16/06/2026
Almaas Diploma Programmes Xafiiska Almaas Skills and Diploma Programs ayaa soo qaban-qaabiyay ๐๐ผ๐ผ๐๐ฐ๐ฎ๐บ๐ฝ ๐ถ๐ป ๐ก๐ฒ๐๐๐ผ๐ฟ๐ธ ๐ข๐ฝ๐ฒ๐ฟ๐ฎ๐๐ถ๐ผ๐ป๐ & ๐ฆ๐ฒ๐ฟ๐๐ถ๐ฐ๐ฒ๐, oo socon doona muddo 1 bil ah.
Bootcamp-kan waxaa si gaar ah loogu baran doonaa qaab practical ah xirfadaha muhiimka u ah maamulka iyo hawlgelinta shabakadaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
Network Basics, Switch Configuration, Router Configuration and Network Security Fundamentals.
Fursaddan waa mid ku habboon ardayda, xirfadlayaasha IT-ga, iyo cid kasta oo doonaysa inay horumariso aqoonta iyo xirfadaha dhanka shabakadaha (Networking).
Bootcamp-ka waxaa mentor ka noqon doona: ๐๐ป๐ด. ๐ญ๐ฎ๐ธ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ฒ ๐ ๐ผ๐ต๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐๐ฎ๐ธ, Network Administrator, SomaliREN.
Halkan Iska diwaan gali: https://forms.gle/QQTKgfWQwT36gyLS6
15/06/2026
Waxaa maalintii shalay ee Axadda, Jaamacadda Almaas lagu qabtay munaasabad muhiim ah oo cinwaankeedu ahaa โ๐ง๐ต๐ฒ ๐ฅ๐ผ๐น๐ฒ ๐ผ๐ณ ๐ฌ๐ผ๐๐๐ต ๐ถ๐ป ๐๐ผ๐ป๐ณ๐น๐ถ๐ฐ๐ ๐ฅ๐ฒ๐๐ผ๐น๐๐๐ถ๐ผ๐ป ๐ฎ๐ป๐ฑ ๐ฃ๐ฒ๐ฎ๐ฐ๐ฒ ๐๐๐ถ๐น๐ฑ๐ถ๐ป๐ดโ, taas oo ay soo bandhigeen ardayda kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda, gaar ahaan ardayda Semester 2.
Munaasabaddan ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee dhallinyaradu ku leeyihiin xalinta khilaafaadka, nabad-dhisidda, iyo horumarinta wada noolaanshaha bulshada.
Ardaydu waxay soo bandhigeen presentations iyo dood cilmiyeed (panel discussion) ay kaga doodeen fikrado, caqabado, iyo xalal la xiriira nabadda iyo maaraynta khilaafaadka.
Casharka iyo hagidda munaasabaddan waxaa lahaa Ustaad ๐๐ฟ. ๐๐๐ฟ๐ต๐ฎ๐ป ๐๐ฏ๐ฑ๐๐น๐น๐ฒ ๐๐๐ฟ๐ฒ, oo ardayda ku dhiirrigeliyey inay kaalin muuqata ka qaataan nabadeynta bulshada, horumarinta wada hadalka, iyo xoojinta isfahamka bulshada dhexdeeda.
Sidoo kale, munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa hormuudyo iyo masโuuliyiin ka socday kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Almaas, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen: Kulliyadda Culuumta Caafimaadka, Kulliyadda Culuumta Dhulka iyo Deegaanka
iyp Kulliyadda Culuumta Kumbuyuutarka.
Maamulka Jaamacadda Almaas ayaa si weyn u bogaadiyey tayada bandhigyada iyo doodaha ay soo jeediyeen ardaydu, iyagoo muujiyey faham qoto dheer oo ku saabsan muhiimadda nabad-dhisidda iyo xalinta khilaafaadka.
11/06/2026
Waxaa si guul leh ku soo dhammaaday munaasabadda ๐๐น๐บ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ฒ๐ผ ๐๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ, oo ay soo qabanqaabisay Kuliyadda Culuumta Dhulka iyo Deegaanka ee Jaamacadda Almaas. College of Geosciences & Environment.
Munaasabadda ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ay ka soo qeyb galeen arday, macallimiin, khubaro iyo marti sharaf kala duwan, kuwaas oo ka wada faaโiideystay dood-cilmiyeedyo iyo khudbado qiimo leh oo la xiriira Cilmiga Dhulka, Deegaanka, Macdanta iyo Biyaha.
Ugu dambeyn, maamulka Kuliyadda Culuumta Dhulka iyo Deegaanka ayaa u mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha, marti sharafta, iyo soo jeediyeyaasha khudbadaha.
11/06/2026
Khudbaddii toddobaad ee lagu soo bandhigay munaasabadda Almaas Geo Day 2026 ayaa waxaa jeediyay ๐๐ป๐ด. ๐๐ฏ๐ฑ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ต๐บ๐ฎ๐ป ๐๐ต๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฎ๐๐๐ฎ๐ป, oo ah Geologist.
Soo jeedintiisa oo cinwaankeedu ahaa โThe Geology of Buur Hakabaโ ayaa diiradda lagu saaray qaab-dhismeedka juqraafiyeed ee Buur Hakaba iyo taariikhda samaysankeeda dhuleed.
Eng. Abdirahman Ahmed Hassan ayaa faahfaahin ka bixiyay noocyada kala duwan ee dhagaxyada iyo macdanta laga helo Buur Hakaba, isagoo sidoo kale iftiimiyay muhiimadda ay leedahay fahamka juqraafiyadda goobtaas si loo hormariyo cilmi-baarista iyo ka faaโiidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
11/06/2026
Khudbaddii lixaad ee lagu soo bandhigay munaasabadda Almaas Geo Day 2026 ayaa waxaa jeediyay ๐๐ป๐ด. ๐๐ต๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ฆ๐ต๐ฒ๐ถ๐ธ๐ต ๐ ๐ผ๐ต๐ฎ๐บ๐๐ฑ (๐๐ป๐ด. ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ถ), oo ah CEO, Arlada Mining and Exploration Company.
Soo jeedintiisa oo cinwaankeedu ahaa โSomalia as an Emerging Frontier for Gold and Critical Mineral Explorationโ ayaa diiradda lagu saaray fursadaha sii kordhaya ee Soomaaliya ee dhinaca sahaminta dahabka iyo macdanta muhiimka ah (Critical Minerals).
Eng. Ahmed Sheikh Mohamud ayaa falanqeeyay awoodda juqraafiyeed ee dalka iyo muhiimadda ay macdantan u leedahay koboca dhaqaalaha, soo jiidashada maalgashiga, iyo horumarinta waaxda macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah.
11/06/2026
Khudbaddii shanaad ee lagu soo bandhigay munaasabadda Almaas Geo Day 2026 ayaa waxaa jeediyay ๐๐ป๐ด. ๐ฆ๐ฎ๐ถ๐ฑ ๐๐น๐ถ ๐ข๐๐บ๐ฎ๐ป, oo ah Geologist ka tirsan Startsom Group Company.
Soo jeedintiisa oo cinwaankeedu ahaa โThe Role of GIS in Geological Studies and Analysisโ ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee Nidaamyada Macluumaadka Juqraafiyeed (GIS) ay ku leeyihiin daraasaadka iyo falanqaynta cilmiga dhulka.
Eng. Said Ali Osman ayaa sharaxay sida GIS loogu adeegsado ururinta, kaydinta, maareynta, iyo falanqaynta xogta juqraafiyeed, taas oo gacan ka geysata fahamka qaab-dhismeedka dhulka, khayraadka dabiiciga ah, iyo geeddi-socodyada juqraafiyeed ee kala duwan.