13/06/2026
๐๐ BILOWGA IMTIXAANKA SANAD-DUGSIYEEDKA 2025/2026 ๐๐
Maanta waxaa si rasmi ah noogu bilowday imtixaanka dhammaadka sanad-dugsiyeedka 2025/2026.
Maamulka, macallimiinta iyo dhammaan bahda Al Safa primary and secondary school waxay ardayda u rajeynayaan guul iyo natiijooyin wanaagsan. Waxaan Alle SWT ka baryeynaa inuu u fududeeyo imtixaanka, kana dhigo kuwo ku guuleysta dadaalkooda.
๐คฒ Ilaahay ha u fududeeyo dhammaan ardayda imtixaanka, waxaana u rajeynena guul, horumar iyo mustaqbal ifaya. Aamiin.
Al-Safa Primary and Secondary School
11/06/2026
๐โฝ GUNAANADKII TARTANKA KUBADDA CAGTA AL SAFA CUP โ DUGSIGA SARE โฝ๐
Waxaa si qurux badan oo xamaasad leh noogu soo geba-gaboobay tartanka kubadda cagta iskuulka Alsafa ee Al Safa Cup, fasallada dugsiga sare. Ciyaartii k**a dambaysta ahayd (Final-ka) ayaa dhex martay Form 3B iyo Form 2A, kuwaas oo soo bandhigay ciyaar heer sare ah oo ay ka muuqatay karti, dadaal iyo is-xilqaan.
Kadib tartan adag iyo ciyaar soo jiidatay taageerayaasha, waxaa koobkii tartanka ku guuleystay Form 3B, kuwaas oo muujiyay awood iyo isku-duubni u horseeday inay noqdaan horyaalka Al Safa Cup Dugsiga sare ee sanadkan. ๐๐
Hambalyo iyo bogaadin gaar ah ayaan u direynaa Form 3B guushan weyn ee ay gaareen. Sidoo kale, waxaan ammaan u jeedinaynaa Form 2A oo soo bandhigay ciyaar wanaagsan, isla markaana tartanka ku matalay akhlaaq iyo hufnaan.
Waxaan u mahadcelineynaa maamulka dugsiga, macallimiinta, ciyaartoyda iyo dhammaan intii ka qeyb qaadatay qabsoomidda iyo guusha tartankan, kuwaas oo door weyn ka qaatay horumarinta isboortiga iyo iskaashiga ardayda.
๐๐ Hambalyo Form 3B โ Horyaalka Al Safa Cup Dugsiga Sare 2026! ๐๐
"Guushu waxay raacdaa dadaalka, wadajirka iyo dulqaadka." โฝโจ
09/06/2026
๐โฝ GUNAANADKII TARTANKA KUBADDA CAGTA AL SAFA CUP โ DUGSIGA DHEXE โฝ๐
Maanta waxaa si heer sare ah noogu soo geba-gaboobay tartanka kubadda cagta ee Al Safa Cup ee fasallada dugsiga dhexe. Ciyaarta k**a dambaysta ah (Final-ka) ayaa dhex martay fasallada 7A iyo 7B, kuwaas oo soo bandhigay ciyaar xiiso badan, tartan adag iyo karti ciyaareed la yaab leh.
Kadib dadaal iyo ciyaar qurux badan, waxaa guusha iyo koobka tartanka hantiyay fasalka 7B, kuwaas oo noqday horyaalka Al Safa Cup dugsiga dhexe ee sanadkan. ๐๐
Hambalyo gaar ah ayaan u diraynaa fasalka 7B guushan qiimaha badan, sidoo kale waxaan bogaadinaynaa fasalka 7A oo soo bandhigay ciyaar wanaagsan iyo tartan sharaf leh.
Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan maamulka, macallimiinta, ciyaartoyda iyo ardaydii ka qeyb qaadatay guusha iyo habsami u socodka tartankan.
๐ Hambalyo 7B โ Horyaalka Al Safa Cup dugsiga dhexe! ๐
26/05/2026
Ciid wanaagsan dhamaan umada soomaliyeed gaar ahaan ardayda meel walbo ay joogan.
ูู ุนุงู
ูุฃูุชู
ุจุฎูุฑ ุชูุจู ุงููู ู
ูุง ูู
ููู
ุตุงูุญ ุงูุฃุนู
ุงู
25/05/2026
Fasaxa maalmaha eidul-adha
21/05/2026
Waxa maanta si heer sare ah noogu qabsoomay kulankii k**a dambaysta ahaa (Final-ka) ee tartan-aqooneedka iskuulka, kaas oo ay ku loolamayeen fasallada 5A iyo 5B.
Labada fasalba waxay soo bandhigeen aqoon, dadaal iyo tartan qurux badan oo xiiso gaar ah lahaa.
Ugu dambayntii, guusha waxay si rasmi ah u raacday fasalka 5B.
Hambalyo fasalka 5B, sidoo kale mahadnaq iyo bogaadin haka gaarto dhammaan ardayda iyo macallimiinta ka qeyb qaatay qabsoomidda tartankan quruxda badan.
20/05/2026
Maamulka Iskuulka Al Safa, Dr. Yacquub Shariif Macalin, ayaa kulan dardaaran iyo dhiiragelin ah u qabtay ardeyda fasallada shahaadiga ah ee 8-aadka iyo Form Four-ka, kuwaas oo ay kusoo fool leeyihiin Imtixaanka Qaranka. Dr. Yacquub ayaa ardeyda ku boorriyey dadaal, kalsooni, iyo diyaar garow wanaagsan, isaga oo xusay in guushu ku timaaddo sabir, akhlaaq, iyo waxbarasho joogto ah. Sidoo kale wuxuu ardeyda kula dardaarmay inay Alle talo saartaan, waqtigoodana si wanaagsan uga faaโiideystaan si ay u gaaraan natiijooyin wanaagsan.
20/05/2026
Saadaali kuna guuleyso $5
Shuruudaha:
๐Like
โ
Follow
โ
๏ธComment
โ
๏ธShare