Taysiir International School

Taysiir International School

Share

Tacliim Sare Iyo Aqoon Tayo leh

18/06/2026

Dugsiga 𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹 wuxuu u hambalyeynayaa dhammaan 𝗔𝗿𝗱𝗮𝘆𝗱𝗮 𝗙𝗮𝘀𝗮𝗹𝗸𝗮 𝟴-𝗮𝗮𝗱 ee maanta u soo dhamaaday 𝗶𝗺𝘁𝗶𝘅𝗮𝗮𝗻𝗸𝗶𝗶 𝘀𝗵𝗮𝗵𝗮𝗮𝗱𝗶𝗴𝗮 ahaa ee sanad dugsiyeedka 2025-2026.

Ilaah ha ka dhigo natiijooyinkiina kuwa idin farxad geliya insha Allah.

📞 𝗡𝗮𝗴𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿:
+252 618 118 464

14/06/2026

💡 𝗛𝗮𝗹-𝗮𝗯𝘂𝘂𝗿𝗸𝘂 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝗮 𝗯𝗶𝗹𝗮𝗮𝗯𝗺𝗮𝗮 𝗳𝗶𝗸𝗿𝗮𝗱 𝘆𝗮𝗿, 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂𝗻𝗮 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗺𝗺𝗮𝗮𝗱𝗮𝗮 𝗴𝘂𝘂𝗹 𝘄𝗲𝘆𝗻.

Ardayga 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗠𝘂𝘀𝘁𝗮𝗳𝗮 𝗔𝗻𝘄𝗮𝗿, oo dhigta 𝗙𝗮𝘀𝗮𝗹𝗸𝗮 6-𝗮𝗮𝗱 ee 𝗗𝘂𝗴𝘀𝗶 𝗗𝗵𝗲𝘅𝗲 ee 𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹, ayaa soo bandhigay mashruuc uu gacantiisa ku sameeyey oo ah 𝗡𝗮𝗹 (𝗟𝗶𝗴𝗵𝘁), isaga oo sidoo kale sharaxaya habka uu u farsameeyey iyo sida uu u shaqeeyo.

𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹 waxay dhiirrigelisaa ardayda inay isku daraan aqoonta fasalka iyo hal-abuurka wax-ku-oolka ah, si ay u noqdaan jiilka berrito wax abuura, wax hindisa, kana qayb qaata horumarka bulshada.

📞 𝗡𝗮𝗴𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿:
+252 618 118 464

10/06/2026

Sanad dugsiyeed kasta wuxuu xambaarsan yahay 𝗴𝘂𝘂𝗹𝗼, 𝗰𝗮𝘀𝗵𝗮𝗿𝗿𝗼 iyo 𝘄𝗮𝗮𝘆𝗼-𝗮𝗿𝗮𝗴𝗻𝗶𝗺𝗼 mudan in la dhegeysto.

Muuqaalkan wuxuu soo bandhigayaa kulan wadajir ah oo dhexmaray 𝗺𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹𝗸𝗮, 𝗺𝗮𝗰𝗮𝗹𝗹𝗶𝗺𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 iyo 𝗮𝗿𝗱𝗮𝘆𝗱𝗮 𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹, halkaas oo ardaydu si hufan uga hadleen 𝗴𝘂𝘂𝗹𝗮𝗵𝗼𝗼𝗱𝗶𝗶, 𝗰𝗮𝗾𝗮𝗯𝗮𝗱𝗶𝗵𝗶𝗶 𝗮𝘆 𝗸𝗮 𝗴𝘂𝗱𝗯𝗲𝗲𝗻, iyo 𝘄𝗮𝗮𝘆𝗼-𝗮𝗿𝗮𝗴𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗮𝘆 𝗸𝗼𝗿𝗼𝗿𝘀𝗮𝗱𝗲𝗲𝗻 intii lagu guda jiray sanad dugsiyeedka 𝟮𝟬𝟮𝟱–𝟮𝟬𝟮𝟲.

𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹 wuxuu aaminsan yahay in codka ardaygu yahay tiirka horumarka. Sidaa darteed, waxaan kobcinnaa jawi waxbarasho oo ku dhisan 𝗱𝗵𝗲𝗴𝗲𝘆𝘀𝗶, 𝘄𝗮𝗱𝗮-𝘁𝗮𝘀𝗵𝗶 iyo 𝗶𝘀-𝗶𝘅𝘁𝗶𝗿𝗮𝗮𝗺 si loo dhiso jiil leh 𝗸𝗮𝗹𝘀𝗼𝗼𝗻𝗶, 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗶 iyo 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻.

📞 𝗡𝗮𝗴𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿:
+252 618 118 464

09/06/2026

𝗛𝗮𝗹-𝗮𝗯𝘂𝘂𝗿𝗸𝗮 𝗮𝗿𝗱𝗮𝘆𝗱𝗮 𝗳𝗮𝘀𝗮𝗹𝗸𝗮 𝟯-𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 𝗗𝘂𝗴𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗛𝗼𝗼𝘀𝗲.

𝗜𝗯𝗿𝗮𝗮𝗵𝗶𝗺 𝗠𝘂𝘀𝘁𝗮𝗳 iyo saaxiibkiisa 𝗖𝘂𝗺𝗮𝗿 𝗠𝘂𝘂𝘀𝗲, labadan geesi ayaa soo bandhigay aalad ay gacantooda ku sameeyeen oo ah 𝗤𝗮𝗹𝗮𝗮𝗱𝗼 lagu shiido casiirka.

In kasta oo ay da' yar yihiin, haddana habka ay u sharaxayaan farsamadooda waxay muujinaysaa in 𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹 ay tahay halka lagu kobciyo maskaxda iyo aqoonta ardeyga.

𝗨𝗯𝗮𝗱𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗸𝘂 𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻 𝗛𝗼𝘆𝗴𝗮 𝗔𝗾𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮 𝗲𝗲 𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹!

📞 𝗡𝗮𝗴𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿:
+252 618 118 464

Photos from Taysiir International School's post 03/06/2026

🎓🗣️ 𝗖𝗼𝗱𝗸𝗮 𝗔𝗿𝗱𝗮𝘆𝗴𝗮 𝗪𝗮𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮

Iyadoo la soo gebagebeynayo sanad dugsiyeedka 𝟮𝟬𝟮𝟱–𝟮𝟬𝟮𝟲, maamulka, macallimiinta iyo ardeyda 𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹 ayaa yeeshay fadhi wadareed muhiim ah oo lagu falanqeeyay waayo-aragnimadii sanadkan.

Kulankan, ardeydu waxay si xor ah uga dhiibteen aragtidooda, iyagoo ka hadlay 𝘄𝗮𝘅𝘆𝗮𝗮𝗯𝗶𝗵𝗶𝗶 𝘂 𝗾𝗮𝗯𝘀𝗼𝗼𝗺𝗮𝘆 𝘀𝗶 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝘀𝗮𝗻, 𝗴𝘂𝘂𝗹𝗶𝗵𝗶𝗶 𝗹𝗮 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆, 𝗰𝗮𝗾𝗮𝗯𝗮𝗱𝗶𝗵𝗶𝗶 𝗮𝘆 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗲𝗲𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝘁𝗮𝗹𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗼𝗼𝗱𝗮 ku aaddan horumarinta deegaanka waxbarasho.

𝗠𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗺𝗮𝗰𝗮𝗹𝗹𝗶𝗺𝗶𝗶𝗻𝘁𝘂 waxay si taxaddar leh u dhageysteen fikradaha ardeyda, iyagoo xoojinaya dhaqanka wada-tashiga, is-dhageysiga iyo ka-qaybgalka ardayga ee horumarinta tayada waxbarashada.

📞 𝗡𝗮𝗴𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿:
+252 618 118 464

01/06/2026

𝗪𝗮𝗮 𝗺𝘂𝘂𝗾𝗮𝗮𝗹 𝗮𝗮𝗱 𝘂 𝗾𝘂𝗿𝘂𝘅 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗶𝗶𝗿𝗿𝗶𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗺𝘂𝘀𝘁𝗮𝗾𝗯𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗳𝗼𝗴!

Ardayda kala ah 𝗔𝗻𝗮𝘀 𝗖𝗮𝗯𝗱𝘂𝗹𝗹𝗮𝗵𝗶 iyo saaxiibkiisa 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝘅𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗖𝘂𝗺𝗮𝗿 oo dhigta qeybta Dugsiga Dhexe ee 𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹, ayaa soo bandhigay xirfad iyo karti cajiib ah oo ay ku sameeyeen aaladda dharka lagu dhaqdo ee (𝗤𝗮𝘀𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮).

Dugsiga 𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹 wuxuu mar walba u taagan yahay inuu dhiirrigeliyo, garab-istaago, soona saaro jiil hufan oo isbeddel dhab ah ku soo kordhiya bulshada.

📞 𝗡𝗮𝗴𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿:
+252 618 118 464

28/05/2026

Halkaan ka daawo qaar ka mid ah 𝗮𝗿𝗱𝗮𝘆𝗱𝗲𝗲𝗻𝗮 oo hambalyo qiima badan oo ku aadan munaasabadda barakaysan ee 𝗖𝗶𝗶𝗱𝘂𝗹 𝗮𝗱𝘅𝗮𝗮 hawa u marinayo bulshada.

عيدكم سعيد- كل عام وأنتم بألف خير

26/05/2026

🌙 𝗖𝗶𝗶𝗱𝘂𝗹 𝗔𝗱𝘅𝗮 𝗠𝘂𝗯𝗮𝗮𝗿𝗮𝗸 🌙

Waxaa farxad inoo ah inaan hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda barakeysan ee 𝗖𝗶𝗶𝗱𝘂𝗹 𝗔𝗱𝘅𝗮 halkaan uga dirno dhammaan 𝗨𝗺𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗠𝘂𝘀𝗹𝗶𝗺𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال

25/05/2026

𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹 waxaa lagu yaqaan waxbarasho isku dhafan aqoon iyo ficil, taas oo sare u qaadda 𝗳𝗮𝗵𝗮𝗺𝗸𝗮, 𝗸𝗮𝗹𝘀𝗼𝗼𝗻𝗶𝗱𝗮, iyo 𝘁𝗮𝘆𝗮𝗱𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗯𝗮𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼 ee ardayda. 📚🔬

Guulaha iyo wax soo saarka muuqda ee ardayda waxaa saldhig u ah dadaalka dheeraadka ah ee uu dugsigu geliyo horumarinta mustaqbalka ubadka 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱. 🌱

📞 𝗡𝗮𝗴𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿:
+252 618 118 464

Photos from Taysiir International School's post 23/05/2026

Qaar ka mid ah muuqaalada quruxda badan ee ardayda yar yar ee qaybta xanaanada 𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹.

𝗖𝗮𝗿𝗿𝘂𝘂𝗿𝘁𝘂 𝘄𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻 𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝗵𝗲𝗹𝗮𝗮𝗻:
- 📚 Waxbarasho tayo leh
- 🛡 Daryeel iyo ilaalin heer sare ah
-🎨 Goob ammaan ah oo ay ku ciyaaraan, wax ku bartaan, kuna kobcaan garaad ahaan iyo akhlaaq ahaanba.

Waxaan aaminsanahay in aasaaska saxda ahi uu dhiso mustaqbal ifaya. Sidaas darteed, waxaan carruurta u abuurnaa 𝗱𝗲𝗲𝗴𝗮𝗮𝗻 𝗷𝗮𝗰𝗮𝘆𝗹, 𝗯𝗮𝗿𝗯𝗮𝗮𝗿𝗶𝗻 iyo 𝘄𝗮𝘅𝗯𝗮𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼 isku dhafan leh.

Waalid, haddii aad rabto in ilmahaagu helaan aasaas waxbarasho oo tayo leh, casri ah, isla markaana waafaqsan heerarka caalamiga ah — nala soo xiriir maanta.

📞 +252 618 118 464

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Jungal
Mogadishu

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:00
Tuesday 07:00 - 17:00
Wednesday 07:00 - 17:00
Saturday 07:00 - 17:00
Sunday 07:00 - 17:00