Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi.

Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi.

Share

SIMAD Student platform, a place where all SIMAD fraternity can see what their leaders can do

Photos from SIMAD Reading & Writing Club's post 22/06/2026

Well done SIMAD Reading & Writing Club.

20/06/2026

Wasaaradda Waxbarashada iyo Dacwada ee Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD (XAJSi), ayadoo ka duulaysa tiirarka istiraatiijiga ah ee dhismaha aqooneed iyo mihnadeed ee ardayda, waxay ku dhawaaqaysaa madal cilmiyeed heer sarre ah, oo si gaar ah loogu naqshadeeyey falanqaynta iyo dhismaha mustaqbalka macallimiinta berrito.

Tallaabada loo qaadayo dhanka mihnadda waxbaridda iyo ka gudbidda marxaladda ardaynimada waa safar ballaadhan oo xambaarsan caqabado fara badan. Sidaa darteed, si loo xaqiijiyo in ardayda Kulliyadda Waxbarashadu ay si kalsooni leh u waajahaan fagaaraha shaqada, Wasaaraddu waxay u qabanaysaa siminaar aqooneed oo cinwaankiisu yahay: "Challenges Faced by Student Teachers During Their Early Years of Teaching" (Caqabadaha soo wajaha Macallimiinta Cusub inta lagu guda jiro Sannadahooda H**e ee Baridda)

Barnaamijkan oo qayb ka ah qorshaha Xukuumadda ee tayaynta waxbarashada ardayda, waxaa aqoonteeda iyo khibraddeeda nala wadaagi doonta Ustaad Leila Mohamed Warsame, oo ka tirsan aqoonyahannada iyo macallimiinta Jaamacadda SIMAD.

DHAMMAAD
____________

XAJSi OFFICE
E-mail: [email protected]
Mogadishu – Somalia

Photos from Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi.'s post 18/06/2026

Xubno ka tirsan Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD oo kala shiray xafiiska Cilmibaarista iyo Horumarinta Jaamacadda, hindise ku saabsan koorso lagu horumarinayo aqoonta cilmibaarista xubnaha XAJSi.

Xubnaha oo ka duulaya in xukuumadda ay qeyb ka noqoto cilmibaarista Jaamacadda, isla markaana la horumariyo wax soo saarka aqooneed ee XAJSi, ayaa kulan la yeeshay Dr Marian Abdullahi Mohamed, agaasimaha xafiiska CRD si ay uga wada hadlaan nashqadeynta koorso lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha cilmibaariseed ee xubnaha XAJSi.

Koorsadan ayaa ujeedkeedu tahay inay sare u qaaddo fahamka iyo awoodda xubnaha XAJSi ee dhinaca cilmibaarista, isla markaana ay ka taageerto inay si firfircoon uga qayb qaataan daraasaadka iyo wax soo saarka aqooneed ee Jaamacadda SIMAD.

DHAMMAAD
_____________

XAJSi OFFICE
[email protected]
Mogadishu — Somalia

Photos from Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi.'s post 13/06/2026

Markii uu soo gabagaboobay Toddobaadka Dhaqanka Jaamacadda SIMAD 2026, waxaa si weyn loo maamuusay laguna guddoonsiiyay shahaadooyin dhammaan xubnihii iyo kooxihii dadaalka badan geliyay qabsoomidda iyo guusha toddobaadkaas.

Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD (XAJSi), waxay si kal iyo laab ah ugu mahadcelinaysaa maamulka Jaamacadda, Xafiiska adeega ardayda, macallimiinta, ardayda, iyo dhammaan cid kasta oo door ka qaadatay ama ka gacan siisay hirgelinta Toddobaadka Dhaqanka Jaamacadda SIMAD 2026.

Dadaalkiinna, taageeradiinna iyo wada-shaqayntiinna wanaagsan ayaa sabab u noqday in toddobaadkan uu noqdo mid guul weyn ku soo dhammaada, kana tagay xusuus iyo farxad ay wadaagaan dhammaan qoys weynaha Jaamacadda SIMAD.



13/06/2026

Xusuustii iyo xamaasaddii lagu soo gunaanaday .



12/06/2026

Hambalyo! Sahra Ahmed ayaa ku guuleystay Tartanka Suugaanta qeybta Geeraarka ee .

HAMBALYO! Sahra

12/06/2026

Hambalyo! Maa'ido Cabdicasiis oo dhigata Kulliyadda Dhaqaalaha ayaa ku guuleysatay Tartanka Crochet-ka ee .

HAMBALYO! Cabdicasiis

12/06/2026

Hambalyo! Mohamed Warsame ayaa ku guuleystay Tababarihii ugu wanaagsanaa Tartanka Kubadda Cagta ee .

HAMBALYO! Mohamed Warsame

12/06/2026

Hambalyo! Cabdicasiis Mohamed ayaa ku guuleystay Ciyaar yahankii ugu wanaagsanaa Tartanka Kubadda Cagta ee .

HAMBALYO! Cabdicasiis

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Warshadaha Street, SIMAD University Main Campus
Mogadishu