladda, mukhaadaraadka, iyo ficillada waxyeellada leh.
3. Xooji midnimada iyo wadajirka bulshada.
4. Ka faa’iideysta tiknoolajiyada iyo xirfadaha casriga ah.
5. Noqda kuwo dalkooda u adeegaya si daacadnimo leh.
🌍 Halku-dheg
“Dhalinyaro aqoon leh waa iftiinka iyo rajada Soomaaliya.”
🎉 Hambalyo
Hambalyo dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Alle ha idinka dhigo kuwo dalkooda iyo dadkooda anfaca. 🇸🇴
Qarni Academy
12/05/2026
🩺 Wacyigelin: Irritable Bowel Syndrome (IBS)
Irritable Bowel Syndrome waa cudur saameeya mindhicirada (caloosha gudaha), kaas oo sababa in calooshu si aan caadi ahayn u shaqeyso. IBS ma aha kansar, mana aha cudur halis ah oo mindhicirka burburiya, balse wuxuu keeni karaa raaxo-darro iyo nolol maalmeed oo adkaata.
⚠️ Calaamadaha IBS-ka
Qofka qaba IBS waxaa laga yaabaa inuu isku arko:
1. Calool xanuun ama qallooc (cramps).
2. Calool-fadhi ama shuban is beddelaya.
3. Gaas iyo barar caloosha ah.
4. Dareen ah in caloosha aysan si fiican u faaruqin.
5. Saxaro is bedbeddesha (adag mararka qaar, jilicsan mararka qaar).
🧠 Waxyaabaha kiciya IBS
IBS lama yaqaan sabab keliya, balse waxaa kicin kara:
1. Cadaadis (stress) iyo walbahaar.
2. Cuntooyinka qaar (basbaas, dufan badan, kafee).
3. Isbeddel ku yimaada nidaamka mindhicirka
4. Hurdo la’aan.
5. Dareen ama walbahaar nafsi ah.
🍽️ Sida loo maareeyo IBS
1. Cunto hagaajin:-
A. Ka fogow cuntooyinka kiciya.
B. Cun cunto fudud oo caloosha u roon.
C. Biyo badan cab.
2. Nolosha hagaaji:-
A. Yaree walbahaarka (stress management).
B. Samee jimicsi fudud.
C. Hurdo ku filan seexo.
3. Daawo iyo la-talin:-
Dhakhtar ayaa kuu qori kara daawooyin. xanuunka yareeya ama shubanka calooshu-fadhiga hagaajiya. Mararka qaar la-talin nafsi ah ayaa caawisa.
🚨 Goorta dhakhtar loo tago
Haddii aad isku aragto:-
1. Miisaan lumis aan la sharixi karin.
2. Saxaro dhiig leh.
3. Xanuun daran oo sii kordhaya.
4. Calaamado joogto ah oo nolosha saameeya.
💡 Gunaanad:-
IBS waa cudur la maareyn karo. Inkastoo uusan halis weyn ahayn, wuxuu u baahan yahay daryeel cunto, nolol caafimaad leh, iyo faham sax ah si loo yareeyo calaamadaha.
Qarni Academy
12/05/2026
🌍 International Nurses Day – Maalinta Caalamiga ah ee Kalkaaliyeyaasha
12-ka May sanad kasta waxaa dunida laga xusaa International Nurses Day, si loo maamuuso kaalinta weyn ee kalkaaliyeyaashu ku leeyihiin badbaadinta nolosha iyo horumarinta caafimaadka bulshada.
Kalkaaliyeyaashu waa laf-dhabarta adeegyada caafimaadka. Waxay habeen iyo maalin u taagan yihiin:
1. Daryeelka bukaannada.
2. La socodka xaaladaha caafimaad.
3. Taageeridda bukaanka iyo qoysaskooda.
4. Ka hortagga cudurrada iyo wacyigelinta bulshada.
Maalintani waxay sidoo kale ku beegan tahay dhalashadii Florence Nightingale oo loo yaqaan aas-aasaha kalkaalinta casriga ah.
👩⚕️ Farriin Mahadnaq ah
Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan kalkaaliyeyaasha dadaalkooda, samirkooda, iyo naxariista ay u muujiyaan bukaannada maalin kasta. Shaqadiinnu waa geesinimo iyo adeeg qiimo weyn leh.
🩺 Hal-ku-dheg
“Kalkaaliye wanaagsan wuxuu badbaadiyaa nolol, wuxuu kaloo abuuraa rajo.”
Qarni Academy
08/05/2026
Hantaviruses are zoonotic viruses that naturally infect rodents and can occasionally spread to people.
Here’s what you need to know: what they are, how they spread, the symptoms, and how to prevent infection. 🔗 bit.ly/4wgAha0
08/05/2026
🌍 World Red Cross and Red Crescent Day – 8 May
Maanta oo ah 8-da May, waxaa dunida laga xusaa World Red Cross and Red Crescent Day. Waa maalin lagu maamuuso dadaalka iyo naf-hurnimada shaqaalaha caafimaadka, samafalayaasha, iyo mutadawiciinta u taagan badbaadinta nolosha dadka dhibaataysan.
❤️ Hambalyo iyo Mahadnaq
Waxaan hambalyo u diraynaa dhammaan shaqaalaha iyo mutadawiciinta Red Cross iyo Red Crescent ee si hagar la’aan ah ugu adeegaya bulshada, gaar ahaan xilliyada musiibooyinka, dagaallada, iyo xaaladaha degdegga ah.
🤝 Wacyigelin
Red Cross iyo Red Crescent waxay ku dhisan yihiin mabaadi’da:
1. Bani’aadannimo.
2. Dhexdhexaadnimo.
3. Sinnaan.
4. Madaxbannaani.
5. Adeeg mutadawacnimo.
6. Midnimo.
✨ Fariin Muhiim ah
“Fal kasta oo naxariis leh wuxuu badbaadin karaa nolol. Aan wadajir ugu shaqeyno nabad, caafimaad, iyo bani’aadannimo.”
08/05/2026
🌙✨ Hambalyo Maalinta Jimcaha ✨🌙
Jimco Mubaarak dhammaan ummadda Muslimiinta. Alle ha inaga dhigo maalin kheyr, barako, cafis iyo ducada oo la aqbalo. 🤲❤️
“اللهم صل وسلم على نبينا محمد”
🕌 Jimcaha waa maalin fadli badan:
1. Salaadda Jimcaha ka qaybgal
2. Suuradda Al-Kahf akhri
3. Ducada badi
4. Nabiga ﷺ ku sali badan
Jimco wanaagsan iyo nasiino wacan. 🌸
07/05/2026
🦠 *WACYOGALIN: HANTAVIRUS* 🦠
Hantavirus waa fayras halis ah oo laga qaado jiirka duurjoogta ah. Fayraskani wuxuu sababi karaa xanuun sambabada ku dhaca oo loo yaqaan Hantavirus Pulmonary Syndrome (HPS).
🔹 *Sidee ayuu ku faafo?*
• Neefsashada boodh ama hawada ay ku jiraan saxarada, kaadida, ama candhuufta jiirka.
• Taabashada meelaha uu jiirku ku noolaa.
• Cunista cunto wasakhowday.
🔹 *Calaamadaha lagu garto:*
🤒 Qandho
🤕 Madax xanuun
💪 Murqo xanuun
😮💨 Qufac iyo neef qabatin
😷 Neefsashada oo dhibta
🔹 *Sida looga hortago:*
✅ Guryaha iyo bakhaarada nadiifi
✅ Xir galoofyo iyo maaskaro markaad nadiifinayso meelaha boodhka leh
✅ Ka fogee jiirka cuntada iyo guriga
✅ Qashinka si wanaagsan u dabool
⚠️ Haddii aad isku aragto calaamadahan kadib meel jiir ku badan yahay, si degdeg ah ula xiriir xarun caafimaad.
📚 QARNI ACADEMY
“Baro – Faham – Badbaado”
Qarni Academy