Prof. Osman Adan Adde Campus home to Postgraduate Studies and the Innovation Centre, where a refreshing atmosphere, student-friendly facilities, and academic excellence come together.
Benadir University
Benadir University (BU) is a leading Private University in Somalia established in 2002.
21/06/2026
Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir, Prof. Dr. Mohamed Mohamud Hassan, ayaa ka qaybgalay Shirweynihii 11-aad ee Our Ocean Conference (OOC11), kaas oo lagu qabtay magaalada Mombasa ee dalka Kenya intii u dhaxaysay 12–20 Juun 2026.
Shirkan oo markii ugu horreysay lagu qabtay qaaradda Afrika ayaa sanadkaan hal-kudhiisa ahaa:
“Our Ocean, Our Heritage, Our Future”
“Baddeenna, Dhaxalkeenna, Mustaqbalkeenna”
Hal-ku-dhiggan wuxuu muujinayaa muhiimadda badaha ee u leedahay nolosha, dhaqaalaha, dhaqanka, iyo mustaqbalka jiilasha soo socda.
Shirweynahan caalamiga ah wuxuu isu keenay madax dowladeed, wasiirro, khubaro, hay’ado cilmi-baaris, Jaamacado, Ururrada bulshada rayidka ah, iyo Hay’adaha horumarinta si ay uga wada hadlaan ilaalinta badaha, dhaqaalaha buluugga ah, isbeddelka cimilada, kalluumeysiga waara, iyo maareynta khayraadka badda.
Intii uu shirku socday, Guddoomiyuhu wuxuu ka qaybgalay kulamo heer sare ah iyo doodo ku saabsan:
🔹 Horumarinta dhaqaalaha buluugga ah (Blue Economy)
🔹 Ilaalinta iyo dib-u-soo-celinta deegaanka badda
🔹 Marine Carbon Dioxide Removal (mCDR)
🔹 Maalgelinta ilaalinta badaha iyo deegaanka
🔹 Doorka Garaad Gacmeedka (AI) ee maareynta badaha
🔹 Xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee arrimaha badaha iyo cimilada
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu kulamo la yeeshay wakiillo ka socday Jaamacado, xarumo cilmi-baaris, hay’ado horumarineed, iyo ururro caalami ah si loo xoojiyo iskaashiga dhinacyada cilmi-baarista, tababarrada, iyo horumarinta aqoonta la xiriirta badaha iyo isbeddelka cimilada.
Ka qaybgalka Jaamacadda Benadir ee shirkan wuxuu muujinayaa doorka sii kordhaya ee Jaamacaddu ku leedahay cilmi-baarista, ilaalinta deegaanka, iyo taageeridda dadaallada Soomaaliya ee la xiriira horumarinta dhaqaalaha buluugga ah iyo maamulka waara ee khayraadka badda.
Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay ka faa’iidaysiga xeebteeda dheer ee ka badan 3,300 km, iyadoo la xoojinayo cilmi-baarista, ilaalinta deegaanka badda, horumarinta kalluumeysiga waara, iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah si loo gaaro horumar waara iyo adkeysi bulsho.
20/06/2026
Benadir University proudly participated in the Capacity Building Training Programme on Internal Quality Assurance (IQA) – Cohort 7, held in Nairobi, Kenya, and represented by **Abdullahi Adeid, Head of Student Engagement and Leadership Services.
Upon successfully completing the programme, Abdullahi Adeid earned the designation of Certified Quality Assurance Practitioner (CQAP), strengthening his expertise in quality assurance, self-assessment, benchmarking, and continuous improvement in higher education.
Benadir University remains committed to enhancing institutional quality assurance, improving student services, and advancing academic excellence.
20/06/2026
Golaha Sare ee Mu’assasada Benadir ee Tacliinta Sare iyo Cilmi Baarista, Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐃𝐫. 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐌. 𝐇𝐚𝐬𝐬𝐚𝐧 (𝐃𝐫. 𝐁𝐢𝐝𝐚𝐲), Maamulka, Macalimiinta, Shaqaalaha iyo Ardayda Jaamacadda Benadir waxa ay hambalyo u dirayaan 𝐄𝐧𝐠𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐢𝐳𝐚𝐤 𝐖𝐚𝐫𝐚𝐬𝐚𝐦𝐞 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐞 - Cr Warsame oo dhawaan loo magacaabay Guddoomiyaha Jaamacadda Jamhuriya University of Science and Technology.
Waxaan u rajeyneynaa inuu Alle ku asturo xilka cusub, kuna garab galo gudashadiisa, isla markaana ku guuleeyo horumar iyo waxqabad miro-dhal ah.
Waxaan leenahay Hambalyo Hambalyo.
20/06/2026
Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 12-aad Sannad-dugsiyeedka 2025/2026 oo maanta u bilowday ardayda Soomaaliyeed. Waxaan u rajeyneynaa dhammaan ardayda in Alle u fududeeyo imtixaanka, kana siiyo natiijooyin wanaagsan oo ay ku farxaan iyaga, waalidiintooda, iyo macallimiintooduba.
Guul ayaan idiin rajeyneynaa dhammaantiin!
Ardayda soo dhammeysatay Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad Sannad-dugsiyeedka 2025/2026, waxaan idiin rajeynaynaa natiijo wanaagsan oo aad ku faraxdaan idinka, waalidiintiinna, macallimiintiinna, iyo dhammaan inta daneeyneysa guushiinna. Guul ayaan idiin rajeyneynaa dhammaantiin!
Green views, fresh air, and a peaceful atmosphere.
Prof. Shahid Campus – KM13, Garasbaaley, where every day feels inspiring, refreshing, and ready for learning.
14/06/2026
Golaha Sare Mu’assasada Benadir ee Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista, Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir, 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐃𝐫. 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐌. 𝐇𝐚𝐬𝐬𝐚𝐧 (𝐃𝐫. 𝐁𝐢𝐝𝐚𝐲), Maamulka, Macallimiinta, Shaqaalaha iyo Ardayda Jaamacadda Benadir waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dowladda Liibiya, 𝐇.𝐄 𝐀𝐦𝐛. 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐟𝐚𝐭𝐚𝐡 𝐒𝐡𝐞𝐢𝐤𝐡 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝, oo maanta waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Madaxweynaha Dalka Liibiya.
Safiir 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐟𝐚𝐭𝐚𝐡, oo ah diblomaasi khibrad iyo waayo-aragnimo dheer u leh arrimaha dibadda, waxaan Alle uga baryeynaa inuu ku asturo gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday, kana dhigo mid sii xoojiya xiriirka labada dal, isla markaana door muuqda ka qaata daryeelka iyo ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool ama ku sugan Liibiya, gaar ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee la tacaalaya caqabadaha tahriibka.
Waxaan u rajeyneynaa guul, horumar iyo waxqabad miro dhal ah.
Hambalyo!
Maxaa looga baahan yahay Ardeyga si uu dhibco fiican u keensado.
Prof. Jailani Kassim Said - Gudoomiye ku xigeenka Qorsheynta & Horumarinta Jaamacadda Benadir, ahna Hormuudka Kuliyadda Waxbarashada, sidoo kale Qabiir Arimaha Waxbarashada in ka badan 40 sano.
𝐁𝐚𝐫𝐚𝐚𝐫𝐮𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐉𝐢𝐡𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐅𝐚𝐬𝐚𝐥𝐤𝐚 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞, 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐝-𝐝𝐮𝐠𝐬𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟓–𝟐𝟎𝟐𝟔
13/06/2026
Dugsiga Daraasaadka Sare ee Jaamacadda Benadir wuxuu soo kordhiyay 𝐌𝐚𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐨𝐟 𝐒𝐜𝐢𝐞𝐧𝐜𝐞 (𝐌𝐒𝐜) 𝐢𝐧 𝐎𝐧𝐞 𝐇𝐞𝐚𝐥𝐭𝐡 barnaamij isku xiraya caafimaadka dadka, xoolaha, iyo deegaanka si loo diyaariyo xirfadlayaal wax ka qabta caqabadaha caafimaad ee maanta iyo mustaqbalka.
Waxaa loogu talagalay inay ka faa'iideystaan dhakhaatiirta caafimaadka, dhakhaatiirta xoolaha, khubarada caafimaadka dadweynaha, deegaanka, beeraha, iyo dhammaan xirfadlayaasha la xiriira.
Iska diiwaangeli adigoo booqanaya xarunta Daraasaadka Sare ee Jaamacadda Benadir ama la xiriir: 👇
https://wa.me/252615910449
https://wa.me/252615483336
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Website
Address
Wadada Jaamacadda Benadir
Mogadishu
252
Opening Hours
| Monday | 07:00 - 00:00 |
| Tuesday | 07:00 - 00:00 |
| Wednesday | 07:00 - 00:00 |
| Thursday | 07:00 - 00:00 |
| Friday | 09:00 - 00:00 |
| Saturday | 07:00 - 00:00 |
| Sunday | 07:00 - 00:00 |