27/05/2026
𝗖𝗶𝗶𝗱 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝘀𝗮𝗻.
كل عام وأنتم بخير.
1447 H
2026 M
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال,
Ciid Mubaarak Ururka Macallimiinta Qaranka Soomaaliyeed-SONUT waxa uu Hambalyada Ciidul-Adxaa la Wadaagayaa Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.
Si Gaar ah waxa aan farxada Munaasabada Ciida lawadaagaynaa Macallimiinta Soomaaliyeed.
Meel kasta oo Aad joogtaan Nabad, Caafimaad iyo farxad ku wada ciida.
-Adxa
.
Xafiiska warbaahinta iyo Xiriirka bulshada.
______________________________________________
Www.sonut.org.so
[email protected]
Holwadag District Mogadishu-Somalia
26/05/2026
𝗙𝗮𝗱𝗹𝗶𝗴𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗖𝗮𝗿𝗿𝗮𝗳𝗼.
Maalinta 9-aad ee Carrafo waa maalin weyn oo Xujeydu ay taaganyihiin Banka Carrafo.
Soonka maalinta Carrafo waxaa laguugu Dhaafayaa Dembiga labo sano. Sannadkii lasoo dhaafay iyo sannadka soo socda.
Nabwiga ﷺ waxa uu yiri, “Duco waxaa ugu khayr badan ducada maalinka Carafo, waxaana ugu khayr badan waxa aan aniga idhaahdo iyo Nabiyadii iga horreeyay, لا إله إلا الله وحده لا شريك له له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير
Maalinka Carafo, oo ah maalinta sagaalaad ee bisha Dulxijjah, waa malinta uu xabiibkeena Muxammad ﷺ noo sheegay in ay tahay maalinka ugu badan ee Alle addoomadiisa ka xorreeyo naarta, aysanna jirin maalin ka naar xoreyn badan maalinka Carafo.
Waxaa nasiibsaday dadka maanta taagan Banka Carafo. Meeshii Nabiga ﷺ uu taagnaa 1437 sano ka hor. Goobtii Nabiga ﷺ Alle ugu sheegay in Diintu ay dhamaystirantahay. Halkii uu Nabigu ﷺ kula dardaarmay asxaabtiisa, uguna jeediyay khudbaddii sagootinta.
Walaalayaal aynu ku dadaalno Acmaasha wanaagsan kana faa'iideysanno kheyrkaas.
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.
____________________________________________
Www.sonut.org.so
[email protected]
Holwadag District Mogadishu-Somalia
15/05/2026
𝑯𝑨𝑴𝑩𝑨𝑳𝒀𝑶 𝑴𝑨𝑨𝑳𝑰𝑵𝑻𝑨 𝑫𝑯𝑨𝑳𝑰𝑵𝒀𝑨𝑹𝑨𝑫𝑨 𝑺𝑶𝑶𝑴𝑨𝑨𝑳𝑰𝒀𝑬𝑬𝑫 – 15-𝒌𝒂 𝑴𝑨𝒀.
Gudoomiyaha Ururka Macallimiinta Qaranka Soomaaliyeed-SONUT Ustaad Abdinasir Salad Mohamud ayaa hambalyo iyo bogaadin waxa uu udirayaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, Munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May 2026.
Waxaan mar walba utaaganahay horumarinta iyo kor u qaadidda aqoonta iyo xirfada Dhalinyarada Soomaaliyeed, iyada oo diiradda la saarayo waxbarasho leh anshax, iyo Dhaqan Wanaagsan iyo wacyi-gelin bulshado.
Hambalyo dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan!
Idinku waxaad tihiin tiirka mustaqbalka, hogaanka berri, iyo codka isbeddelka. Ilaaliya dhaqankiina, dalkiina, dadkiina, una taagnaada horumarka, midnimada, iyo nabadda Umadda Soomaaliyeed.
Waxaan ugu baaqayanaa Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan doorkooda bulshada dhexdeeda, kana shaqeeyaan nabadda, midnimada, iyo horumarka ummaddooda Soomaaliyeed.
Hambalyo 15-ka May
Guulaysta Dhalinyarada Soomaaliyeed!
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.
____________________________________________
Www.sonut.org.so
[email protected]
Holwadag District Mogadishu-Somalia
01/05/2026
M𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 A𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 (International Labour Day 2026)
Maaalinta Shaqaalaha Adduunka oo la Asteeyey 1-da May ee sannadkii 1889-kii waa Maalin caalami ah oo adduunka dhan looga dabaaldago.
waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda meel kasta oo ay joogaan.
In ka badan qarni, Ururada Shaqaalaha waxay u ololeeynaayeyn caddaaladda bulshada, Badqabka Goobaha Shaqada iyo shaqo hufan.
Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha
Maalintani waa maalin qiimo gaar ah u leh shaqaalaha dunida oo dhan, waana fursad lagu xuso kaalinta lama illaawaanka ah ee shaqaaluhu ku leeyihiin horumarka bulshooyinka, kobcinta dhaqaalaha iyo dhismaha bulsho ku dhisan caddaalad iyo wadajir.
Shaqaale weynaha Soomaaliyeed waxa ay door taariikhi ah ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyaga oo laf-dhabar u ah horumarka dalka, dib u dhiska dowladnimada, kobcinta dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, waxa ayna ku suntan yihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar-adayg.
Nagu soo biir si aan kor ugu qaadno si wadajir ah codkaaga: Xuquuqda shaqaaluhu waa ilaalinta xuquuqul insaanka.
Waxaan idinla garab taagan nahay dagaalka lagu helo mushaarka saxda ah, xaaladaha shaqo ee wanaagsan iyo ixtiraamka uu mudan yahay shaqaale kasta.
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.
____________________________________________
Www.sonut.org.so
[email protected]
Holwadag District Mogadishu-Somalia
29/04/2026
Gudoomiyaha Ururka Macallimiinta Qaranka Soomaaliyeed-SONUT Ustaad Abdinasir Salad Mohamud Waxuu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Hassan Sayid Loo doortay Maanta Gudomiyaha Association of Somali Universities - ASU
Tani waa guul mudan in lagu bogaadiyo, waxayna muujinaysaa kalsoonida iyo aqoonta aad leedahay.
Waxaan kuu rajaynayaa guul iyo horumar Ujeedadaada ah in aad kor u qaaddo tayada waxbarashada Sare Ee dalka.
Waxaad fursad u haysataa in aad saameyn togan ku yeelato nolosha ardayda, macallimiinta, iyo bulshada guud ahaan.
Waxaan kaloo kugu dhiiro Gelinayaa in aad ka shaqeyso sidii aad u horumarin lahayd tayada waxbarashada, u fududeyso agabyo iyo fursado waxbarasho oo dheeraad ah.
Mar labaad, hambalyo! Waxaan kuu rajeyneynaa in aad guulaysato, oo aad hogaamin doonto isbeddel wax ku ool ah.
Waxaan kuu rajaynayaa guul iyo horumar hawshaada cusub.
Waxaan ilaahay u weydiinaynaa inuu u fududeeyo Masuuliyadda culus ee laguu idmaday insha Allah.
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.
____________________________________________
Www.sonut.org.so
[email protected]
Holwadag District Mogadishu-Somalia
10/04/2026
إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
Gudoomiyaha Ururka Macallimiinta Qaranka Soomaaliyeed-SONUT Ustaad Abdinasir Salad Mohamud iyo Dhamaan xubnaha Galayaasha Waxaan uga tacsiyadeynaynaa walaakeen Ustaad Xasan Cali Rooble oo kamid ah xubnaha Golaha Fulinta SONUT Geerida Naxdinta leh ee ku timid Aabihiis 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐑𝐨𝐨𝐛𝐥𝐞 𝐉𝐢𝐦𝐜𝐚𝐚𝐥𝐞.
Marxuumka Allaha unaxariisto Jannatul Firdows Allaha k yeelo hoygiisa.
Waxaan u rajaynaynaa oow laadiisii iyo Dhammaan Ahalkiisa ilaahey Samir iyo iimaan Jamiil ah haka siiyo.
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.
____________________________________________
Www.sonut.org.so
[email protected]
Holwadag District Mogadishu-Somalia
19/03/2026
𝗖𝗶𝗶𝗱 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝘀𝗮𝗻.
كل عام وأنتم بخير.
1447 H
2026 M
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال.
Ciid Mubaarak Ururka Macallimiinta Qaranka Soomaaliyeed-SONUT wax ay Hambalyo ku aaddan Ciidul-fidriga la wadaagayaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.
Allaha Naga aqbalo Soomkii, Salaadihii, qur'aankii, sadaqadii, ducadii iyo dhammaan kheyrkii aan samaynay bisha barakeysan ee Ramadan.
Si Gaar ah waxa aan farxada Ciida Soonfur lawadaagaynaa Macallimiinta Soomaaliyeed Meel kasta oo aad joogtaan nabad, Caafimaad iyo farxad ku wada ciida.
-fidri
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.
____________________________________________
Www.sonut.org.so
[email protected]
Holwadag District Mogadishu-Somalia
10/03/2026
𝐀𝐟𝐮𝐫 𝐖𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧.
Waxaa inoo bilowday 10-kii Danbe ee bisha fadliga iyo khyrka ee Ramadaan.
waxaana loo badinaa inuu ku jiro Habeenka ugu khayrka badan Habeenada ee laylatul Qadar, oo cibaadiisu qofkii Alle halaysiiyo ka khayr badan tahay 1000 bilood.
Aan ku dadaalno Acmaasha suuban inta Ka dhiman Bisha Barakeysan ee Ramadan.
Allaha naga yeelo ku wii ka faaiseysta oo haleela Habeen kaas.
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.
____________________________________________
Www.sonut.org.so
[email protected]
Holwadag District Mogadishu-Somalia
05/03/2026
𝐀𝐟𝐮𝐫 𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧.
Soonka waa leyli ruuxi ah oo Nafta Ku tabaraaya cibaadada iyo anshaxa Suuban.
Sida ay diinteena nafartay in aan ka soonno cantada iyo cabitaanka, ayay sidoo kalena na fartay in aan ka fogaanno hadallada iyo ficillada xun sida Dulmiga, khiyaanada, beenta, xanta iyo aflagaadada.
Xadiiskan waxa uu nabigeena Scw noogu sheegay in uusan illahay Dan ka laahayn inuu qofka ka sooma caloosha kaliya, hadiisan afkiisa, addinkiisa, iyo qalbisu ka soomin dhaqanxumada.
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.
____________________________________________
Www.sonut.org.so
[email protected]
Holwadag District Mogadishu-Somalia
26/02/2026
𝐀𝐟𝐮𝐫 𝐖𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧.
" Nebigu ﷺ wuxuu yiri : ' Suxuurta cuna, maxaa yeelay suxuurta waxaa ku jira barako'
Xadiiskan wuxuu muujinayaa in suxuurta ay tahay cunto barako leh oo muhiim u ah qofka sooman.
Waxaa sidoo kale jira xadiisyo kale oo tilmaamaya in suxuurta ay tahay kala duwanaanshaha u dhexeeya soonka Muslimiinta iyo soonka Yahuudda iyo Masiixiyiinta.
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.
____________________________________________
Www.sonut.org.so
[email protected]
Holwadag District Mogadishu-Somalia
22/02/2026
𝐀𝐟𝐮𝐫 𝐖𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧.
Abuu Hureyrah رضي الله عنه ayaa ka wariyay nabiga ﷺ inuu yiri. "Qorkii bisha Ramadaan Salaad u istaagaa isagoo Eeba Rumaysan oo Ajir ka Rajeynaya, waxaa loo dhaafaa dhamaan danbigiisii h**e"
Aan ku dadaalno salaadda sunooyinka ah bishan barakaysan si aan u helno dambi-daafkaas.
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.
____________________________________________
Www.sonut.org.so
[email protected]
Holwadag District Mogadishu-Somalia